Maxkamada socdaalka oo soo saartay go’aan muhiim ah

Maxkamada sare ee Socdaalka (Migrationsöverdomstolen) ayaa soo saartay go’aan muhiim ah oo la xiriira awooda dheecaanka DNA-ga marka laga hadlayo dalabka degenaanshaha ee waalidka iyo caruurta.

Maxkamada ayaa go’aan ka gaartay hooyo iyo caruurteeda ku nool dibada oo uu u dacwooday ninkeeda oo halkaan jooga. Maxkamada ayaa sheegtay in macluumaadka ay dadkaan soo bandhigeen iyo dheecaanka DNA in uu ku filanyahay in sharciga lagu siiyo ilmaha iyo hooyada  iyada oo muhiimada la siinayo mideynta reeraha iyo danta caruurta.

Maxkamada ayaa ku celisay muhiimada ay  leedahay in qofku uu cadeeyo aqoonsigiisa si looga hortago ka ganacsiga dadka iyo qulqulka soo galootiga balse waxay sheegtay in loo baahanyahay in qiimeyn la sameeyo oo arintaas darteed aan loo hor istaagin xuquuqda mideynta reeraha iyo danta caruurta.

Go’aankaan ay gaartay maxkamada sare ayaa ah mid aad muhiim ugu ah waalidiinta Soomaaliyeed ee caruurtooda loo diiday. Laanta Socdaalka iyo maxkamada hoose ee Socdaalka ayaa ku dhaqmi doona go’aanka maxkamada sare oo cadeynaya in dheecaanka DNA uu ku filanyahay mideynta reeraha.

Si kastaba ha ahaatee, su’aasha labaad oo aan wali la xalin ayaa ah sidii ay ku soo bixi lahaayeen dadkaan sharciga loo ogolaaday maadaama Sweden ay joojisay baasaboorkii looga soo bixi jiray Africa. Arintaas ayaa xalkeeda ugu dhow waxaa la filayaa bisha July 2012.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa’idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su’aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa’ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

20 Responses

  1. husen says:

    marka hore dhamaan bahda somaliska .com waa idin salaamey marka xikta arintan waa mid lagu farxu oo guul no soo hoyatey waaye hadii mawdooca aan usoo degu qofka ilmahiisa oo iswedhan joogan oo lajooga isoo markii hore ka imadey yurubta kale mar kii ilmihiis is sheekten isoo cadey la dhahey muxuu sameyna hadana ilmahiisa la nol oo dacwadada waa xirantey la dhahey muxuu samen karaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. Lil messi. says:

    Wan idin salamay dhamantin. Intas kadib muhimada waxa waye su,asha 2aad e an wali la xalin o ah in sweden ay jojisay pasportki africa loga imanayay. Taasin xalkeda ma muuqdo ila bisha july inshalah waxkasto way hagaagi doonan qofna wixi u qoran ma waynayo.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. somaliboy says:

    somaliska se camal he sxb jimcal dhig a la iska qada aya la dhahay lkn carurteyda o an dhalay o xaq an uleyahay on la ika qado DNA aya la ika diday in DNA la ika qado e hada me bilawayan in DNA e qadan neh?

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. somaliboy says:

    jawab sxb jimcale please

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. Aabir says:

    Asc wr wb

    Salaantaas islaamka ka dib waa go’aan runtii aad u wanaagasan laakiin weli waxaad waxaad moodaa in laakiintii ay jirto teeda kale aan ogoono wax walba inay ku xiran yihiin qadarta alle illahayna aan talo saarano aanna kaalmaeysano samirka & salaada wax walba illaahay subxaane qaadir waa noo fududeeynayaaye.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. hooyo somali says:

    asalamu caleykum walaaliyal waa idiin salaamey dhamantiin marka xikta waxaan salaamaya jamac oo si qiiro leh wax inoo fahan siiyey ilaah ajar iyo xasanat haka siiye waxan qabaa su aal ani iyo caruurteyda waxaan jookna swedhan nin keygana wuxuu jooga italia marka waxey dhahen isoo cadey markas ayaan waxaan uwada takney familredka waxey nasoo siiyeen waraq cadeyn ah in aan ilmahan isku dhalney magareshinki ayaan udirney caden idunku filan ma aha ayey noga soo jawaben hada udeygeyga waan isla jookna cunukna waan inoo dhashtey marka maxaan sameynaa jawab isii jimcaalow

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  7. C/raxman (in Addis ababa) says:

