Maxkamada Socdaalka oo go’aan soo saartay

39

Maxkamada sare ee Socdaalka (Migrationsöverdomstolen) ayaa go’aan ka soo saartay arimaha Soomaalida maanta oo taariikhdu tahay 12 May 2011. Go’aanka maxkamada  ayaa nuxurkiisa yahay in maxkamadu ay iska fogeysay arinta oo ay culeyska dusha ka saartay dowlada.

Go’aanka maxkamada ayaa lagu sheegay in ay ka warqabaan dhibaatada haysata Soomaalida balse aysan maxkamadu koox gooni ah (oo loola jeedo Soomaalida) aan loo samaynkarin isbedel qaas ah. Waxaa intaas lagu daray in wax ka badalida arintaan ay u taalo Dowlada. Hadaba arintu waxay isugu biyo shubaneysaa in dowlada Sweden qaasatan wasiirka Socdaalka Tobias Billström uu ka dhabeeyo balanqaadyadiisii oo uu sameeyo isbedelka loo baahanyahay.

Sharci yaqaanka ugu sareeya Laanta Socdaalka Michael Ribbenvik ayaa wargeyska DN ku yiri “Go’aanku waxa uu na farayaa waaxda sharciga aysan sharci gaar ah u sameyn karin koox gooni ah. Arintu hada waa mid siyaasadeen oo ah in la kala doorto mideynta reeraha iyo cadeynta aqoonsiga qofka”

Wasiirka Socdaalka ayaa shalay ku maqnaa safar dibada ah sidaa darteedna ma suurto galin in jawaab laga helo.

Dhinaca kale go’aanka maxkamada ayaan lagu soo qaadan wax ku saabsan dheecaanka DNA iyadoo qofka go’aanka lagu soo qaatay uu ahaa nin jooga Ethiopia oo xaaskiisa oo Sweden joogta ay dalbatay (waxay u badantahay in aysan wax isku dhalin). Su’aasha ayaa ah sababta aysan maxkamadu u eegin kiisaska kale ee caruurtu ay ku jirto?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here