Maxkamada Socdaalka ayaa bilowday in ay bixiso sharciga deganaanshaha oo ay aqbasho codsiga mideynta familada iyadoo safaarada Sweden ay ku leedahay dalka Ethiopia ay sidoo kale bilowday akhbalaada codsiga baasaboorka Främlingspass. Aabe lagu magacaabo Cabdulahi oo ku dhaqan magaalada Jönkoping ayaa noqonaya qofkii ugu horeeyay ee aan xaqiijino ee ogolaanshaha la siiyo isbuucaan, isagoo caruurtiisana ay xareysteen baasaboorkii ay ku soo bixi laahaayeen. Aabahaan ayaa dalabkiisa xareeyey 2009 isagoo ay ku dhacday shuruudii baasaboorka oo hal mar diidmo la siiyay, waxaa laga qaaday dhiiga DNA. Ugu dambeyntii waxaa loo ogolaaday 3 caruur ah iyo xaaskiisa. Arintaan ayaa loo turjuman karaa in ay tahay bilowga go,aankii maxkamada laga sugayay iyadoo sida caadada ah Laanta Socdaalka markii ay go'aan ka gaareyso kiisaska guud ay tusaale uga dhigato go'aanka ay maxkamadu ka gaartay dadka ay isku kiiska yihiin. Waxaan xiriir la sameeyay Laanta Socdaalka in ay ii faahfaahiyaan haddii ay maxkamada socdaalka ay gaartay go'aankii aan ka sugeynay balse waxay ii sheegeen in wali aysan maxkamada go'aan gaarin oo ay sugayaan. Si kastaba ha ahaatee, rajada waalidiinta Soomaaliyeed ee caruurtooda ay waqtiga dheer kala maqnaayeen ayaa soo hagaageysa. Ma ahan markii ugu horeysay ee maxkamada ay ogolaansho bixiso balse dhibaatada ayaa ka taagneyd xaga baasaboorka. Sidoo kale waxaa jira fursado dhinacyo badan ka furmaya oo la filayo. Baarlamaanka Sweden ayaa la filayaa 4 bisha May in uu dhaqan galiyo sharci faraya in waalidiinta aan aqoonsigooda cadeyn karin lagu cadeeyo dhiiga DNA oo caruurtooda lala mideeyo.

Maxkamada Socdaalka oo bilowday sharci bixinta

Maxkamada Socdaalka ayaa bilowday in ay bixiso sharciga deganaanshaha oo ay aqbasho codsiga mideynta familada iyadoo safaarada Sweden ay ku leedahay dalka Ethiopia ay sidoo kale bilowday akhbalaada codsiga baasaboorka Främlingspass.

Aabe lagu magacaabo Cabdulahi oo ku dhaqan magaalada Jönkoping ayaa noqonaya qofkii ugu horeeyay ee aan xaqiijino ee ogolaanshaha la siiyo isbuucaan, isagoo caruurtiisana ay xareysteen baasaboorkii ay ku soo bixi laahaayeen.

Aabahaan ayaa dalabkiisa xareeyey 2009 isagoo ay ku dhacday shuruudii baasaboorka oo hal mar diidmo la siiyay, waxaa laga qaaday dhiiga DNA. Ugu dambeyntii waxaa loo ogolaaday 3 caruur ah iyo xaaskiisa.

Arintaan ayaa loo turjuman karaa in ay tahay bilowga go,aankii maxkamada laga sugayay iyadoo sida caadada ah Laanta Socdaalka markii ay go’aan ka gaareyso kiisaska guud ay tusaale uga dhigato go’aanka ay maxkamadu ka gaartay dadka ay isku kiiska yihiin.

Waxaan xiriir la sameeyay Laanta Socdaalka in ay ii faahfaahiyaan haddii ay maxkamada socdaalka ay gaartay go’aankii aan ka sugeynay balse waxay ii sheegeen in wali aysan maxkamada go’aan gaarin oo ay sugayaan.

