Maxkamada Socdaalka oo go’aan ka gaadhay arin ku saabsan qoysaska Soomaalida

328

Maxkamada Sare ee Socdaalka (Migrationsöverdomstolen) ayaa soo saartay go’aankii aan mudada ka sugaynay ee ku saabsanaa mideynta qoysaska Soomaalida ee lagu xiray in ay labo sano horay u wada noolaayeen inta aysan imaan Sweden.

Hadaba maxkamada ayaa isbuucii hore soo saartay go’aan cad oo ka farxinaya Soomaalida lagu xiray shuruuda labada sano. Maxkamada ayaa go’aankeeda ku cadaysay in shuruuda wada noolaashaha labada waalid aysan ahayn mid lagu xiri karo waalidiinta caruurta leh isla markaana ay muhiim tahay in marka go’aan la gaarayo la eego danta caruurta.

Maxkamada ayaa intaas ku dartay in dherarka waqtiga ay wada noolaayeen qoysaska uusan ahayn mid qeyb ka qaadan kara go’aanka balse waxay sheegeen in xiriirka waalidiinta inta aysan imaan Sweden noqon karo mid lagu daro baaritaanka. Haddii waalidiinta iyo caruurta aqoonsigikooda lagu cadeeyay DNA ayay maxkamadu sheegtay in aan lagu xirin shuruud wada noolaasho.

Si kastaba ha ahaatee, go’aanka maxkamada ayaan taaban dadka aan caruurta isku dhalin iyo caruurta la soo korsaday.

Hada ayaa laga sugayaa Migrationsverket in ay fasiraan go’aanka Maxkamada sare isla markaana ay dhaqan galiyaan. Qaabka ay Laanta Socdaalka u fasiri doonto go’aanka ayaan arki doonaa balse waxay u badantahay in dadka caruurta leh aan lagu xiri doonin shuruudaan oo markii horeba sharci daro ahayd.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here