Maxkamada Socdaalka Malmö oo gacan furan

Maxkamada Socdaalka ee Malmö (Migrationsdomstolen) ayaa la sheegay in ay ka gacan furantahay xaga sharci malmöbixinta marka loo barbar dhigo maxkamada kale ee ku yaaala Göteborg iyo Stockholm. Baaritaan ay sameysay idaacada Ekot ayaa lagu soo bandhigay sidaasi.

Maxkamada Socdaalka ee Malmö ayaa warbixinta lagu sheegay in ay ka sharci bixin badan tahay maxkamadaha kale, iyadoo kiisaskii racfaanka laga qaatay ee loo bandhigay maxkamadaasi ay 15% keliya diiday inta kalena ogolaasho siisay. Maxkamada Malmö ayaa la sheegay in ay bixisay dhamaan qeybaha kala duwan ee sharciyada sida Magangalyo doonka, dacwadaha reeraha iyo shaqaalaha.

Dadka tusaale ahaan, diidmada ka helay maxkamadaha kale ayaa markii ay kiiskooda u bandhigeen maxkamada Malmö waxay isbedel ku sameysay go’aankii maxkamada hore labo jibaar in ka badan Maxkamadaha Stockholm iyo Göteborg.

Agaasimaha xaga cadaalada u qaabilsan Laanta Socdaalka Mikael Ribbenvik ayaa sheegay in ay adagtahay in la ogaado sababta keentay kala duwanaashaha balse waxa uu sheegay haddii ay jidho in kiisaska isku midka ah ay si kala duwan u qiimeeyaan maxkamadahu in arintu aysan wanaagsanayn.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

9 Responses

  1. mustafe says:

    asc JIMCAALE SXB GACANYARAYAASHA MIGRATIONKA EE GO.AANKA XATAA DADKA KA GAADHA KALA FIICAN MA GARANAYO WADANKAN WAX KA SIYA IYO SI UU U SHAQEEYO QAAR BAA KIISKAAGA MARKAABA DEGDEG KUGU SOO DIRAYA QAARNA BILO AYUU ISKA HAYSANAYAA QAAR BAA WAXYAR OO MUHIIMBA AHAYN NEGATIVE KUGU SIINAYA MARKAA ARINTA MAXKAMADAHA MAR HORENA WAAN MAQLAY ILAAHAY NIN WALBA MURAADKIISA HA U SAHLO.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  2. yaxye says:

    asc jimcale sxbo anaga dna aya ka marnay ethiopia aabahen o jogo sweden isaga waxba lagama qadin hore laga siyay appeal xita appealki jwb kama esan so sin maxkamad toos goteborg aye ugudbiyen marka migrationka dadka ka shaqeya se wax uwadan hada maxkamadi u la xariray waxena 12 jwb kugu sinena hadana balanti we dhamatay wax jwbna lagama hayo maxkamada marka side wax uwadan isdhahe mida kale maxkamada jwbteyda meqa aye qadata in go*an e garto plz isku day wax jwb ad igu dhantid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Abdirahman M.D says:

    ASC. JIMCAALE IYO DHAMAAN ASXAABTA WEBKA.
    Sxbayaal waxaa xusid mudan marwalba Alle Subxaanuhu Watacaalaa. Waxa wax bixiyaana ama diidaa Waa Allah only. Marka Qofkii lamidooba Famil kisa iyo Kii Loodiiday Labaduba ha ogaadan in Go’aankaas kaga yimid Xag Alle. Ee Maxkamadaha Stockholm iyo Göteborg waxba yaan la eersan.
    Anyway Alle hanoo Saqiro Gaalada hana naga qabto Hagar daamadooda iyo Shartooda kusalaysan Islam Naceybka.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  4. to jimcale says:

    asc all wan idin salamay abdiraxman sxb masha alaah qer alaha ku siya sxb wax fiican ayaa ka hadashay somalidena waxaa nagu yara imanka sxb ilaah anaka oo dhahen wan amin sanahay ayaa hadana waxan shegeynaa sidey waxas ku dhacen hada jimcala masiga ayaa maxakamada ah hadana masiga ayaa ah alaha dadka waxa siya marka YAXYE ilaah ka baq ilaah usoo laba sxb hadii ay kuu qorantahay swedan wad imaneysaa hadii aysa kuu qornen sxb waligaa arki meysid abahaga ha joga iska daye hadad rabtid adiga ku dhala sxb marka ilaah tala sara sxb ala qaba maxoofa sxb aniga intas ayan ku dhihi lahay hadan su aal ku weydiya sxb isla marki waxad ledahy aniga ilaah wan garanayaa imana wan leyahy sxb sidas mahan imanka ilaah ku shukri didma lagu siyaya iyo ogolashaba intaba al xamdu lilaah ayaa ilaah la dhahaa mahan hadii didma lagu siyaya inaa dhaxda sidey wax uwadan ayaka miyaa ku siyaya ayaa is ledahy hadal keyga intan ayan ku soo gabinayaa mac salama jimcalana waxuu soo maqla ayuu dadka ushegaa mahan qof u shaqeya dowlada aniga hada waxan maqla ayan u shegaa hadan raba oo jiran intii ayuu bulshada usoo gudbiyaa sxb sidasna ula soco mahan qof dowlada ushaqeya mac salama asc hadii xuman la ii arkayna aqayarta iga rali ahada asc

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  5. jeylaani muuse says:

    waa cadaalad xumo dhamaan waxa ka socda Sweden

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. yaxye says:

    mid magaca jimcale wato waxa tahay pastar maxa ka hadlesa war shaqo kama dhacda miya

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  7. abdulkaadir says:

    asc all waad slmantihiin sln kadib allah aya mahada iska leh oo niskukeen keene mideeda kalle allah aya goan walbo gacantiisu kujirta asaga aya wax diido asaga ayana ogolaado maxkamadiisa ayana jiro wax matalkiisa ahna majiraan wahuwa cala kuli sheyi qadiir illahey hada udhawaatid aduunka asigoo duleesan ayuu ku ag keena

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. amina ladan says:

    asc walalha waan idiin wada salaamay asc wr wb salaan ka dib walal in xaqa la isku sheego waa wax waajib ah qofka hadii uu ku xasuusiyo cabsida ALAAH wax ka fiican ma jirto wiilka wata YAXYE walal xumaanta ma fiicna ee wiilka walalkaa ha u quurin caay aduunka waa lawa maalin in lees caayo ama leeys xumeeyo waa danbi ALLE cara galinaaya ee wanaaga aan is farno geerida aan is xasuusino ALLE cabsidiidsa aan isku dar daarano gaal ALLE ku kufriyana go aan nooma haayo ALLE ayaa maxkamadiisa ino jirtaa dacwadeena ALLE wuxuu go aan naga soo gaaro waa in aan ku qanacnaa oon dhahnaaa ALXAMDULILAAH AL SHUKRU LILAAAH AL MULIKU LILAAH wbilaahil toowfiiq asc wr wb

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. cayniqalbi says:

    asc walaal waxan ku waydiinayaa qaangaarka ma la ogolaaday taa ayaan rabaa in aan ogaado

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0