Sidii aan isbuucii hore idin sheegay waxaan xiriir la sameeyay Laanta Socdaalka Sweden (Migratonsverket) ka dib markii ay soo bexeen warar laysla dhexmarayo oo sheegaya in Laanta Socdaalku qorsheynayso in ay wax ka badasho xaalada Soomaalida. Hadaba jawaab ayaan ka helay laanta Socdaalka ayagoo ii xaqiijiyay in Maxkamada Sare ee Socdaalka (Migrationsöverdomstolen) ay goaansatay in ay dib u eegto arimaha Soomaalida oo ay u fadhido arintaas ayadoo go'aan laga sugayo. Go'aankaas ayay Laanta Socdaalku ii sheegeen in uu noqon doono mid muhiim ah kaasoo noqon doona qaanuun ay raaci doonto Laanta Socdaalka marka ay timaado arimaha Soomaalida. Nasiib daro waxay ka gaabsadeen in ay ii sheegaan waqti cayiman oo go'aankaas uu soo baxayo. Si kastaba ha ahaatee arintaan ahaa ah mid lagu farxo oo dareen rajo ku abuureysa bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Sweden. Maxkamada Sare ee Socdaalka (Migrationsöverdomstolen) ayaa ah midii soo saartay goaanka lagu joojiyay reeraha Soomaalida ayadoo ah mida awooda u leh in ay ka laabato ama wax ka badasho go'aankaas ka dibna Laanta Socdaalka ayaa ku qasban in ay raacdo go'aamada Maxkamada Sare ee Socdaalka.

Maxkamada Socdaalka oo u fadhida arimaha Soomaalida

Sidii aan isbuucii hore idin sheegay waxaan xiriir la sameeyay Laanta Socdaalka Sweden (Migratonsverket) ka dib markii ay soo bexeen warar laysla dhexmarayo oo sheegaya in Laanta Socdaalku qorsheynayso in ay wax ka badasho xaalada Soomaalida.

Hadaba jawaab ayaan ka helay laanta Socdaalka ayagoo ii xaqiijiyay in Maxkamada Sare ee Socdaalka (Migrationsöverdomstolen) ay goaansatay in ay dib u eegto arimaha Soomaalida oo ay u fadhido arintaas ayadoo go’aan laga sugayo.

Go’aankaas ayay Laanta Socdaalku ii sheegeen in uu noqon doono mid muhiim ah kaasoo noqon doona qaanuun ay raaci doonto Laanta Socdaalka marka ay timaado arimaha Soomaalida.

Nasiib daro waxay ka gaabsadeen in ay ii sheegaan waqti cayiman oo go’aankaas uu soo baxayo.

Si kastaba ha ahaatee arintaan ahaa ah mid lagu farxo oo dareen rajo ku abuureysa bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Sweden.

Maxkamada Sare ee Socdaalka (Migrationsöverdomstolen) ayaa ah midii soo saartay goaanka lagu joojiyay reeraha Soomaalida ayadoo ah mida awooda u leh in ay ka laabato ama wax ka badasho go’aankaas ka dibna Laanta Socdaalka ayaa ku qasban in ay raacdo go’aamada Maxkamada Sare ee Socdaalka.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

39 Responses

  1. mustafomar says:

    MANSHA ALLAH ALLAHAYOW SIDII KHAYR LEH INSHA ALLAH

    AAMIN AAMIN

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. mohammed hassan mohammed says:

    scw
    salaan kadib waxaa mahad isk leh ilaahi na.abuurey
    tan kale waxaan halkaan ka salaamaya bahda saxaafad somalida ee sweden oo uu gashay dadaal dheerad ah wac yagiilnta wararka( Migrationsöverdomstolen)qasatan markaan ka hadlo arimaha somalida marka hore waa in ay noqdaan gacan kali ah oo meel ka sowada jeda oo ay ka fiikiraan danahoga iyo ayaatinkodaba

    wabiilahi towfiiq
    mohammed hassan mohammed-xamaraawi
    sweden-tröllhättan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. HASSAN KAAMILL says:

    asc dhamaan umadda soomaliyeed meel kasta oo eey joogaan qasatan wariya yasha isu xilqaamay arrintaan oo ah runtii wax aad iyo aad loogu farxo marka soomalida danahooda alle ha tusu inagana arintaan alle hanoo fududeeyo hadii qeyrku ku jirro
    anigoo ah hassan kaamill oo joga south africa lkn aad u daneeyna arimaha go,aanada iyo waaxda sucdaalka oo dhib baddan igaaso wajahay qaasatan
    mahadsanidiiiiiiiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. cabdiweli macalin filadhere says:

    ascw salaan ka dib waxa aan umadda soomaliyeed ee ku nool sweden u sheegayaa in ey isku duubnaadan marki la isku duubmo wax walba waa ey hagaagayaan insha allah taa ayaa tiir u ah horumar umad soomaalieed hadii la waayo waxa ey noqoneysaa tan ka taagan dalkeena oo kale waa in qof walba fikiraa sida fikir ku dhisan iskaashi ilaah ha ina waafajiyo xaqiiqda.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  5. Haykal Abdi Artan says:

    Waxaa mahad gaara mudan ALLE subxaana wayacalaa , nabi muxamad nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato Aaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaamin ,,,,,

    Waxaa kaloo aan mahad gaara u celinayaa Dhamaan inta ku howlan danaha somalida , aay ugu horeyaan sarakiisa Ama siyaasiyiinta Somaliska PAGE , iyagoo ku howlan danaha caanka ah ee somalida arintaas dadaalkeedana lagu amaanaayo in aay ka gaysteen kalin libaaxeed waxaana lee yahay sii wada dadaalka aad u haysaan somalida haka daalina waayo waxaad u shaqaynaysaan waa dadkiina ku xanibad africa si loo samayn lahaa (Family reunification )

    Wabilaahi Towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Rajo ku Nool says:

    asc wrb…Marka hore mahad dhamanteed Rabi subxaana wtc ayaa iska leh.. waxan halkan ka salamayaa bahda somaliska Dhamaan..
    Umad waliba oo Daciif ah wuxuu alleh ka so saraa hal qof u istaaga umadaas… waana arin lugu farxo waxa aan maanta ka aqrineyno webka somaliska.. waxaana mahad gaar ah is kaleh nin ka waqtigiisa ku bixiyey adeega dadkiisa kaas oo la Qeyb sadey murugta iyo wer werka dadkiisa saaran.. shaqsigaas oo kale ayaa maanta somaaliya Hogaanka u Qaban kara.. mahadsanid jimcaale…

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. cabxakiin maxamed says:

    asc wrwb jimcaale waad kumahadsan tahay sida aad ugu dadaalayso dadka soo maaliyeed ilaahayna wuu kula garab galayaa waayo waxaad tahay qof daacad ah oo doonaya in uu isku keeno dad qosas ah oo meela kala fog kala daad san

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Masago says:

    ASC ARINTAAN LAGU JOOJIYAY SHARCIYADA MARKI HOREBA M,SVERKTA KAMA SOO BIXIN EE WAXEEY KASOO BAXDAY RIKISDAGKA MARKA INEEY AYAKU DIB UGU NAQDAAN AYEEY KU BADALMI AKRAAN WAX KASTAA WALOOW GO,AANKA ALLAA AW KA WEYN YAHAY WAX WALBO-
    ALLAAAHUMA SAHIL UMURAN LANNAAAA

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. fatima uqtu says:

    waa mahad san tihiin sida aad noogu farxiseen bahda somaliska nala socod siiya wixii soo ordha,, jimcaalana si gaar ayaan ugu mahad celinayaa,, fatima al Qaadi.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. ciise muxumad tafe says:

    ascm. marka hore waxan salaan qaali ah u dirayaa dhamaaan somaalida ku kala war qaadata halka. waxan ku dari lahaa maanta somali meelkasta ha joogto waxan aamin sanahay inay dhibaataysantagay. e horta inoo duceeya in allaha awooda lehi inaga saaro dhibta iyo meeraysiga aynu ku wareegayno wadan aynaan lahayn. marka xigta in la isku duubnaado wa muhiim e ha ilaawina isku xirnaanta. halkaana waa in laga sii awdaa wabilaahi tawfiia

