Maxkamada Yurub oo amartay in aan Greece dadka lagu celin karin

Maxkamada Cadaalada ee Midowga Yurub ayaa go’aan cusub oo ay soo saartay ku amartay wadamada ku jira EUda in aysan ku celin karin dadka magangalyo doonka ah wadanka Greece ama wadamada kale ee aysan ka heli karin daryeel bani’aadanimo.

Arintaan ayaa ka dambeysay ka dib markii ay 6 qof oo ka soo jeeda Afghanista, Algeria iyo Iran iska dhiibeen wadamada Ireland iyo UK kuwaasoo dib ugu celiyay dadkaas wadanka Greece oo markii hore ay Yurub ka soo galeen.

Maxkamada ayaa amartay in aan dadka lagu celin karin Greece maadaama uusan wadankaas xakameyn karin isku socodka magangalyo doonka isla markaana aysan siin karin daryeel bani’aadanimo. Go’aanka maxkamada ayaa sharci ka dhigaya in qofka magangalyo doonka ah ee ka soo gala Greece kiiskiisa lagu baaro wadanka labaad ee uu iska dhiibo.

Iyadoo horay ay Sweden u joojisay in dadka lagu celiyo Greece ayay tani sharci rasmi ah ka dhigeysaa in qofka kiiskiisa lagu baaro halkaan. Sharcigaan ayaa qabanaya guud ahaan 27 wadan ee ku jira Midowga Yurub.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

12 Responses

  1. fardowsa says:

    asc waaniisalaamey marka hure waxaan qabaa suaal yar waxaan wataa baasaboor denmerk makodegan karaa iswedan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Madridista says:

      Ascwrwb.
      Passport dhalasho ah hadad wadato waad ku dagnan karta, Sweden iska dhafe mesha aad donto aduunka ka dagi karta lakin ma cadda suashada passportka heysatid noocisa, hada midka yar hesato dhowr bilood wa kujogi karta anyway macluumad dheeri ah waxad kala xiriri kartaa skatteverket.se amaba qolyaha qaabilsan xagga isku socodka ee Denmark weydii.. dabcan wa isku furan yihin wadamadan kalama xerna muddo 3 bilood ah passport la aan wad dagnan karta wadanka inta aan ka ogahay wa nttas wallal

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. Hanad abdukadir says:

    Asc dhamantinba wad salamtihin walalayal
    run ahanti aniga waxan jooga jazirada malta waxana ahay dadki igu dambeyey o hada sogala farana waleyga qaday marka faraha malta side bey maxkamada yurua uragtana

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  3. fardowsa says:

    baasaboorka waa 10 yeris waaya waxaan juugaa keynya waxaan rabaa inaan kudegto swiidan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  4. bahal hoose says:

    asc fardowsa waaku salaamay abaay marka hore waa nasiib lkn waxaan arkay dad badan oo sicaadi ah ugu soo degay xataa anigaa kasoo kaxeeyay ereporka mar hadaad wadato basapor danish ah waxaa daran un inaad kasoo degto denmark waana mahadsantahay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. fardowsa says:

    bahal hoos wcs walaal waad mahadsantahey baasaboorka walaashey ayaaa iiisuudirtay markaan imaado ereboorka baasaboorka mataaga karaa masa waan qarsanaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. bahal hoose says:

    farduus abaay hadii laguweediiyo unbaa taageysaa hadii aan laguweydiin haku degdegin teeda kale walaashaa ilaa xad maisku muuqaal egtihiin,taas waa mid mida kale basaporka taagistiisa haku degdegin adiga ilaa ay securitka kaaweydiiyaan. waxaana kuu rajeynayaa in uu ilaahey guulkaasiiyo.insha allaah maadaama aad gabar muslin oo walaashey aad tahay .mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. ayaan says:

    asc kuligiina fardowsa sweden waxa ala keenay kontrol xaga airporka lasoco mida kale waxaad meeshaan ogu sheekeyneysana iska joojiya

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. ilyaas cali says:

    asc aniga waxaan ku noolahay wadanka malto waxaane ka wataa passbor wadanka swedan ayaa waxaa la iga celiyaya labo mar hadane waan ku soo labtay ilaa iyo hadane wax aaay i siiyeen ma lahan walaalayaal marka waxaan ka firirayaa ma waxey kugu celinayaan malto mise wey iska kay cafinayaan bal maxey na ila tahay walaalayaal?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. ayaan says:

    wcswwbr ilyaas aboowe walaahi mala ogo laakiin waxana filayaa iney ku xerna tahay dacwadaada marka waa dhici karta ainey wax ku siyaan laakiin badanaa hadii wax band aleyska aamuso rajada ma xumo waayo dad badan oo laga amusaan marar badn agaa oo hadane la siyay marka insha alaah kuli shey maktub min cindalaah salada iyo duacada badi wad qeyri wabilaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. MAHAD OMAR HUSSEin says:

    WAA ARIN FARXAD LEH
    SXBKEEYNA WAA QOSLOOYAA WALEE ANIGAA OG

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. cade haji banuun says:

    asc walal yaal bacda salam wan gartay greece arinteda wayba cadahay oo webka aya lagu cadeeyay lakin maxa lo shacin wayay wadamada kale ayagana an dadka lagu celineynin ee bani adanima xumada ay ka jirto ok maku jiraan malta iyo italy mise wa greece waxan raba inan kala ogado arintan mahad sanidiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0