Maxkamada Yurub oo gaadhay go’aan muhiim ah oo ku saabsan Dublin

Maxkamada Xuquuqda aadanaha ee Yurub ayaa dhawaan gaadhay go’aan muhiim ah oo ku saabsan qaraarka Dublin. Go’aanka maxkamada ayaa faraya wadamada ka tirsan EU-da in aan lagu celin karin qof magangalyo doon ah wadan kale haddii uusan balan qaad ka helin ku saabsan in la siinayo xuquuqdiisa magangalyo.

Go’aanka maxkamada ayaa qaasatan quseeya familada iyo caruurta. Sida caadiga ah ayaa markii qofka uu faro ku leeyahay wadan kale oo Yurub ah uusan xaq u lahayn in uu magangalyo ka dalbado wadan kale, isagoo durbadiiba lagu celiyo wadankii uu ka yimid. Sweden ayaa si xoog leh u dhaqan galisa sharciga Dublin iyadoo dad badan lagu celiyo wadanka Talyaaniga.

Go’aanka maxkamada ayaa hada ka dib Migrationsverket ku adkayn doona in ay dadka isaga celiyaan talyaaniga, iyagoo laga doonayo inta aysan celin caruurta iyo familada ay la xiriiraan Talyaaniga oo ka xaqiijiyaan in la siinayo xuquuqdooda magangalyo taasoo ay ku jidho guri, dhaqaale ay ku noolaadan, caafimaad iwm. Haddii aysan xaqiijin karin ayay Sweden ku qasbanaan doontaa in ay iska iloobaan Dublin.

Migrationsverket ayaa sheegay in ay si fiican u aqrinayaan sharciga cusub oo ay dhaqan galin doonaan.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

25 Responses

  1. ahmed says:

    dadka aan familka aheen ee kali socodka ah maxa ayada maxkamada ka qabta xalinta bahidoda dublin ah mise kuwaas waa habar qabayashi ee dublin ku dumiya waqtigoda miya dabkood haa ba ee

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 4

  2. aminyare says:

    Jimcale walal wan ku salaamay adiga iyo dhamaan ikhyarta ku xiran website kan, walal waxaan rabaa in aad mac lumaad iga siisid, waxaan visa Italy ah ka soo qaatay wadan Africa ah markaan visa da soo qaadanayey ayaa faro la iga qaaday, talyaaniga markaan imid ma waydiisan nabad galyo si toos ah ayaan uga soo gudbay waxaan imid Sweden, faraha ayey iga qaaday kuwii Africa la iiga soo qaaday ayaa iga soo baxay waxayna i siiyeen negative waxayna igu dheheen waxaan kuu celinaynaa Italia, walal dadku waxa ay ileeyigiin sharci ayaa jira ah in qofka visa ku yimaada ee aan wadanka uu visada ka soo qaatay magan galyo waydiisan mu uu tirsan Karo oo ka duwan mudada dadka faraha leh ee sharciga ka soo qaatay wadankii ugu horeeyey ee ay faraha dhigteen, waxay dadku igu leeyihiin 6 bilood ayaad tirsanaysaa dabadeed na dib ayaad isku dhiibi kartaa, sxbyaal waxaan rabaa in aad iga caawisaan arintay daan sharuucda salkaan la xiriirta.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  3. saaid says:

    Itali ayaa sharci ku leedahay bro dad badan o kula mid ah ayaan arkay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. saaid says:

    Jamaal waxan kuweydina bro warkaan oo Swedhish ah ma isin karta
    ama ma i sheegi karta meel an ka helo

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. saaid says:

    Jimcaale Warkaan o swedhish ah please bro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. waaya arag says:

    @Aminyare
    Walal tirsiga 6da bilood waqtigiisa waxa weeye intaanad is dhiibin kahor ama markaad isdhiibeysay visahaagu wa inay ka soo wareegataa 6 bilood lkn hada waxa tahay dublino caadi ah marka sharcigaagu wa sharciga dadka dublinka ah hanoqoto mudada tirsiga ama wax kale hanoqotee…