Si kastaba ha ahaatee, rajada waalidiinta Soomaaliyeed ee caruurtooda ay waqtiga dheer kala maqnaayeen ayaa soo hagaageysa. Ma ahan markii ugu horeysay ee maxkamada ay ogolaansho bixiso balse dhibaatada ayaa ka taagneyd xaga baasaboorka. Sidoo kale waxaa jira fursado dhinacyo badan ka furmaya oo la filayo. Baarlamaanka Sweden ayaa la filayaa 4 bisha May in uu dhaqan galiyo sharci faraya in waalidiinta aan aqoonsigooda cadeyn karin lagu cadeeyo dhiiga DNA oo caruurtooda lala mideeyo.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

41 Responses

  1. siyaad says:

    asc waa salmantihin dhamaan waxaa mahad leh ILAHAY WEYNA kadib waxaan u mahad celinya walalkeen jimacale oo markasta isku haywla sidii uu walahisa somaliyeed u so gudbiya waxayabah naga maqan intaas kadib waan ku faraxasanahay arintan waa bilaw wanagasan inshalah qofkii bariskis ka qoranyahay melkale waa tagaya

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. baadil cabdi asalad says:

    walaal waxan kugu salaamayaa salaanta islaamka (asaamu caleykum)
    walaal waxaan ilaahey kaaga baryayaa in Aakhiri iyo aduunba ku liibaano had iyo jeer waad naga farxineysaa
    waxaan ahey aabe caruurtiisii aan arag ilaa iyo sadex sdano

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. salaal says:

    Dear jimcale

    salaan kadib walaal waxaa iga suaal ah, markii ay arrimuhu hagaagaan inshallaah reerihii interviewga hore u maray oo diidmada heystay dib miyey processkooda u bilaabmi doonaa oo kow kasoo bilaabi doonaan mise meeshii ay u mareysay ayey kasii socondoonaan, sidee u maleyneysaan.thankyou

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      walaal suaashaas jawaabteeda oo saxa kuma siin karo, waxay ku xirantahay horta in aan helno go’aan rasmi ah oo ka soo baxa dowlada Sweden. Laakiin waxaa xaqiiqo ah in ay dib u fiirin doonaan dhamaan dadkii diidmada lagu siiyay arinta aqoonsiga darteed.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. baadil says:

    asc walaal jimcale marka hore waxaan kuu rajeynayaa (kheyr Aakhiro ioy aduunba
    tankale walal waxaan rabaa in aad iga siiso akhbaar mar waxa la isiiyey diidmo
    waxaa la iidirey maxkamad maxkamadiina waxaet kiiskeygiina kuceliyeen imagrationka marka walal meeshaas war iga sii adoo mahadsan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. fardowso sh xasan says:

    Waan idin salaamayaa Jimale Sicid iyo dhamaanba bahda somaliska marka xigta waxaan rabaa inaan idin su,aalo waxaan ku wareerey marwalba waxaan maqlaa dad ayaa la ogolaadey aniga fardowsa ahan waan la xiriirey maxkamada waxeyna ii sheegeen in aysan weli bilaabin ogolanshihii. dacwada ilmaheyga iyo aabahood waxaan bilabey 2009kii dhiiga DNAda waxaa laga iga qaadey janaayo 2010ka hänlegaradeyda waxey ii sheegtey iney jawaabta dhiiga heshey bishii afaraad 2010 wexey i tiri xagaaga wax walba waa iiga dhamaadeen inaan visaha ku siiyo ayeey eheyd laakiin waxaa nala siiyey shaley amar ah inaan visaha joojino oo aan sugno sharci cusub oo soo baxayo bil ka dib dabcan dadkii ugu horeeyey uu ku xirmey ayaan ahaa warkaana waa war aan ku farxi karo laakiin su aasha aan isweydiinayo waxey tahay dadkii qaar ayaa la siiyey ogolaanshihii maxkamada markaan weydiinana weli warbaan sugeynaa ayeey leeyihiin soo taas wareer ma aha

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • shankaroon says:

      asc salan qali ha kadib waxan ahay hoya somaliyed oo ku nool wadanka sweded iyada iyo caruurteda lakin waxa iga maqan aabohod oo la ii diiday 2 jer waxana rejeynaya in ay ii ogoladonto maxkamada in sha alah ilin ruxa muslimka ah kama qusto naxariira ilahey waxan ka murugoda sidan ciyalkeyga uga cawin lahay belkasta oo ay uga bahanyihin cawinta 2 bada walid tas oo runti aad igu adag wayo hal far fool madhaqdo aya somalidu ku mah mahda waxan aad uga mahad celinaya qoraha somaliska .ocm

