Maxaa loo soo bandhigi waayay mooshinkii la filaayay 20 Maarso?

Sidii dhowr jeer ay horey uga dhawaajiyeen xisbiga Miljöpartiet iyo dowlada waxaa la filaayay in 20 bisha Maarso ay soo bandhigaan mooshin wax looga badalayo sharciga ku aadan mideynta reeraha.

Arintaas ayaan dhicin 20 Maarso, si aan wax uga ogaado sababta aysan u soo bandhigin mooshinka ayaan la xiriiray xisbiga Miljöpartiet. David Nilsson oo ah xogyaha xisbiga u qaabilsan baarlamaanka iyo arimaha Socdaalka ayaa ii sheegay in ay sabab u tahay in arimihii ay doonayeen in mooshinka lagu xaliyo intooda badan la xaliyay ka dib go’aankii maxkamada sare ka soo baxay bishii Januari.

David ayaa intaas ku daray in ay wali xisbiga MP doonayaan in arinta sharciga lagu daro oo wax laga badalo sharcigii hore u jiray. Isla markaana xal loo helo su’aalaha wali taagan ee ku aadan dadka aan caruurta lahayn, caruurta la soo korsaday iyo caruurta iyaga oo dacwadu u socoto 18 sano gaadhay. Balse waxa uu sheegay in aysan hada sheegi karin waqti mooshin la soo bandhigayo.

Sidoo kale waxaa jira warar ay Soomaalida isla dhex marayaan oo sheegaya in 30 May mooshinka la soo bandhigi doono balse mar aan u kuur galay arintaas ayaan ogaaday in ay jiraan dhowr mooshin oo ku saabsan arimaha mideynta oo la soo bandhigayo 30 May balse mooshinadaas ma ahan kii laga filaayay xisbiga MP & Dowlada. Waa dhowr mooshin oo ay soo bandhigayaan xisbiyada Vänsterpartiet iyo Social Demokraterna, waxay u badantahay in la diidi doono mooshinadaas maadaama xisbiyadaas aysan aqlabiyad ku lahayn baarlamaanka.

Si kastaba ha ahaatee, dadka caruurta leh ayaan u baahnayn iyagu in ay isku mashquuliyaan mooshinada baarlamaanka maadaama hadaba laga qaaday shuruudii aqoonsiga oo ay socoto qaadiska dheecaana DNA-ga. Dadka aan caruurta lahayn iyaga arintooda wali mugdi ayaa ku jira balse waan soo qori doonaa haddii dhinacaas wax ka soo cusboonaadaan.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

38 Responses

  1. C/k says:

    Maashaa Allaah mahadsanid Jimcaale dadaalkaaga wanaagsan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • ilove somalia says:

      asc safarada swedan ufadhida syria shaqadii waybilowday familigayga oo jooga baa dhiiga laga qaaday saakayna waxaan wacnay migreeshinka oo waydiinay goormaa naloosoo jawaabayaa waxayna na dheheen dhiiga wuxuu swedan ku soogarayaa laba isbuuc marka bil gudaheed jawaab baahelay saan ee walalayaal niyda qeer usheega insha allaah wsc

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. samira says:

    Ilaa hadda oo aan ku suganahay kampala ma jirto cid dhacaan laga qaadey ama la dhahay waa la idinka qaadayaa adisna sidaasoo kale, Nairobina weyba xirantahay marka shaqaalaha safaaradu ilaa hadda waxey dadka dhahaan ma heyno war rasmi ah oo ku saabsan arinta fududeenta, marka ilaa hadda wax hirgalay ma jiraan asxaabeey,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. gelle says:

    aniga waxaan weydiiyey shaqaalaha safaaradda kampala bal iney dhiig qaadayaan waxeyna ii sheegeen in aysan warkaas helin weli. laakiin waxey dadka dhahaan hadii la idiin baahdo waan idin soo waceynaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. ali says:

    mahadsanid jimcaale sida wanagsan aad nogu soo gudbisay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Abdiraxman says:

    Asc jimcale sxb arintas dadka an waxisku dhalin ina laga gabsaday aya muqata ooba dadka lamideynayo odhan lagu ekeyo dna marka sxb nimankan waxoda waqti dhames waaye

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. Farxan says:

    Saxib jimcale & dhaman dadka wapka ku xiran wan idin salamay salan ka dib waxan ku su ala foomka cusub o la xarenayay ma la is ka dhafay mase way socota ok by mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  7. Deeq-darajo says:

    ASC/DHAMAAAN? Walalayal runti waxa fican in aad fahanto xalada mesha ey mareso runti sweden wili faro kamaqodna fanole, kii ilmaha laha iyo ki an lahen wax DNA. AH ey dadka kaqadoyan majirto iskadhaf ki an ilmaha lahen asaga warkisa iskaba da 18 jan ila hada arin lataban karo ey qabten ey sameyn majirto woxoda wa mada dalis ayan u arkay? Aniga fikrada an qabo waxa ila wanagsan MUDAHARAD GES KA GES AH HALA BALAMIYO O WILIBO IRIDA BARLAMANKA HORTISA BAL HADANA AN ISKU DEYNO INAN WARBAHINTA Ey arimaha somalida ey wili sidoda yihin ilen waxay soqoren in lafududeyay mana eysan fududen waxbo dadkana waxey modan in labilabay marka antusno umada iyo hey.adaha iyo warbahinta in arinti ey wilitahay sideda mahadsanid?

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  8. ABUUBAKAR says:

    Safaarada Kampala waa laga qaadaa dadka dhiiga laakiin muhiimada seey dadka u kala horeeyaan waaye familo balansanaa 12 ka April oo oo lasoo wacay dhiigina laga qaaday maalinti arbacada ayaa jiro marka cunuga markuu dhasho horay socod kama bilaabo waa in uu fadhiga bartaa Gurguurtaa marka waxaan ula jeedaa waxba yaan la dagdagin wax kasta liis ayeey ku socdaan ´markastana sidi ALLAAH uu ka dhigo yeey noqonee.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  9. gaagaale says:

    asc dhamaantiin walaalayaal si gaara waad mahadsantahay jimcaale waayo har iyo habeen waxaad u dadaashaa umadaada soomaaliyeed laakiin walaal jimcaale niyad wanaagaan aad muujineyso iyo in dadka ilmaha leh laga qaaday xayiraadii wali ma heyno aniga ahaan halkaan sweden ayaan joogaa ilmaheyga ayaa degen waxaa la igu xujeynayaa wali aqoonsi keen markaan weydiiyo maxkamada go aankii eey gaartay waxeey leeyahiin wali go aan cad majiro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Rajo Doon says:

    Dowlada sweden hada waxey la mid noqotey, nin baa Qaalinta kula day dayi Daalna kaa badan inaad heshana Dooneynin,, waa sidaas hada xaalka , soomaalaay Qalbi madow

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. Ali adis ababa says:

    Wan idin salamayaa dhamantiin jimaale wad mahadsantahay waxaan cadeenaya in aan tagay safarada sweden ee adis ababa isniintii waxay indhahayga qabteen familo dhiig laga qaday iyo kuwa intii lasoowacay looqabtay waqti gale.shaqada way socotaa wali waqti madhawa .april fêm kahor war malaha waqtigaas ayuu barlamanka fadhiistaa hala sugto.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  12. diiriye says:

    waad salaaman thiin dhaman Jimcaale iyo akhristayaashaba walaalayaal
    dadka jooga yamen ee raba in ay safaarada sweden ee yaman ka xareystaan
    dacwadda famillada in lagu xiray in ay la yimaadaan kaar qoxooto ,qofkii aan
    haysanna uusan xareysan karin dacwadda .shardigaas la hor dhigay dadka yaman jooga wax ka warqaba xal loo helay ma jiraa.?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. somali says:

    waa la bilaabay dhecan qadista aniga ilmaheyga waxa ay joogaa Kampala wana laga qaday DNA waxaana lagu dhahay ja wab ayaa naga heleysiin 3 bil gudohoood sidaa darteen waa dhamatay arinka a´h wali lama bilaabin DNA cidwalbana waa ah familj waa laga qaday waana laga qadowhayaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  14. r. s. c. haa tas waa maqul runtii says:

    waxan la yabana hay dadka dagdagayo oo le arin kan wali ma bilabanin waxa la og ya hay in kan bala eey ka bilabatay qadista DNA EE DADKA WAXBA OGENN YAYNA KA BEN AWURIN ARIMA HAS

