Maxaabiista oo ka cabanaya TVga

9

Maxaabiista ku xiran xabsi ku yaala magaalada Kalmar ayaa cabasho ka muujiyay in aysan kanalo badan ugu jirin telefishinka ay daawadaan. Maxaabiistaan ayaa ku dooday in iyaga 7 kanal oo keliya ay daawadaan halka maxaabiista kale ee wadanka ilaa 19 kanaal ugu jirto.

Laanta qaabilsan ilaalinta xabsiyada ayaa sheegtay in sharci ahaan ay waajib ku tahay in kanalada SVT1, SVT2 iyo TV4 ay u soo daayaan maxaabiista balse xitaa ay ugu dareen Eurosport iyo CNN oo aysan intaa ka badan lacag u hayn.

Maxaabiista ayaa arintaas ka biyadiiday oo sheegay in aysan lacag la’aan jirin maadaama waqti dhow xitaa la cusbooneysiiyay shaashada ay isticmaalaan waardiyaasha ee ay kala socdaan xabsiga.

Xabsiyada Sweden ayaa lagu sheegaa in ay ka midyihiin kuwa ugu raaxada badan aduunka iyaga oo TV iyo aalado kale loo dhigo maxaabiista. Intaa waxaa sii dheer in dadka ku jira xabsiyadaas laga yaabo in ay yihiin gacan ku dhiiglayaal lagu xukumay 10 sano iyo wixii la mid.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here