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. sabaad jaamac says:

    walaal jimcaale maxkamadii haday ogolaatay sawfiisayaashii toosloomaqaadanayo safaarada itoobiya adoo mahadsan iigasoo jawaab

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. anwar cali says:

    asc wrwb walaalo jimcaale maxkamadii haday ogolaatay saw baarla maankii isna goaan lagama sugayo iisoo jawaab inaadeer se baasaboorkalagu baxayaa kii cabdilaahi yuusufbaa mise waa kii dawladii hore ee maxamed siyaad bare

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. omar says:

    hi jimcaale walaal aad ayaa u mahadsan tahay walaahi aad baad inooga haqabtirtaa arimahan txs waxaan ahay qof safaarada sweden ee addis ababa codsi uga xareysan yahay joogana addis ababa mahad balaaran inaga gudoon

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  9. Jimcale says:

    farxiyo wali go,aan rasmi ah kama heyno maxkamada balse arinta baarlamaanka ayaa go,aanka ugu wanaagsan ah markii haddii ay ku dheheen sug taas ayay ku wadaan.

    Anwar: baasaboor Soomali ma ahan, waa baasaboorka dowlada Sweden ay siiso dadka aan wadankooda baasaborka keensan karin ee loo yaqaan Främlingspass. Kaas ayay markii horeba dhibaatada ka bilaabatay ka dib markii ay maxkamada amartay in aan la siin karin qof Sweden dibada ka jooga.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Ayuub says:

    Waxa mahadleh ale subxana watacalaa . nabad galyo korkisa ha ahaato subanaheena mohamed (s c w) Labo kala saara waxa somalidi laga qaday xayiradi oo wa laqadaya iyo bisha shanad ayaa go.aan la gaadhaya labaa eray mid macno gooni ah ayey kala xanbaarsan yihiin waxaana u arkaa hadaladaas madadaalis iyo madax xanuun waxayna ogyihiin gaaladaani in somalidu u badan tahay dad an waxba qorin oo jaahiliin ah ay yihiin oral resourse dad wixi loo sheego qaata

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. ridwan says:

    asc ww mudane jimcale salan kadib walalkay waxaan rabay inan kuweydiyo hal su.aal sxb sida aad nosheegten dadba dna laga qaday marka kawaran dadka wali aan wax isu dhalin e kala maqan ayago wali single ah shurudo ayaga u gooni ah miyaa jira ? Thanks my bro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Jimcale says:

    Horta aan si fiican isku fahano, halkaan laguma qorin in Soomaalida shuruudii laga qaaday. ilaa hada waa 1 qof inta aan xaqiijinay in sharciga la siiyay. Go’aan rasmi ah oo ku aadan arinta Soomaalida kama soo bixin maxkamada , waqtigii baarlamaanka uu ka doodi lahaa arintaana lama gaarin.

    Marka suaalaha dib noogu dhiga ilaa aan helno go’aan rasmi ah oo aan ka faaloon karno.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. falis says:

    ASC SALAAN KA DIB AAD BAA U MAHADSAN TIHIIN WALAALAHA SOMALISKA JIMACAALE WAXAAN KU WEYDIINAYAA WALAAL ADOO IGA RAALIYA QOFKA AAD SOO XAQIIJISEEN MA MAXKAMADA AYAA SIISEY MISE MIGRATIONKA OGOLAANSHAHA WAXAAN MAQLEY MAXKAMADA SARE KIISASKII DADKA INEY MIGRTIONKA DIB UGU SOO CELIYEEN.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Haa sida uu ii sheegay maxkamada ayaa kiiskiisa ku soo celisay migrationka iyaguna way siiyeen sharciga.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. abdirizak says:

    asc dhaman akhayarta salan kadib walal jimcale ad ayad u mahadsan tahay wa sax wali lama garin waqtiga go anka balse su,al aya raba ina ifahamsiso markasto waxad ku so qortan walidinta iyo ilmahoda o lamanaha an owlada hesana o na kala maqan maxa wajib ku ah o laga raba

