Maxaa ku dhacay ganacsiga Soomaalida Sweden?

Isbuucii la soo dhaafay waxaan ka qeyb galay shir ka dhacay Stockholm oo looga hadlaayay ganacsiga soo galootiga. Waxaa lagu marti qaaday dad fara badan oo u badan soo galooti wadanka ganacsi ka abuuray.

Shirkaan oo ay qabteen hay’ada dowliga ah ee Tillväxtverket iyo ururka IFS ayaa waxaa aad uga dhex muuqday carabta iyo dadka ka soo jeeda bariga Yurub. Arinta i cajiib galisay ayaa ahayd in galinkii hore oo dhan aanan  ku arag hal qof oo Soomaali ah, iskaba dhaaf Soomaali xitaa qof madoow aniga ayaa ka joogay meesha. Galankii dambe ayaan ku arkay hal nin oo Soomaali ah. Waxaan is waydiiyay xagee ka bexeen ganacsatadii Soomaalida ee Sweden?

Su’aashaas jawaabteeda ayaa u baahan in dhowr dhinac laga eego balse waxay arintu isugu soo biyo shubanaysaa in aan nahay dad wadanka ka jiifa oo aan arimaha ganacsiga sidaa ugu firfircoonayn. Inkastoo la ogyahay in Soomaalida xariif ku yihiin ganacsiga ayaa hadana waxaa muuqata in Sweden kuwa nool aysan wadadaas fahmin ama ay raaceen wado kale oo la yiraahdo “ceyr qaadasho”. Way jiraan shaqsiyaad ganacsi ku leh Sweden balse iyaga laftoodu waa kuwo ganacsigoodu uu xadidan yahay oo inta badan ka dhex shaqeysta Soomaalida iyo ajaanibta dhexdooda.

Dhinaca kale, Soo galootiga ka soo jeeda wadamada carabta iyo bariga Yurub ayaa fahmay in shaqo laga helo Sweden ay ka fududahay in ganacsi laga abuurto. Qofka soo galootiga ah waxaa lagu cunsuriyeeyaa midabkiisa, lahjadiisa iyo diintiisa markuu shaqo raadsado balse haddii aad ganacsi abuurato shuruudahaas waad dhaafaysaa. Waxay aad ugu firfircoonyihiin xiriirka iyo in ay xulufo la sameeyaan qeybaha kale ee soo galootiga iyo Swedishka. Anagu haddii aan nahay Soomaali inaga dhexdeena ayaa isku mashquulsan oo kala dhamaan la’a.

Anigu waxaan ka mid ahay dadka ganacsiga ka abuuray wadankaan, aaminsana in lala ganacsado Swedishka oo aan lagu mashquulin Soomaalida oo keliya. Waxaan aaminsanahay in Soomaalidu ay yihiin dad ganacsiga yaqaana balse ay ka maqantahay is aaminidaadii ay wax wada qabsan lahaayeen iyo sidoo kale in ay fikirkooda ku koobaan suuqa Soomaalida oo keliya. Haddii aad ku fikirayso in aad ganacsi ka abuurato Sweden waa in aad abuurtaa mid ay bulshada guud ahaan macaamiil kuu noqon karaan. Waa in aad xiriir iyo xulufo la sameysaa qeybaha kale ee bulshada, waa in aad ka qeyb gashaa bandhigyada iyo shirarka looga hadlayo arimaha ganacsiga waayo waxaad ka heleysaa kontakt muhiim ah.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

13 Responses

  1. FM Jimce wanaagsan, Salallaahu caleyhi wasalim says:

    Waa dib u dhac runtii na heysta balse ganacsigu ma fududa inkastoo qof lacag heysta uu maal gashan karo mashruucyo badan laakiin meeshaan skattkeeda ayaa badan(canshuurta)inkastoo aan filayo waxa daruuriga ah iney xoogaa ka jabiyaan canshuurta Soomaaliduse waa socoto wadamo kale u socda wadankaan si fiican umeysan fahmin kuwii nooga horeeyeyna waa ka tageen bal adigu garo sababta!!!!????