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  11. ahmed siriya says:

    marka hore waxan salamaya omada somaliyed marka xigta ronti arintani waxe fa ido otahay omada somaliyed e kalahababsan taso caqabad weyn ku noqotay ine markale midowan ronti tasi waxa ogu wacan omada somaliyed e sweden ku dhaqan sida e o mojiyen isku xirnanshadoda iyo weliba bahda saxafada o qeb libax leh ka qadatay dhamntod wa e mahadsanyihin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. ahmed diriye says:

    markahore waxaa mahadleh amaan marka xiga waxan leeyahay daladaha somalida ee udoodaya xuquuqdoodii ladudsiyey dadaalkiin halkaas kasii wada ogaadana qofkasta waxuu doono waa helaa ialahayna gaalada ha inuu duleeyo isa gaa qadirii aamin aamin minn somaliyoo nabada yaan satirow baryaynaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. cabdi fitax mursal says:

    dhaman waxaan salamaya bahda somaliska oo uguur gashay sidee wax ulasocdsiinlahayeen somalida kuxayiran wadamada kenya itopia iyo ugandha aniga iyo walaahehey waxan nahay aqristayaal oo aqrista wararka cusub web si an ulasocono sidii ee iswedhan somalida kayelilehed waxa nahay kuwo hooyadood sharciga cusub udiiday waxan ilahay kabaryeena in hooyadeen iyo anaga iskukankeeyo amiim byyyyyyyyyyy

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. idil Elmi alin says:

    A.S.C dhamaan walaalheyga somaliyeed meel walibey jogan inta kadib waxan mahad gaar ah u dira walaalha web somaliska madama eey waxa muhim ah ino qabten ayagan alle ayaan kaga barya waxa qeer qabo inshaa allh ninki walaalkis waxa u qabto asna malin ayaa lo qabana somalina waa inta inta eey ku tahay walaal aniga waxan ka mid ahaya daadka lo diday caruurtey dhalen waxan kala maqanahay 2 sano 6 caruur ah midka u yarna jiro 3àr insha allh waxan ka rajeyna go.aan wanagnas waxai qeer ahna alle ayaa ka sugeyna inshaa allh

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Mahamud abdlahi ali says:

    walaal waan idin salaamay salaan kadib anuu waxaan ahay aabe dhibane ah ciyaal kiisina loo diidan yahay iyada oo si´daasa waxa aan daganahay dakan sweden sharcina isiiyay markaa sidee ayaan ama tv uuga hadli karaa ama dacwadayda u sheegan karaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Walaal dad badan ayaa kula mid ah Sweden way ogtahay dhibaatada taagan wayna wadaan sidii wax looga badali lahaa…waad ka qeyb qaadan kartaa dadaalada ay wadaan ururada ka jira Sweden ee u dadaalaya dadka kula midka ah oo ay ka midyihiin bahda Somaliska. Waxay u baahantahay samir inta xal laga gaarayo balse dadaalada way socdaan.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Mahamud abdlahi ali says:

    waan gartay walaal aad ayaad u mahadsantahay lakin waxa aan aad iyo aad iyo aad aan u jecelahay in aan la socdo wararka ama akhbaarta kasoo baxda arimaha waalidka ubadkiisu ka maqan yihiin mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. Ugas says:

    Arrinta la xiriirta isu keenidda qoysaska kala maqan ee ay u fadhido Maxkamada waa arrin yedidiilo iyo farxad ku abuureysa soomaalida guud ahaan, waxaana rajeyneynaa in go aan farxad leh uu ka soo bixi doono. teeda kale waxaa mahad gaar ah mudan maamulka wargeyska somaliska oo goor walba u taagan wax qabadka soomaalida…

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. Okash says:

    Anigoo ka mid ah akhristayaasha sida joogtada ula socda Website-ka Somaliska.com waxaan soo dhaweynayaa barnaamijka cusub ee ay ku tala jiraan maamulka website-ku in ay kusoo kordhiyaan website-ka kaas oo ah in akhtistayaashu ay muuqaal ahaan u daawan karaan wareysiyada. Waa arrin muhiim ah wax weyna kusoo kordhin karta website-ka. waad ku mahadsan tihiin dadaalkiina joogtada ah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. salmaan xasan says:

    asc wrwb jimcaale walaal waad salaaman tahay waadna ku mahadsa tahay sida aad dadka mar walba ula soo socosiiso kolba arimuhu halkay marayaan walaalo waxaan kuu sheegayaa safaaradii itoobiya ayaa shaqada joojisay ilaa abriil 26 taas maxaa kajira si maxay tahay sabab tay ujoojishay shaqada baltaas iiga soo jawaab adoo mahadsan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Walaal warkaas ma hayo balse waan isku dayaa in aan baaritaan ku sameeyo haddii ay xaqiiqo tahay waan soo qori doonaa mowduuc ku saabsan.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. Saynab C Y W says:

    WAXAAN RAJAYNAYAA IN UU NOQDO WARKAAN MID MIRA DHALA IYO IN NALOO KEENO CARUURTAYAYADA IYO LAMANASHAYASHADAY KALA NOOL HADA SAYNAB C Y W,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. maxamad says:

    warkaan warkaan warkhayr alle haka dhigo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. M CS says:

    BACDA SALAAN

    YAASMIIN WARKAAN AKHRISO KA DIBNA WAAD KU SEEXAN KARTAA CAAWA OO BIIL DIROOWGII WAAD KA RAYSATAY WALAAL,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. muhyadin says:

    asc all waxaan salaamaya dowlada sweden waay ogtahay xaalada somalida qaasatan dadka ka soo jeeda koonfurta somalia waxaana ogsoonahay iney ku andacyooneyso sweden aqoonsi adoonsi somalia majiro hadii aay rabaane dadka somalida aqoonsi ineey ka helaan madax waynihii hore oo somalia mr mohamed siyaad bare picture kiisa hatusaan qofkii somali isku dhiiba midkii aqooda somali waaye kii aqoon waayane maahan saas usheega nimanka dee

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. ilhaam abdalla says:

    ASC WRB.. marka hore mahad alle ayaa leh,, waxaan Rabaa si gaar inaan halkaan salaan ugu mariyo jimcaale oo ah aabaha dadka dhiban,, jimcaale abow iga gadoon,, waa ku mahd santahey aboowe har iyo habeen inaad dad kaaga u maqan tahey. duci iyo sharafba waa kuugu hibeeynay. ilhaam

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. abdiwali abdule mohamaed says:

    asc dhamaan walaalha soomaaliyed waxaa jira wax aad shar u aragto oo kheer kuugu jiro aniga wadankaan waxaan joogaa 4 sano ilaa hadana xaaskii iyo ilmhii wali la iima ogolaan waxaana u arkaa in ilaah naga adkeeyay sababtoo ah waxaan ba arkaa qoysas badan markii eey yimaadeen in ilmahoodi ku fasahaadeen qoysas badan ku kala tageen marka waxaan dhihi lahaa ilaah dhulkeena nabad hanooga dhigo intaan dhihi laheen ilaahow ilamaha naloo ogolaado dhamaantiin mahadsanidiin walaalaha somaliyeed dhulkeenina u duceeya inta qabiilka iyo qurunka iska dhaafno

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. rajo alle marna malaga quusto says:

    aniga waxaan kamid ah tatka sugaayo oo joogo kenya aniga familkeega qaarkoot aajiro swedan marka ilaahadana qof ee usooro kashay in loo okulaado familkiisa majiro marka inta kuhoolan dadaalada ee ugujiraan tatka kala maqan sidee mee qura ee uguwad noolaan laheen kashaqeynaa mahadsanidiin qaas ahaan maamulka wep-kaan tan labaat malees weydiiye qof iyada markii hore aa kuqaabishay somali nimo missna hada ladahaayo qooska somalinimadiisa soo cadey wlhi aniga taas waxaan uargtaa taako adg oo loo dhigay somalida kunool swedan ilaah midaas hanaga hor wareejiyo amiin inta kuhoolan dadaalada marlabaat iyo mar sadaxaad ty all

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. faatima cabdisamad says:

    waasalaaman tahay walaalkeen jimcaale mudadii ay maxkamadu kafakaraysay nagu dheeraatee maxaad war haysaa jimcaale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  28. jamac says:

    scw walala ada aayaa u mahdsanthey hoshada sii wado

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  29. ayaan mohmed says:

    MAASHA ALLAH ILLAAHOOW WAX LAGU FARXO KADHIG OO QEER KASOO YEERSIIIIIIIII AAMIIIIIIIIIIN ILAAHOW DADKEENA NOOOKEN

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  30. ayaan mohmed says:

    WALLAKEN JIMCAALE SALAAN SARE ILAHAY HAKU DADALO SAADADADKA UGU DADALAYSO ANAGANA WAA NAGA FARXISAY WAX QEER QABA NOOSOO CARFAA INSHA ALLAH DADKEENA NALOOKENA NOOSOO IFTIINTAY SOMNAALI ILLAHOOW ADAA LEH DALNA MAQABAN INTANA WAALAGU CANAADA DALKOODINA WAA HOLCA ALLOW SOMAALI MEEL FIICAN SII OO DAGAAL KASOCAN ALLOW DDALKOODA NABAD UGA DHIG AN KU DAMASHADE DADKAANA ALLOW NOOGA SOOQAD SHARCI QEER QABO DADKEENA WAASALAMANTIHIIN DHAAMAAN

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  31. rajo alle marna malaga quusto says:

    waaaaaaaaaaw masha’alaah ayaan waxaan maalin waa dhamanayaa abaayo waxee rabaan uun samir waa hubaal xal waa lahelaa waaqtigey noqoto malah lagayaabo inuuwaqtiga nagu deeraado lkn waa kuqas banyihiin inee si deg deg ah wax uga qabtaan arinta soalida masuura kili karto qof adiga aa markii hore kuqabaty somali nimo markalaabt familkooda somali maha wlhi waa laga xishoodaa waxaas waana hubaa maalin in xal loo heli dhoono insha’alaah arntaas masii shaqeen kareyso samir samir ayaaa loo bahan yahay okej

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  32. Sadik says:

    sxb jimcaale aad salaamantahay adiga iyo bahda somaliska, runtii waxaan kaaga mahadcelinayaa shaqada iyo is xilqaanka aad wadid, dadweynahana waxaan u sheegayaa in Mr jimcaale uusan aheen qofka goaanka leh balse uu yahay walaal is xilqaamey oo jecel somalida wanaagooda, marka suaalaha qaarkood ka dhaafa, Mr jimcaale ogoow source-ga kaliya ee aan daliilsano ayaad tahay haka seexan shaqadaas quruxda badan taaariikhda ayaad baal ka ali doontaa..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  33. sakariye cabdilaahi says:

    asc wrwb walaalo jimcaale aad ayaan kuu salaamayaa sida tooska leh eeaad noola soo socod siisid hadba xaaladu halkay marayso mid ayaan kuu sheegayaa xaas kayga ayaa ii soo dac woonaysa mar kaa dad ayaa igu yiri hadaanan xaaskaagu ciyaal kuu lahayn wax laguu soo kaxay nayaa majirto taas ayaan kuwaydiinayaa eebal iiga jawaab midakale dad ayaa sheegayay oolahaa maxkamadu bisha afaraad ayay jawaab bixinaysaayee taasna maxaad war ka haysaa adoo madsan jimcaale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Sakariye: waa jiraa sharci kale oo marka laga reebo kan baasaboorka oranaya in qofka qof u dacwoonaya uu joogay Sweden 4 sano oo uu shaqo haysto sharcigaas waa macquul in uu ku qabto balse 100% ma dhihi karo. Maxkamada runtii xiliga ay goaanka gaareyso ma hubno, warar waa laysla dhexmarayaa balse xaqiijintooda Laanta Socdaalka ayaan ma maqli doonaa.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  34. canab gaas says:

    asc wrwb walaal jimcaale waan kusalaa mooyaa mid aan kuwar saday waxaan maqlay dad fiisa lasiiyay ee maxaa ka jira se maxkamadu maxay goaamisay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Haa Canab way jiraan wararkaas oo waa isoo gaareen, sida aan maqlay dad qaar ku sugan ethiopia ayaa la siiyay ogolaanshaha dacwada balse waxay sugayaan sidii ay ku soo bixi lahaayeen taasoo ku xiran shuruuda maxkamada. waa inta aan maqlay waloow aanan 100% xaqiijin karin.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  35. axmed shiine says:

    asc wrwb walaalo jimcaaleaad ayaad umadsan tahay markalabaad hadal ayaa isoo gaaray oo qof joogaswedan ayaa igu yiri maxkamadii way ogolaatay dadkii xaasaska iyo ciyaalkeetaas maxaa kajira waala soo kaxay nayaaayaa layiriyee marun baa hadal kaas mi8se waa waxba kama jiraan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1