Maxkamad sharciyaysay aflagaadeynta Nabiga

21

Maxkamad ku taala magaalada Malmö ayaa go,aamisay in aysan sharci daro ahayn in la sameeyo sawiro aflagaado ku ah Nabi Muxamed (nnkh), ayadoo maxkamadu ooda ka qaatay ninka lagu magacaabo Carl P Herslow oo madax ka ah xisbi cunsuri ah oo ka dhisan Skåne oo lagu magacaabo Skånepartiet.

Ninkaan ayaa markii hore maxkamada lagu saaray ka dib markii uu soo sawiray kartoon uu ka sawiran yahay nin qaawan iyo xaaskiisa oo ay ku qorantahay “Waa 53 sano jir, iyaduna waa 9 sano jir. ma guurkaan ayaan ka rabnaa Skåne” kaasoo ay muuqato in uu ku aflgaadeynayo Nabiga (nnkh)  iyo xaaskiisa Caisha (rc).

Xeer ilaaliyaha cadaalada Sweden (Justitiekanslern – JK) oo Sweden u qaabilsan maxkamadaynta arimaha la xiriira xoriyada hadalka ayaa ninkaan maxkamada soo saaray asagoo lagu eedeeyay in uu sameynayay naceyb hadal iyo in uu sawiradiisa ay xushmad daro ku yihiin Muslimiinta.

Maxkamada ayaa sheegtay in sawirka ninkaan aysan sharci jabin. Xisbiga Skånepartiet ayaa ah xisbi cunsuri ah oo ka soo horjeeda soo galootiga. Waxaa muuqata cidkasta oo neceb soo galootiga in ay ku qaraabaneyso kicinta iyo naceybka Muslimiinta. Xisbigaan ayaa doorashadii la soo dhaafay ka helay 17 cod.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here