Maxaad ka taqaanaa Halloween?

Maanta oo ay taariikhdu tahay 31 Oktobar waxay dad badan oo ku nool wadankaan u dabaaldagaan wax loo yaqaano Halloween. Waxaan filayaa in aad aragteen caruur si cabsileh u labisan oo wadooyinka lugeynaya. Hadaba su’aashu waxay tahay horta waa maxay Halloween?

Halloween waa waqti ay dadku sameeyaan qiyaanooyin kala duwan sida in lays cabsi galiyo, filimaan cabsi leh oo la daawado iyo iwm. Waxaan ku bilaabeynaa taariikhda dhacdadaan oo soo jirtay mudo kumanaan sano ah. Dhacdadaan ayaa ku bilaabatay dabaal deg loo yaqaano Samhain kaasoo loogu dabaal daggi jiray bilowga jiilaalka isla markaana ahayd bilowga sanadka dadkii cawaanta ahaa ee ku noolaa wadamada Ingiriiska iyo Ireland.

Waqtigaan ayaa dadku aaminsanaayeen in ay isku milmaan nafsada baniaadamka iyo mida ilaahyadooda. Waxay aaminsanaayeen in waqtigaas dabaaldega in ay dhulka soo booqan jireen dadkii horey u geeriyooday oo ka kala yimid caalamyo kala duwan. Waxay kale oo u dabaaldaji jireen isla waqtigaas ilaaha qoraxda iyo kan dadka dhintay. Waxaa loo mahdin jiray ilaaha qoraxda in uu ka difaaco qabowga jiilaalka.

Sidoo kale waxay aaminsanaayeen in ilaaha dhimashada uu soo aruuriyo dhamaan dadkii dhintay 31 oktobar oo uu ka dhigo xayawaano. Markii diinta Kiristaanku ay soo gaadhay dhulkii ay ku noolaayeen dadkaas cawaanta ah ayay isku dayeen Kiristaankii in ay meesha ka saaraan ciidaan ay sameynjireen dadka cawaanta ah. Waxay sameeyeen ciid kale oo iyaduna ku beegan isla waqtigaas. Ugu dambeyntii waxaa dhacday in ay isku milmaan ciidii cawaanta iyo midii kiristaanka oo ay halkaas ka dhalato waxa maanta loo yaqaan Halloween.

Waxyaabaha ay sameeyaan dadku xiliga Halloweenka waxaa ka mid ah. Khayaanooyinka sida dariska oo laga nixiyo. Waxaa kale oo la isticmaalaa sawirada xayawaanka Kibiliga iyo bisada oo ay aaminsanaayeen in ay la xiriiri karaan dadka dhintay. Waxaa kale oo ka mid ah ciyaaro la sameeyo qaasatan xafladaha caruurta kuwaasoo asalkoodu ka soo jeedo ciyaarihii ay sameyn jireen cawaantu si ay u qiyaasaan mustaqbalka.

Haddii aan eegno dhinaca diinta Islaamka iyo waxay ka qabto arimaha nuucaan ah ayay tahay mid iska cad in waxyaabaha la sameeyo dhacdadaan ay yihiin ficilo shirki ku dhisan taasna waa ognahay booska ay ka joogto diinta Islaamka. Dad badan ayaa ka qeyb qaata dhacdadaan iyaga oo aan wax fikrad ah ka haysan taariikhda iyo macnaha ka dambeeya. Hadaba waalidka Muslimka ah ayaa laga doonayaa in uu caruurtiisa ka weeciyo dhacdooyinka nuucaan ah.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. guru says:

    waa ku mahadsan thy ilaahay ajar ha kaa siiyo

    Fikrad lala dhacay Thumb up 18 Thumb down 2

  2. Daacad says:

    Run ahanti waa arin khatarteda leh loona bahan yahay in dadka lagu bararujiyo, waayo waxa jira walidin badan oo an fahansanaynba macnaha Halloween. Adnna waad ku mahadsantahay.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 15 Thumb down 1

  3. luul says:

    asc

    waa arin fiican oo dadka an ka warqabin ku baraa rugi karaan

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 1

  4. abubakar says:

    asc waxaa now sheegtay wax badan ow aana fahan saneyn waxana ka faa iidnay wax aan tira leheen badan. wana wax lagu farxo inaan helno dad now sow tabsho warar cusub ow faa iido now leh jimcale dadaal aya ku jirtaa ilaahey ha,ku ku karabkalo

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  5. aragsan says:

    Asc marka hore illahayba Mahad iska leh ka bacdi aad ban jimcale kugu mahad naqaya wad no faaiidayse alle haku barakeyo

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  6. halyeey says:

    Ilaaha macbuudka aa mahad leh awalan mida labaad wiilka wabkaan leh waa halyeey somaaliyeed oo markasta is ku taxalujiya maxayna dadkaagu ogeyn waxaan leeyahay guuleeso jimcaale iyo saaxiibadiis

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 2

  7. jeesto says:

    100% carruurta ineey u raaxeyaan, ayagana iska nafisaan ayee ugu talo galeen halowiinka ee kama aha wax dabaaldag ah ama dhaqan diimeed.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Hassan adde says:

    ha la is ilaaliyo he asxaabta yaa la is ku nixin sarirtana yaa lga sodhicin hhhh

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0