Maxaad ka taqaanaa taariikhda caadada Påsk ama Easter?

Sida aad la socotaan waxaa bilaabanaya fasaxaya Påsk ama Easter iyadoo dadka Kiristaanka ah ee caalamka ku nool ay ciid u tahay.  Hadaba waa maxay Påsk? Maxay sameeyaan Kiristaanka? Ciida Påsk ama Easter ayaa ah mid aad muhiim ugu ah kiristaanka iyagoo sheega in ay u dabaal dagayaan kicitaankii uu nabi ciise ka soo kacay geerida 3-maalmood ka dib markii la dilay.

Sida ay aaminsanyihiin Kiristaanka ayay maalinta jimcaha oo loo yaqaan (långfredagen) bilaabaneysaa ciida Påsk iyagoo aaminsan in maalintaas jirkii nabi ciise la dhigay meel god ah, oo aad ay u ilaalinayeen ciidamadii Romanka. Sabtida ayaa loo yaqaan Påskafton. Maalinta Axada ayay sheegaan in uu nabi ciise ka soo baxay godkii la dhigay isagoo ay arkeen dad badan. Isbuuca ka horeeya Axada oo ku beegan Påsk ayay u yaqaanaan (stilla veckan) ama isbuuca barakeysan.

Dadka Kiristaanka ah ayaa u dabaal daga maalinta Påsk iyagoo dhar qurxoon xirta oo laga yaabo in halkaas maalin oo keliya ay aadaan kaniisada sanadkaas ama marka ku xigta ay noqoto Jul ama Kirismaska. Waxay la cunteeyaan reerahooda iyagoo cuna ukuno laga buuxiyay macmacaan.

Sababta ay ugu dabaal dagaan Påsk ayaa ah sida ay sheegaan in ay qiraan in nabi ciise uu geeriyooday isagoo u geeriyooday si uu dambiga uga dhaqo bani,aadamka. Sidaa darteed ayay Påsk tahay taariikhda ugu muhiimsan ee Kiristaanka.

Hadaba sida iska cad ciida Påsk waa mid ka soo horjeeda aragtida Muslimiinta ee Nabi Ciise (nnkh).

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. Asc walal jimcale waxa rabay dacwod ban harayste 7bil I haraysan tahay dna wa marney aniga iyo cunig dhalay walina jwb mu helin ninkeyga marka maxa arintas ka igtahay ado rali ah iga so jwb

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

    • Jamac says:

      Jawaab suge ayaa tahay walaal. Sugitaanka jawaabta hada wuu dheeraday sababta qaxootiga kusoo batay wadanka dartiis.
      Nasiib wacan.

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. Olhaye says:

    Jumacaale waad salaamantay wixii su’aalo ah ee ka baxsan Website waan ku waydiin karnaa ayaan u malaynaa adoo raaliya. wll waxaan ku imid wadankan pasapor Etiopien ah waan la gaadhay waqtigii aan dalban lahaa pasaporka wadankan ee wayn.
    Isla maalinta aan codsnaayo waxaa jirda inuu iga dhacaayo kii Etiopien ka ahaa.Ma sidaas isaga oo dhacsan ayaan gayna kadhaa Migaratiosverket ka ? Mise diba ayaan u soo jadiidin karaa?Mahasanid.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jamac says:

      Waa inaad Safaarada ithopia kutaalo stockholm kasoo jadiidisaa passporka.

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. Suhayb says:

    WALAL suaal Ban qabaa OO mawduuca ka baxsan Waxa Jidhay in ayantan Sharci Cusub Oo ku saabsan Midaynta Reeraha Uu soo baxay kaas Oo Saamayn Ku Yeelanaya Dadka qaar
    Hadaba aniga Waxa hysta Sharci Binu aadamTinimo Walalo Iyo Hooyo Oo Ethiopia joga ban u dcwoiday iyaga DNA wa mareen aniga kaliyaa dhiman Dacwadana Waxay ii xarystanthu Ku dhawaad 9bilood Marka ma ii samynayaa Sharciga Soo baxaya Bisha May Eee Lagu xadidayo Midaynta Reeraha Isoo jawaab Fadlan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Hasan says:

    Waaw Jimcaale aad iyo aad ayaan kuugu Hanbalyaynayaa, Bulshada webkaaga ku Taxan hadaad saan ugu jawaabi lahayd ama wixii ilaahay ka garansiiyo ee aad ku dhaanto walaalahaaga la wadaagi lahayd waxaad noqon lahayd webka somali ugu heer sareeyo, Khasab maaha in aad sida saxda ah uga jawaabto ama wada Garato suaalaha ay asxaabtu ku waydiiso laakiin wixii aad ka garato ama aad ku dhaanto hadaad u sheegto waa shay Bil aadanimo ah, waana websayd aan qirayo in uu Hawl adag somali u hayo, insha allah Guul ayaan kuu rajaynayaa iyo in aad Bulshadaada wax la qaybsandoontid.Mahadsanid

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0