Maxkamada Socdaalka ayaa la filayaa in ay bishaan go’aan gaarto

25

Maxkamada Sare ee Socdaalka (Migrationsöverdomstolen) ayaa la filayaa in ay go’aan ka gaarto arimaha mideynta reeraha Soomaalida Bishaan Maarso. Xiriir aan la sameeyay Laanta Socdaalka (Migrationsverket) ayay ii sheegeen in balantu ay tahay in maxkamadu go’aan ka gaarto Soomaalida bishaan.

Labo bilood ka hor ayay ahayd markii aan soo qornay in Maxkamada Socdaalka ay u fadhido arimaha Soomaalida ayadoo hada ay muuqato in ay gabagabo tahay arintaas.

Bishaan ayaa noqon doonta mid xiiso u leh Soomaalida Sweden maadaama maxkamada laga filayo go’aankeeda ayadoo sidoo kale Baarlamaanka Sweden ay ka doodi doonaan arimaha Soomaalida 30 Bishaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here