    Asc. Jimcale iyo Dhamaan akhristayaasha Somaliska.
    Waa arin farxad leh. Waxaan Jimcaalow kuwaydiinaa DNA ga ilmahayga oo jooga sweden iyo Aniga waxaa nalaga wada qaaday 2010 kii dacwadaada waan xirnay bayna idhaheen markay ucadaatay inaan dhalay ilmaha. Marka maxuu go’aankan Maxkamada ii soo kordhin karaa? Maxaanse Samayn karaa? Adoo mahsan jawaab igasii.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  8. abooto says:

    waa idin salaamay dhamaan aqayaarta aad ayaan ugu farxay markaan maqlay in DNA la iska qaadaayo sababtoo ah waxaa meesha ka baxaayo beenta iyo ilmaha aan la dhalin oo la keenaayo marka waxaan sugnaa waa baasaboorka oo sharcigiisa wax laga badalo . jimcaale waa mahadsantahay ilaah ha kuu jiseeso

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  9. amal ahmad says:

    Amal Köpin. scm waxan halkan kasalamayaa
    walalaha somaliska.com qasatan jimcaaaaaaale .sida anooga haqabtirtay luqadeena jisadiina ilaah bagudikaro arinkan maxkamada soosartay wan kufarxsanahay ilaah qeeyr hanooga dhigo macsalaaaaama

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  10. hodan says:

    waad mahadsantahay walal jimcaale waa ariin lagu farxo alah hano dhameeyo inta harsan insha allah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. C/raxiin says:

    Asc, waa mahsantahay jimcaale, Alle hakaa ajar siiyo,waa ku faraxsanahay go aankan ay gaartay Maxkamada Sare, inta kadhiman na ilaah hanooga soo qaado, intaas kadib jimcaaloow waxaa aniga iyo carrurtayda nalaga wada qaaday DNA, waana sax bay ndhaheen, kaddibna diidmo bay isiiyeen iyo waraaq ay dhaheen dcwadan waa xirnay dibna umasoo xareen kartid, marka maxaan sameen karaa wll,? Jawaab igasii wll mahadsanid,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Hanad abdukadir says:

    Masha allah run ahanti waa arin lagu farxo ona waxtar u ah familad kala godomay illey heysku mideye

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. axmed sahan says:

    mansh alaah waa ilahay mahadii waana go.aan aad umuhiim ah oo somalida u ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. cilmi Halmstad says:

    ASC, jimcaale sxb waad mahadsan tahay, insha allaahu inta ka dhimana khayr ayaan ilaahay ka rajeynaynaa. (Tack så mycket vän).

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. sahra says:

    Bahda somaliska aad iyo aad aad u mahadsan tihiin lkn waxaan fahmi la ahay sababta loo joojiyay baasboorka ee bixin jireen swedan. haddi hadda la dhaho waa la ogaaladay soomalida maxee ku soo galaayaan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. tana says:

    waa muhiin laakiin waxa baaqi ah ayaa la iska rabaa inay soo saaraan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. Bashir abass says:

    Aad ayaan ogu mahad celin hayaa webka somaliska iyo shaqalahisa khaasatan jimcale balse aniga waxan joga k/africa xaskaygana waxay jogtaa swedan ma waxay so xarayn sponser mise ayada aya i imaani o safarada aan wada tagayna?ofcouse cidkasto iyo webkabo jwb ayan idinka sugi,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. Abdulkadir says:

    Aad ayuu noo farxad galinayaa go’aanka maxkamada in kasta oo weli dhiman yahay wax kabdelista shuruucda documentiyada uu qofku ku iman llahaa sweden, hadana hadii malinba talaabo la qaado inta dhimana waa la gaari insha allaah.

    Mahadsanid.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. daahir says:

    asc wan kusalamay jimcale adiga iyo bahda somaliska dhamaan rumahanatii manata hadalkana kasoo baxay maxkamada aad buu ii farxadgelay dad badan oo aniga oo kala ehne aad buu ufarxad gelindoonaa in badan ayana sugeynay arintana in wax laga qabto DNA waa mida kaliya ee lagu ogan karo xairka waalidka iyo caruurta waan wada sugeynaadad badan ayaa diyara u ah in kastoo DNA qarashka lagu qadaayo oo aad u badan yahay aay jiraan dad qaar in aay owoodan in aay iska bixyana qaarkalane aay san awoodin waxan rajeyheeynaa in aay caawin doonaan umada somaliyed mel wal beyjoogaan allaha mideyo aamin mahad sanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. umu ilhaam says:

    asc waan ku farax sanahay go aanka midaynta reeraha kala maqan laakiin waxaan aad u sii jeclaan lahaa dhaqan galkiisa in naloo soo dadajiyo waayo waxaan nahay hooyooyin aad uga murugaysan xalka ilmahooda , laakiin wixi qayr ku jiro illaah uun baa garan ee asaan talo saaranay , jimcaalan waa ku mahad san yahay sida wanaagsan ee uu noola shaqaynayo waqtigaana xusi doono wax qabadkiisa balaaran , mahadsanid walaal jimcaale mar kale.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0