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. jimcale102 says:

    sxb waa runtaa laakin, meshaan laba maado dartood ayaan looga furi karin ganacsi. canshuurto oo badan iyo dadka dadlkaan u dhashay oo aysan fududeyn in ganacsi laga dhex sameyso sambabo xirixirnasho iyo halka meel uu barto uu ku xirnaado, jimcaale ahaan imisa swidhisha ah ayaa meheradaada timaada, ajaanib iyo iswidhishka ya badan , teeda kale ajaanibtu markey kusoo badato meesha swedishisku waa katagan mesha. mafahmin sababta.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. barow nuur faarax says:

    Asc akhyaarta sharafta leh ninyahow jimcaalow wadankaan waala socotaa xaaladiisa cid kaaga sheekeyneyso malaha somali shaqeysato waa joogtaa iyo kuwa ganacsi aaba ugu badano kuwa ceyrta qaato oo aan ka mid ah sxb dhaqaalo majiree ee waxaa sameysaa hadii somaalida kuu dhowdahay adiga gacan qabo oo dukaankaada shaqo kasii inlee swedidhka wey is gacan qabtaan intaas samey waana ku salaamay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  4. wayab says:

    asc jimcaale sxb hanoga waregeysan ninyahow melan wax nagagalin oo wali aan garin ee nosheg familada maxa war ka heysa mise markay week kaso waregato qoraalka aya so qorta adiga aniga webkan wan arka lakin manta aya igu horeyso inaan wax kuso qoro wax aan waxba aheyn haku waregeysanin dadka wax wax tarayo soqor wabilahi towfiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

    • QABIID says:

      WAXAAD SHEEGTO MA WEYDEY SIDAN WARIYE LAGUMA NOQDO JAMACAD AYAA LOOGA SO BAXAA SXB WAXAD SOO QORTAABA WAXA U BADAN NEGATIVE ,ADIGA SHAQSI AHAN WAX QABSO WEBSITE KAN WABA MID SIDA DAYNIILE OO KALE AH ,WAXA KU QORAN WADBA KU YAQ YAQSIYOON ADEER JAMACAD AYAA LOO GALAA HADA DOONAYSID INAAD QORAA NOQOTO QAAB QORAA FACE KAAGA UMABA EKA .

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. fatima says:

    acuudu bilaah waligeey uma heesan saan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. MASSAGO says:

    Asc Dhamaan axbta run ahantii hadalka aw kadhawaajiyay walaalkeeyn Jimcale wa wax jiro kamana muuqano saylada suuqyada marki laga reebo in yaroo fara ku tiris ah. Somalida Sweden degen waxa kashqeeyo waxeey naqa karaan 20% ama kaba yar sideey ila tahay waxeyna u badan yihiin dad cumaal ah oo xoogooda maalo waaku yar yihiin dad ganacsi abuurtay qoftuna waxay jaanis bixi kartaa markeey ganacsi leedahay 1,2 shaqa ama xataa baraktik hasiiso uun lagu qadi maayo lkn qof shaqaale ah oo 8 saac shaqeeyo wixi laga helo aar galaan shaaah ah oo shaxaad ah kama badno oo janiska aw baxsho waa yar yahay, Hadaba maxaa naga qadshay suuqa ganacsiga waxeey ila tahay 2 arimood ineey sabab u yihiin marka ugu horeeyso luqada iyo dhaxgalka swedeshka aan ku liidano tan 2-maad dhaqaalaha lagu shaqeeysto inta badan waxaa laga daynsadaa bankiyada iyo meelahaas waxeeyna saartaan ribo taasna sharciga islamka kuma banaano ooo caqabadaas aa naga hor taagan ayuna marka saa xeero loo xagtaa ilkana ku nabad galaan ay joogtaa wadankaan waa joognaa waxaana ku leenahay oo kama socono tira yar oo kufikiree medborg qaado ee kaguur waa jirtaa masa badno muga hala dadaalo kära bröder och systrar Lycket till med Er,,,,,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. maskiin alle says:

    WAR DADKA WADANKAN AYAGAA KUGU KELIFAAYO INAAD CEYR SUGTO OO HADADAN SHAQEYN IYO MARKAD SHAQEYSO WAA ISKU INCOME,,GANACSINA INTAASOO BEEN INAAD SHEEGTO MOOYEE HADAAD LILLAHI TAHAY WAXBA KA KEENI MEYSID,,MARKA AYAGAA DADKA CUURYAAMIYAY,,,AMA WAA INAAD SUGTAA CEYR AMA WAA INAAD QAYAAMO LA TIMAADO OO XAARAAN SHAQEYSO BERINA ILAAH WUU KUWEYDIINAYAA MEESHAAD KA KEENTAY MARKA MEEL ROON WAA LAWEYSAN YAHAY WAXAAN ISKA NAHAY MASAKIN ILAHEY OO AYAGA ISKU MASHQUULSAN…..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. MASSAGO Till Maskiin Alle says:

    maxaa Been u shegeee waxaad gadeeyso waxeey yihiin aad kashegeee oo run ah beena kudari maysid exmbl,, hadaad maqaayad gadeeyso waxaad kariso waxaad rabto ku gadahee wixi lagu waydiiyana waa uga jawaabee oo lilaali ah , tan kale fikirka ah hadaad shaqeeyso iyo hadii kale waa isku inkomst wax badan uma dhaxeeyaan been ma,ahin oo hadaad leedahay fimil kabadan 4 qofood inti kusoo gali kirtay shaqada kahor kabadan kusoo gali maayaan oo isku filnaaaw aalagu dhahaa cidaada marsuuufo lkn waxaad tahay nin shaqeeyo oo xoogiisa cuno gacanta koreeyso aaka kheeyr badan mida hoose waxaad hubto oo xalaal ahaad cunee not shaki ama intee laga keenay waxaan iyo maw shaqeeysto waa is dayhaysiiiin iyo waraaq gaduudan o för sent lagu qoray kadibna lagaa jarto 10 minit saacad loo qaadto saacadna maalin lo qaadto waxasoo silic iyo saxariir ah is arki maysiiin hadaad shaqaysato. Maka wado inan fikirkaaga mucaarad ku ahay lkn uun dhaq dhaqaaq aa fiican qofta bini aadimka ahna shucuurtiisa waasoo naqahee hadaw isku filnaaado asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. njb says:

    GANACSIGA SIDIISABA WAXU U BAHAN YAHAY 3 SHEEY.
    1. HANTI
    2. AQOON
    3. FURSAD
    INTAA QOFKI ISKU HAYSTO WEY U FUDUDAHAY INU SAMEYO GANACSI. BAL AN EGNO DHANKENA SOMALIDA. waxa hubaal ha somalida manta ku nool sweden inay wadanka yimadeen intooda badan 2007.iyo waxi ka dambaeyay , o waliba intoda badan hadana ay singalo yahiin. makula tahay qof xita ciyalkisi iyo zowjiki ama zowjadii ay ka maqan yihiin inu mashruc iyo ganacsi ka fikiro .ilama ahan . JIMCALE ruunti waxad ka garan kartaa websitekan waxa kasto od so qorto fikradaha laso gudbiyo waxa ugu badan suashaan..” IGANA DHAF WAXAN ARIMIHII MIDEYTA RERAHA WAX WAR AH MAKA HAYSAA”. ma’ahan bulshada inay quseynin arinku lkn waxa ugu daran midankale waxan dhihi laha, QOF MIR QABO AYA MAAS LA WEYDIYAA” bal midan reeraha xooga sar intakale biiyo shuub inoga dhiig ..cafwan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  10. cade says:

    sxb hadii aan ka muqan weynay ganacsika qofbo meel bukamuqday anaka yaa nuguhesto fadhi gudirirka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Ciska says:

    Soomaalida badankooda shaqo madoonayaan. iidhiib shaxaad iyo hurdo usheeg

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. xamdi says:

    soomalida yaa qabiil iskugu fanaanayo balayada aan iswdhan ku arkay waxaey tahay yaa tahay maxaa hor aay sameynkaraan waaalahi mesha aan daganahay waa tulo yar hadana somalida wax aan qabiil iyo balayo aheen iskuma radiyaan aloow soo hanuuni walahi waaa waxad arkeysaa ragiyoo nago cml wax iska shegayo bal dumarkii kawaran dad is jecel ayaa gara mustaqbal wanagsan marka soomalida aalaha soo hanuuniyo koley aniga uma arko in iswdano han aan wax laga qabsan karin ee waxaan ka soo jednaa calam aduunka ka haray taas ayana noogu wacan ee aan ilahey ka cabsano oo dadka na so dhaweyay yaan lagu marsinoyin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0