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. laki x axmed says:

    walaaal jimcaale aad ayaadd u mahadsantaahay marka hore ilaahayna waxaan kaaga rajaynayaa in sida aad bulshadaada somaaleyeed u caawinayso ilahay kaaga abaal mariyo marka labaad waxaaan ahay walaal gabadh ay safaarada adis ababa uga xaraysantahay dacwadi markaa walaal waxaan ahay kaligay inta badan akhbartaada waxaan ku arkaaa waalid iyo caruurtood markaa walaal xaaska kaliya ee aan caruur lahayn maxaaa la odhan karaaa ayaga ma wali goaan lagama gaadhin mise waxaa la sugayaa barlamaanka oo kaliya wali walaaaal adoo mahadsan suaashaas iga soo jaahil saar aad iyo aad ayaad u mahadsantahay mar labaaad

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Jimcale says:

    Abdirzak iyo Laki: Arinta dadka aan ilmaha isku dhalin xoogaa way ka adagtahay mida waalidiinta waayo waxaa jira sharci kale oo bishii April 2010 dhaqan galay kaasoo dalbanaya in qofka u dacwoonaya tusaale ahaan xaaskiisa uu wadanka joogo 4 sano oo uu shaqo haysto. Marka haddii dadka aan wax isku dhalin shuruudaas ka soo bixi karaan, waxay ila tahay in ay macquul tahay in loo ogolaado balse 100% ma hubo.

    Sababta waalidiinta iyo caruurta loo siinayo muhiimada ayaa ah in aqoonsigooda lagu cadeyn karo dhiiga DNA balse labada qof ee aan wax isku dhalin lama cadeyn karo.

    Marka waxaan ogaan doonaa haddii isbedel ku saabsan arintaan uu soo boxo marka go’aan rasmi ah la gaaro. Insha Allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. nasiib says:

    asc jimcaale iyo dhamaan umada soomaliyeedba waan salaamayaa intaas ka dib waxaan u fahmey in sheekadan tahay mid bilow ah laakiin la sugaayo oo keliya go aanka maxkamada taas ayaa inaga inoo taal wixii ka horeeya waxaan filayaa inay nasiib tahay kii 3sano ka hor xeraystey iyo kan bil kahor xereystayba inay u siman yihiin nasiibka ayaan fili qofka nasiibkiisu siiyana ilaahay meeshii khyr u ah ha geeyo inagana nasiibkeena ayaan sugaynaa iyo go aanka maxkamada hada koley meeshan kuma qorna waa la qaaday goaankiina waa soo baxay ee waxaa ku qoran aabe nasiib u helay in ubadkiisa loo keeno inagana ilaahay haynoo keeno meeshii khyr inoo ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • hani says:

      asc dhamaan umada somaliyeed qoraayaasha somaliska.com waad ku mahadsantihin sida wacan oo nogu so tabisaa wararka muhiimka ino ah arintaa waa wax lagu farxo waxba hadi la ogoladay waa qeery anagana nasibkena ayaan sugenaa rajada maxuma

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. Mohamoud says:

    Asc dhaman Bahda Somalisa Gar ahan Jimcale. Walal Jimcale waxan ku waydin laha Waxan ahay Nin Jooga Nairobi Codsina Xareystay July 2010. Ilaa hadana jawab ma helin Xaskaygana 14 years ayay Degan tahay Sweden Lkn wax Shaqo ah ma lahan hadda marka Aniga camal Midayda maxaa la dhihi karaa Walaal. Jawab Iga soo sii

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. Abdirashid says:

    Asc dhamaan bahda somaliska gaar ahaan Jimcaale.. walaal aad iyo aad ayaan kaaga mahad celinayaa sida wanaagsan oo aad noogu soo gudbiso arimaha Sweden..

    Walaal waxaan ku waydiin lahaa waxaan jiray 17yrs Old markii aan Formka xareeyay hadana waxaan jiraa 19yrs Old marka malaga yaabaa in Walaalahay la iga reebo?

    walaal jimcaale waxaan kaa sugaa waa Jawaab..

