Maxkamada Socdaalka oo dib u dhigtay go’aankii ku saabsanaa Soomaalida

49

Sida aad la wada socoteen waxaa xiliga guga ee sanadkaan go’aan laga sugayay kiis ay maxkamada sare ee Socdaalka (Migrationsöverdomstolen ) baaritaan ku haysay kaasoo ku saabsanaa shuruuda in ay reerku horay u wada noolaayeen. Hadaba waxaa soo baxday in maxkamadu ay dib u dhigtay in ay arintaas go’aan ka qaadato.

Lena Rösell oo ka tirsan ururka Sociala Missionen oo arintaan si qoto dheer ula socotay ayaa noo soo gudbisay in ay la xiriirtay maxkamada iyagoo u sheegay in 13-ka bishii Maarso kiiska maxkamada loo soo bandhigay. Ka dib ayaa waxaa soo baxay dhowr su’aalood oo u baahan in jawaabtooda baaritaan dheeri ah lagu sameeyo.

Arintaas ayaa keentay in maxkamadu ay kiiska ka dhigto mid baaritaan ku socdo . Sida sharciga ah ayaa marka maxkamada loo soo bandhigo kiiska ay waajibtahay in afar isbuuc gudahood ay go’aan ku gaadho balse maadaama xaalada kiiska laga dhigay mid bandhig ku socdo ayay qaadan kartaa mudo intaas ka dheer inta maxkamadu ay go’aan ka gaarayso. Wixii ku soo kordha waan soo gudbin doonaa. Insha Allah

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here