Maxamud waxa uu doonayaa in uu wax ka badalo aragtida Soomaalida

12

Mohamud Salad waa nin dhalinyaro ah oo doonaya in uu wax ka badalo aragtida laga qabo Soomaalida iyo sida Soomaalidu Sweden ku nool ay isku arkaan. Wareysi xiiso leh oo uu siiyay wargeyska Värmlands Folkblad ayuu Maxamud Salaad oo hada ku nool magaalada Göteborg kaga waramay xaaladii uu soo maray markuu yimid Sweden dhamaadkii 80-maadkii iyo Xaalada Soomaalida Sweden.

Maxamud Salaad waxa uu hada qabanqaabiye ka yahay dhowr mashruuc oo kor loogu qaadayo niyada dhalinayada Soomaalida. Buuga uu diyaariyay waxaa la dhahaa Vara Vilja Kunna kaaso soo bandhigaya sheekooyinka dadka Soomaalida ah ee hawsha fiican ka qabta Sweden. Maxamud ayaa sheegay in Soomaalida marka horeba laga aamisanyahay in ay fashil yihiin oo taasi ay saameyn ku yeelato xaaladooda. Waxa uu sheegay markii uu ka guuray magaalada Sunne ee gobolka Värmland una guuray Göteborg in uu dareemay cunsuriyada ka dhanka ah Soomaalida oo loo hayso in ay yihiin kuwo lazy ah, mayal adag, qaadka cuna oo haweenka cadaadiya. Ka dib waxbarashadii ayuu noqday farshaxan yaqaan isagoo ay la daristay in dhowr jeer hadalo cunsuriyad ah loogu yeeray.

Waxa uu sheegay in loogu yeeri jiray in uu ka duwan yahay Soomaalida kale, taasoo uu sheegay in uusan u arag amaan balse u arkay aflagaado ka dhan shacabkiisa. Waxa uu sheegay in Soomaalidu ay noqdeen wado lagu socdo oo xitaa sanadkaan ay dhacday in wariye caan ah oo SVT ka hadla uu hadalo dacaayad ah ka sheegay Soomaalida.

– Qaar badan oo Soomaalida ka mid ah ayaa waxay dareemayaan in loo qoray guul daro. Marka xili kasta lala xiriiriyo shaqo la’aan, gooni istaag iyo waxkasta oo negative ah. Waa fududahay in Soomaalida farta lagu fiiqo maadaama aanan cod ku lahayn warbaahinta – Ayuu yiri Maxamud.

Sababta ku dhalisay in uu buuga qoro ayuu sheegay in ay ahayd in uu dareemay in dhalinyaro badan oo Soomaali ah ay ka xishoonayaan in ay ku faanaan asalkooda. Oo mararka qaar ay sheegtaan in ay ka yimaadeen wadamo kale oo Afrika ah. Buuga ayuu doonayaa in uu ku muujiyo in guul laga gaari karo Sweden oo ay wanaagsantahay in qofku uu labo dhaqan leeyahay. Buuga ayaa ka hadlaya nolosha iyo wadada ay horumarka ku gaareen 20 qof oo ku nool Sweden oo isugu jira qeybaha bulshada.

Maxamud ayaa sidoo kale doonaya in Soomaalidu ay la qabsadaan Sweden, buuga ayaa hada lagu fikirayaa in loo akhriyo dadka cusub ee yimid Sweden iyo swedishka doonaya in ay wax ka fahmaan Soomaalida. Balse waxa uu sheegay in aysan wanaagsaneyn arintu maadaama wadanku arakti xun ka qabo Soomaalida.

– Runtii ma wanaagsana in qof wadanka 20 sano joogay uusan ku hadli karin luuqada. Balse yaa masuuliyada iska leh? Ma qofka ka soo cararay dagaal sogeeye, aan waxbarasho lahayn oo aan cidna garaneyn mise waxaa wanaajin u baahan nidaamka wadanka? Waa in aanan iloobin in Soomaali badan ay yihiin dad karti leh. Waxay soo mareen wado dheer. Ma filayo in qof uga yimid Afrika in uu 3000-4000kr oo cayr ah qaato. Waa in aan la hor istaagin hamiga dadka.

 

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here