    Thank You,
    Abdirashid.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Abdirashid ninka la dhaho cabdullaahi ee warbixintaan ay ku saabsantahay waxa uu ii sheegay in caruur laga reebay ka dib markii ay 18 sano dhaafeen, marka waan ka xumahay sidaas ayaa macquul ah.

      Mohamud: Runtii jawaab 100% kaama siin karo arintaada waayoo horta marka hore in uu go’aan rasmi ah soo baxo ayaa muhiim ah, tan kale kiiska qofka arimo badan ayaa saameyn kara oo ay ugu weyntahay cadeynta aqoonsiga. halkaas ayay hada dhibaatada ka taagan tahay markii taas xal loo helo ayaan arimaha kale ka hadli karnaa.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. C/RAXMAN MACALIN says:

    Asc. Walaal jimcale waxaan rabaa in aad hal su aal jawaab iga siiso. Walaalow waxaa jogaa ethiopia. Waxaa aniga iyo ilmahayga oo sweden joga nalaga qaaday DNA kadibna waxay isiiyen Diidmo. Marka walaalow ma maxkamadi DNA ga iidartay awal miyaan hada laxiriira Mise Migration ka.? Fadlan jawaab iga sii walaal. Mahadsanid.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. Abdirashid says:

    walaal jimcaale aad ayaad u mahadsantahay. waan fahmay arintaas. laakiin Aabe wuxuu leeyahay markii sharciga la i siiyay ayaa adna lagu siiyay. marka ma aqaan wlhi waa wareer. anyway thanks bro. Thankx. Abdirashid.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. Abdisalam says:

    Asalamu calaykum..
    Wl jimcaale ad ay u mahadsantahay adiga iyo asxabta kale ku la shagaysaa. Wl arin ay baahi u qaban somalidu ayad had iyo jeer si hagar li ah u qabatan, ilahay ha idinka abaal mariyo inshalah.
    Wl waxan ku waydin laha adigo iga raali ah marka wl qof underage ku dodayo ma jirta wax u kaga duwan yahay dhaman casekale se wl hadi qofkasi dhawan 18 jir noqonayo saamayn inte leeg ay arintasi caseka ku yelanaysa.
    Mahadsanid wl.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. Jimcale says:

    C/raxmaan: Waxay ila tahay cidii diidmada ku siisay in aad appeal ka xareysato.

    Abdisalam: arintaas waa mid xoogaa adag waayo sida aan horey u xusay aabaha Cabdulahi la dhaho ee warbixinta ku saabsantahay caruur ayaa loo diiday ka dib markii ay qaan gaareen. Marka waa laga yaabaa haddii qofka uu 18 sano jirsado in ay saameyn ku yeelato kiiska.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. ADEN says:

    waa arin fiican runtii lkn su aal ayaan qabaa jamcaale sxb.
    waxaa jira dad badan oo xaas ama nin uu kamaqan yahay oo caruur aan isu dhalin sida aniga oo kale inta badana waxaa laga hadlaa caruur marka anaga xagee noo furan?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. khalid ahmed khalid says:

    Salaan Sare Jimcaale,, Aniga sheeko waxaan dhan ka duwan aanba wataa oo ku cusub Garoonka,, sweden anoo joogo aan waxaan tagey yemen sxb Gabar carab aan ka soo guursadey, passaporkeedana waa yemen.. xaq ma u leeyahey inaan u dacwoodo,, anigoo swden ka heesta degenaansho joogto ah , Permanent.. thanksa Bahda somaliska.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. khalid ahmed khalid says:

    swedena 2 sanadood keliya ayaan jogaa jimcaalow,,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. ikraan says:

    asc dhaman wad saalmtahiin jimcale walal mahadsanid haad iyo jeer siida aqbarat nogu soguudbisiid waalal waxan raba inan ku weeydiiyo aniga ninkeyga ayaa dacwaad ixareyay waxeey nasiiyen appeal eey oranayan inaad somali tahay cadeey kadiib ayan xareyay appealki iyo posspor waraqo cadeey nayo iyo dhalasho intabo ninkeyga wuu shaqeeya gurii wuuleyahay waxuu wadanka sweden jogay muda 5sano ah appeal ka markii an xareyay waxa ka so waregatay 7biilod ilaa had jawab kama hayoo markii an laxariiro waxeey igu yirahdan nag warsuug maxeey kula tahay walal adigoo mahadsan asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  28. omar shidane says:

    scw ALLE hanooga sooqaado ogolashaha dadka xaas iyo caruur aya naga maqan wax kasta ALLE ayan kabaryeynaa muraad keyna ALLE hanoosaqiro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  29. nuuradiin says:

    A S C waxan halkaan kasalamayaa umada somaliyeed gaar ahaan maamulka somaliska.com dadaalka aad kasameyseen lasocodka xaladda swedan iyo dho dhibaatada kala maqnashaha walidiinta iyo caruurtooda waxan ku faraxsannahay ogolanshaha noo bilowday ALLE waxan kabaryeynaa wax kasta oo wanaag ah waa mahadsantihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  30. hassan says:

    asc dhamaan bahda somaliska
    walaal jimcaale waxaan rabay inaan ku su’aalo xaaskeyga aya diidmo liiga siiyay hadana uur ayay ii leedahay waana shaqeeyaa oo waliba waa fast anställning wadanka 6 sano ayaa daganahay bal ii sharax rajadaydu waa ceynlee mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      hassan: waxay ila tahay in kugu dhacday shuruuda baasaboorka iyo aqoonsiga ee hada Somaalida dhan dhibaatada ka heysato. Waxaan sugeynaa sharciga Sweden ka soo bixi doonaa bilaha soo socda insha Allah.

      khalid: haa waa u dacwoon kartaa, waxayba ila tahay in ay ka fududahay Soomaalida waayo cadeyn aqoonsi uma baahna. balse waxaa meesha kuu yaala haddii aad ka bixi karto shuruuda fareysa in aad 4 sano wadanka joogto oo aad shaqo haysato.

      ikraan: in aad sugto uunbaa danta ku jirtaa, waayo hada sharci cad oo qofkasta arintiisa lagu sharxi karo ma heyno. Marka anaga xitaa nooma kala cada arinta.

      ikhyaarta kale ee i waydiisay suaalaha ku saabsan dadka aan wax isku dhalin, dhowr jeer ayaan suaashaas ka jawaabay mowduucaan iyo meelo kale. waqtiga hada la joogo Sweden waxay xooga saareysaa dadka caruurta leh ee ay ku cadeyn karaan xiriirkooda dhiiga DNA. balse markii sharci rasmi ah soo baxo ayaan jawaab cad bixin karnaa. Insha Allah

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  31. benti says:

    asc jimaacale salaama wallo basaborka la isku dirayo waa noce mise mid ey wataan maxkamada sweden

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  32. dagan cali says:

    asc wr wb dhamaan bahda somaliska salaan qaali ah jimcale wallo waxaan ku weydinayaa waxan dacwad ka xareysanay safarada kenya inagoo 10 qof ah markaa intara fiyuugine wan marnay waxey ina soo siyeen waraqad magacyadi iyolanbar sired ey ku qoranyihiin marka wallo wax ma iga shigi kartaa mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      wsc, walaal runtii jawaab cad kama bixin karo haddii aanan garaneyn waxa ku qoran warqada. waxaan filayaa in soomaalida saffaarada dacwada ka xareysato ay iiga waayo aragnimo fiicanyihiin arintaas.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  33. c,qaadir says:

    qoka hesto sharci qaxoti ah oo cadeynayo somali nimadisa sida sharciyadan laga bixiyo soth afrika muxu kaga duwan yahay qofka joga neyrobi iyo itobiya iyo kambala fatlkan jimcale iiga soo jawaab

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      sxb ma filayo in farqi u dhexeeyo waayo Soomaalida dhibaatada waxay ka haysataa waa cadeynta aqoonsiga iyo sidii ay ku soo bixi lahaayeen haddii la qaabilo. Qofka meesha uu joogo ayuu dacwada ka xareysan karaa marka qasab ma ahan in aad kenya ama ethiopia aad joogto.

      haddii Soomaalida laga qaado shuruuda baasaboorka ee hada saaran isbedel ayaa imaan kara. hada waxaa na soo gaaraya in dhowr qof loo ogolaaday in ay baasaboorka codsadaan bisha soo socota afarteeda waxaa fariisanaya baarlamaanka Sweden.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0