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. RATWAN WAN says:

    dadbadan ayaa arin kan ku farax san lakin ma oktihiin meshaa waa meshat u jediin kala cararkak iyo katagida reraha ayaa kajirto dad kan na waxay yirah den isku kenida reraha kala maqan lakin somalida markey yimadan halkan way ku kala tagan magaranayo waxa u sabab ah taas

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  16. MUDAHRAAD WEEYAN XALKIINU. says:

    WAA INAAD MUDAHRADAN WAAYO, XAQ AYAAD U LEEDIHIIN IN LA IDIIN KEENO CARUURTIINA AAD U BOHOLYOWDEEN MUDO DHEER, WAA INAAD MUDAHRADAN OO HAYADAHA XUQUUQAL INSAANKA AAD LA XIDHIIDHAN DHAMAANTIIN, XAGLO LABAN XOOLO KUMA YIMADAN MUDAHRAADA OO FADHIGA KA KACA SOMALIYEEY.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  17. Haykal abdi says:

    wixii kala tagaaga awalba heshiiskoodii hore ayaa khaldanaa ama waxaa la odhan karaa waxaay ka jeesteeen dariiqii rasuulka S C W . waxaay cunayaan ribadii iyo been oo aay ka sheegaan noloshoooda ku salaysan diinta islaamka oo aay ku dhasheen

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  18. abdi says:

    asc bacda slaan waxaan doonayaa inaad warbixin iga siisaan sanadkii hore waa lay diidey sharciga reerkayga oo jooga adiis dib ayan u xereeyey mid cusub bishii kowaad welina dhiig iyo interfiyuu midna looma soo tuurin reerkayga waxaa la siiyey fayl vise oo hada aan fahmi waayey macnihiisa waxaan ogaa qofka marka la ogolaado inuu buuxiyo foom visaha laakiin foom visahan muxuu yahay cusub ee hada lasoo rogey cidii war kahaysa hay faah faahiso mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. omar says:

    Asc dhamaan aqyaarta ku xiran iyo jimcaale iyo inta la shaqeysa sidii dadkii iga horeeyayba aniga waxan qabaa in aan mudaaharaad sameyno why aan u xagxaganaa walaalkeen jimcaale qof walba wuxuu rabaa asagoo sariirtiisa jiifo in uu helo warbixin wadna ogtihiin qof wadankaan jooga inuusan fadhigiisa waxbo ku helayn aniga waxan ka mid ahey dadka caruurta leh inkastoo la yiri waxbaa la fududaynaa hadane weli waxa jira walaalaheen oo aan isla qabno dhibka oo single ah iyo kuwa ayagoo dacwadooda u socoto oo qangaarka noqdey jimcaalana wuu idinka xishoodey ee soomaalaay fadhiga ka kaca fadhi cid wax idiinku qabaneyso malahan why aad u diidan tihiin mudaaharaadka mise jimcaalaa war laga sugaa oo kaliya jimcaale intii tabartiisa aheyd wuu idiin dadaaley wuuna dhaamaa dadka la midka ah ee yimid wadankaan mudada dheer hadii kalana dee hurdadiina dheereysta illaah baa garan xalka mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. Odey somali says:

    Asc.
    Jimcale iyo akhristaayashaba waa nsalaamay salaan kabacdi wxaan waxyar ka odhanayaa arinta qoysaska kala maqan inta aan ka ogay insha allah:
    Horta caruurta iyo waalidkood wa laga yaabaa dhawaan is laysu keeno.
    Aniga ilamahaygii waxay joogaan addiss ana waxaan joogaa sweden 4 sano maan arag. ANIGA WAX DHIIGA LAYGAMAQAADIN ILAA BISHA 4AAD NAGA WAR SUG AYAA LAYGU YIDHI 2JEER AYAA NEGTIV NAY SIIYAY. SIDAANA WAAN KU QANACSANAY MADAAMA OO AANAN WADANKA WAXBA KUHAYSAN SHAQO IYO MUSTAQBAL WACAN MIDNA MALEH WAA WADAN KAMIDA KU WA CAALAMKA UGU SHARCIGA XUN DHANKASTA HADIILO EEGO NOLASHA WADANKU WAA SHUUCIYAD LAGAMA SHAQAYSAN KARO HADII LASHAQEEYANA WAXABA CASHUURBAA LOOQDANAYA.. WAXAA HADABA IDIN WEYDIIN LAHAA SOMALIYEEY :

    MAXAA LAYSU NACAA MARKA QOYSKU YIMAADO EUROPE EE LAYSU FURAA?
    MADUMARKAA QALDAN MISE ODAAYASHA SOMALIYEED?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  21. ilkajiir says:

    waxan idinku salaamayaa salaanta islaamka ASC, si gaar ahna waxaan ku salaamayaa JIMCAALE, walal ilaahay siduu khayr ku jiro ha ina waafajiyo, waxaan arkay dad diidmoyin fara badan la siiyey ka bacdina lagu dhahay dacwadiinii wey istaagtay- oo markaas ka bacdina dacwad cusub ka soo xareeyey ITOBIA oo diidmo u soo dhacday waxana warqada ku qoran wax aqoonsi ah kaama hayno dhiig DNA oo keliayana luguguma cadayn karo dadka sidaas loo gelaayo waa faamiliyaad dhowr reer ah oo ciyaal wada haysta, markii ay ugu jawaabeen maxkamada hadalkeedii miyaan nalaku qiimaynayn oo ahaa dadka familka ah DNA ayaa loo kala qaadayaa waxay ugu soo jawaabeen diidmo kale, marka alow sahal amuuraha.
    ilkajiir (Norköping)

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • darbane muqdisho says:

      Asc waxaan salaamayaa Mr jimcaale oo sida wanaagsan noogu soo gudbiya Aqbaaraadka ku saabsan qoysaska somaliyed ee kala maqan iyobahwynta somaaliyeed ee xiiseysa somaliska ok salaan ka dib waxaan u baahanahay inaan ogaado farqiga u dhaxeeya safaadaha sweden ee Nayruubi iyo Adis-Ababa oo ay safaaradda Adis ay ku weediineeso dad ka xareenaaya fomamka calaa qof 1950 bir oo u dhiganta 120 dolar iyo safaarada nayruubi ee kenya ay ku tiri lacag lama qaadaayo wa maxay farqiga u dhaxeeya?? xataa dad kii horay looga qaday iyo kuwa cusub Adis waxee tiri waa lacag xataa dad ka heysto sharciga sweden ee lagu magacaabo AC . walaal jimcale hadii aad wax jawaba isiin lahayd waa u baahanay iyo qofkii kale oo garanaya jawaabtaan wa inoo muhiim wa bilaahi towffiiq

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. kamaal says:

    sxb darbane anba waan kula qabaa sharcigan lacagta ee foon visaha maaha foonka xereyntiisa hadaad haysatid AC xeraytu lacag maaha balse foom vise waxay ku sheegeen ayaa lacagtaad sheegtay ah markaa waxaan fili dadkoo dhan inay ka siman yihiin 1950bir waa wax lala yaabo balse waxaan ku weydiin darbane AC muxuu kaga duwan yahay kuwa kale sharciyada mahadsanid

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  23. Magaca...somali says:

    Asc.dhaman umad somaliyed malkasta eyjogan ok dadka leh safarada kambala mabilabi dhig qadista waxad hubi hashegina hadey qer notahay alaha nageyo hadey se noahey alaha nagarebo amin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. cashira says:

    asc walalayal idhagaysta somaliyeey war aad isla dhadhaftin aya taqanin ee xaqina ma dhacsan kartan waxa ini shegaya hadad sariir dul jiiftid waxaba kuma imanayan in kasto hadan wuxu illahay qoray qoran yahay lkn wa ina mujina inu caruur iyo xasas naga maqan yihin oo mel kasto joogno mudaharad ka ridna hadi lkalana warka isla dhadhafka ha iska dayo ha lasugo wixi goan kaso baxo dawlada sidi ker ku jirana allah hana wa fajiyo lkn anigu waxan qaba ina ila balanki la qabtay ee aha bisha july waxkala ee lawado waxba ka jirin ayay tahay shego is dhadhaf ah marka insha allah sidi kher leh allah hanoga so qado walalyal wad mahadsan tahay jimcale booqolkiba booqol nona dul qado intan ku wareerinay dad waxa nahay eheladodi ka ma qan yihin walal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. C/k says:

    Anders Daniellson oo ahaa madaxa hay’ada nabad sugida Säpo ayaa loo maga caabay in uu noqdo agaasimaha guud ee laanta socdaalka Migrationsverket.
    Wasiirka socdaalka Topias Billström ayaa maantay ninkaas ku magacaabay warsaxaafadeed uu qabtay. Danielsson ayaa xilkaan la wareegi doona 23 bisha april.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. Yusra luza says:

    A c walalayal salan ka dib maxa la gudbon dadka an wax isku dhalin madama la dhahay wali waxa laga raba cadayn dadka joga nayrobi waxa sharci laga helaya shurimo kas o ad basabor ku qadan kartid sow cadayn ma noqon karo kas ilayn waxa bixisa hayada qaxotiga unhcr

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. Libaax says:

    Asc waan idin salaamay dhamaan aqristayaasha qiimaha badan,
    Runtii waxaa wanaagsan in lafahmo ujedada loogu soo qoray qoraalkan lagu madadalinayo dadka ,
    qoraalkan waxaan u,arkaa inuuyahay mid aan waxba kajiri lakiin wabka lagu rabo in lagu xayaysiyo si aay dadka u aqristaan, waa sheekoyinki aan horay ugu baranay ee waqti lumiska ahaa,
    fadlan qoraayow qor wax wanagsan oo run ah,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  28. warsan says:

    A.s.c. Waxaan salaamayaa dhammaan umadda Somaliyeed oo ku xiran webkan iyo Wiilka soo diyaariyo Wararka Somalida Jimcaale waxaan idinku Salaamay salaanta islaamka Salaan kadib Waxaan ku weydiinayaa Jimcaale hadii aad waxka ogtahay safaaradda kenya waalaxiraye dadka joogo kenya maxaa u talo ah hadii aad waxka ogtahay ii soo jawaab adigoo ku mahadsan dadaalka aad noogu jirto Ilaah ha kaa abaalmariyo waana kuu mahadcelineynaa dhammaan inta aad caawiso mahadsanid.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  29. Sakilove says:

    Asc dhamantiina marka xigo jimcale wad mahadsan tahay in badan walalkena qaaliga ah ok runti in badan wayadan danbo wey jiran dhaQ dhaqaq dhanka safaradaha dhecan ayaa la qadaya marka runti illah mesha qer ku juro hana waa fajiyo amin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  30. mumino says:

    ASC WALLAYAAL WAN IDIIN SALMAAAY DHAMAAAN SOOMLI WEEYN!
    ANIIGAA WAXAAN AHAAY GABAAR KUU NOOL WADANKAAN 3 SANO OO ODAYGEDANAA UGAA MAQAN YAHAAY AFRIKO OO AN HADANAA UU DHALIIN WAAX CARUUR AAH SEWDENA 3 DIIDMO AYEEY I SIISAAY HADAA BAAL ILAA TALIYAA SOMLI WEYNEY SIIDEN WAX YEELAA WAN UU JEDA DADKII CARUURTA ISKUU DHALAAY AYAA LAA KENII LAA YAHY OO LAA ISKAA DABAA WAREJINAAA BAAL DADKAAN WAXBA ISKUU DHALIN BAL KAA WARAAN AYAGA XALKODAA WAAA DHACAAAY MIYAAAA MALIN DHAWEYD WEXEY SOMLIDA SHEGAYEN IN NIN IYO NAG LO KALAA QADA DHECAN WAAAN KUU FARXAAY WALHI WAYOO ANIGA WA ODAYGEYGAA KAMAN BAQEEN DHIGA SHEKTAYEE DHECAN KASTA HEGAAN AYAN UU AHAAN LAHAAY EE XUUJODAAN AQOONSIGAA AH AYAN MEEL UU DHAFII LA AHY SWEDAN WA WADAAN XUUJA AH ? SOOMLI WEYNEY SIDEN WAX YEELA AYEEY IGAA MAREEE EE SEN WAX YALEE MAA ODAYGAAN ISKAAA FUURAA MARKASN MID KALEE RADSHAA SWEDAN XALKEDA WA SAN

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  31. darbane muqdisho says:

    Asc asxaabta waa salaamantihiin sxb kamaal sharciga AC waa degenaasho rasmi ah oo sweden ay bixiso ok lkn waxaana weli fahmin reer nayrobi lacag lagama qaadaayo reer Adis abeba waxaa laga qaadaa lacag mar ka weli ma fahmin lacagta ay qaadaayaan reer Adis oo ayna qaadeenin reer nayrobi waan jeclaan lahaa dad ka kenya joga ee sweden usoo socda iyo kuwa Adis ee sweden u soo socda in ay i fahamsiiyaan wa bilaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  32. Cadan says:

    Asc asxaabta dhaman safarada sweden kenya waxa war ay ku shegen inan la furi doonin ila amar dambe cid doonaysa ha aada addis ama kampala ay dhahen marka yan lagu la isku halayn. Amaan dartis ay shegen inay u xiran tahay howlaha waxay ku kala wareejiyen safarada denmark iyo netherland mana qabtan wax visa raba soomaali ah. Marka yan lagu ajarmin mesha wana warbixin dhab ah asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  33. kheer qabe says:

    asc dhamaan umada somaliyeed gaara ahaan jimcaale iyo inta ku xiran wpk.Salaan ka dib walaal yaal aniga waxaa qabaa go,aanka maxkamada aan waxba ka jirin waayo hada ayaa diidmadii la wadaa aniga waxaa arkey dad dhiig laga qaadey oo la yiri waa sax baaritaaka hadana loo diiday iyo dad aan laga qaadin oo diidmo loo soo tuurey marka dadka leh dhiig ayaa la bilaabey dhiig hurey ayaa loo qaadi jirey marka wax is badal ah ma jiraan sidaas la socde soomaaliyey .oo fadhiga ka kaca oo aan banaanbaxno iyo wixii aan qaban karno hadii kale ugaada sheekada waa madadaalo aan waxba ka jirin hurdada ka kaca ilaahey ayaa nala jira insha allaah kheer sidii roon ..BALANTENO WA A BANAANBAX IYO DHIIRI GALIN WAXAA LA YIRI HAL NINKII LAHAA KICI LAHAA KQA FADHIYO WAA MA KACDO.MAHADSADIIN DHAMAANTIIN

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  34. romeo says:

    Jimcale sxb waxa i shegta carurta rabta in waalidkood loo keeno oo ayago process ka u socdo da’da ka waynaaatay maxaa laga yeelayaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  35. Aabe jacel caruurtisa says:

    wan idin salamay bahda somaliska dhamaan gar ahaan jimcaale\
    sxbow jicaale waxan ku wey diyay waxaa jiro wilkeyga dacwada intey socotay ayuu qangaray marka hada fooom cusub ma u xareen karaaan wana ugu imid wadankuu jogo sxbow su ashaas jawab iga sii thank you

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  36. saamiya daahir says:

    waxaan idiin sheegayaa dad badan oo swedan jooga oo intay dadka ka iibsadaan fiise hadana dhaca raga magac yadooda ayaan soo sheegi doonaa kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1