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. abubakar says:

    somaali wa caaqiliin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. waya arag says:

    koorma aan arkeynaa anagow isku duuban ow ka fikireyno dalkeena daadkeena manta dadka aan u hoosnahay anaga ayana iska dhignay qofkastow somaali jiritaankeeda dan ayaa kuu jirto aduunka waxaa wax ka tahay markaad a wood leedahay dowlad quwadla tahay xornimo waxan qaadanay 1960 lkn nasiibdaro dhibaato ayaa dhaku dhacday somaali nabdeeda somaaliyey cadowga ey leedahay qiyaas maleh. waxan alle e,heen ow kuu maqan maleh dhalin kaa fikireyso wadankiyow malihid odaayal dlka dhabad ku beereyso malihid caalamkane dadaalkiisa kuuma muuqdo allow soomaali dhibaatda ka saar allow adigey ku sugayaan allow dhaga saar dhibaatda allow qalbigooda mid ka dhig allow soomali mideey allow kuwa rabshada wado dhinac nowga saar allow adaa oge

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 3

  9. wiz says:

    Sxb hadee xaquuq talyaniga taalo intaaas million ah oo daafaha ilaa hada wareegaayo ayuu wax siin lahaaa talyaaniga isagaaba baahan oo tuug sanaayo muxuu wax u qabtaa qof qaxooti ah shitt EU wax qalbo waay ogyihiin waayna iska indha saabayaan wlhi

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  10. juungal jeceeloow says:

    Mashaa allah fikrada waxaa loo baahan yahay in laka faaiidaysto maxaa yeelay dadka u baahan in la caawiyo wixii karaankiina ah halaga caawiyo websadkane waan ku xiranahay insha allah waxaan rajaynayaa guuul

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  11. mustafa says:

    runtii somaliska waa meeshaan kala socon jiray waa gii familada la xiray aqbaaraha anigoon swedishka aqoon 4 sano ka hor waa isha somalida cusub iyo kuwii horeba waa inaan xoojinaa wabkaan thanks somaliska

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  12. ali says:

    Asc dhamantina waan iidiin salamay wan aqrin karaa lkn qorita somaliga ayaa i dhibeso ha ila yabin sxb sverige migrationsverket Besöksentre visitors En trance det är bra men

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. abdi wahab says:

    Aad ayey udhaqan galidoontaa waaye dadka familka iyo caruurta madaama usan hesan talyaniga dhaqaale kabikara dadkaas in wadanka ay markaas magangalyo waydiisteen inuu qaato thank s somliska

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  14. UMIRSHAD says:

    waxan aad ugu mahad celinaynaa walaalkeen Jimcaal, ilahay ajar iyo xasanad inu kasiiyo
    macluumadka usoo gudbiyo iyo siduu xil isaga saray webb kan waxan ka fa iday wax badan aanan ogeen.JAKALLAHU KHAYRAN.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. walal dhibane ah says:

    Asc dhamaan walaalaha soomaaliyeed
    Walaal waxan ahay wiil faro ku leh wadanka talyaaniga misan aan kunoolaay mudo sanad iyo labo bilood ah waxaan sweden isk dhiibay bishii 7/4dii waxaa go,aan liga gaaray bishii 9/13dii marka majiraan meel aan ka dacwoon karo maadaama aanan talyaaniga wax xuquuq ama daryeel aanan ka heleen

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. ABDI OMAR says:

    @Aminyare
    walal haddi uu visahaaga dhacsana 6 bilood markaad is dhiibese wuu ka duwanyhy kiiskaadu Dublinka caadiga ah , lkn haddad is dhiibte adigo visahaagu uusan dhacsaneen waxaad la mid tahay Dublinka caadiga ah xagga tirsiga iyo dhinaca walbo .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. ABDI OMAR says:

    @Walal Dhibane ah
    Walal we jiraan lkn wax saas uween kuma qaban karaan haddi aad talyaaniga sharci ku leheed , lkn haddi ay fara bes kaaso qaadeen talyaaniga oo aadan ka heesan wax sharciya xooga we ku caawin karaan ,
    waxa jiro group la dhaho (ingenillegal)
    oo dadka caawiyo wax xooga lacag iyo ine ka caawiyaan ine abukate ku qabtaan waa haddi aadan sharci ku leheen talyaaniga !
    ururkaan waxe ka hool galaan magaaloyinka waaween Sida Stockholm ,Mälmö , Iwm , mar walbo waxaad kala xariiri karta E-mailkooda oo lambarkaada aad uqore iyo waxaad ubaahantahay ine ka caawiyaan , iyaga kuso wacayo .
    (stockholm@ingenillegal.org)
    kaas kala xariir walal
    ana hore utijaabiye waa dad fiican oo jecel ine caawiyan dadka dhiban ,
    Walal waxaan adiga ku heesto aniga hore ii heesteen , marka waan dareemi kara qofka dhibkiisa , waana taas waxa igu kalifayo inan macluumaadkan ogahay dadka usheego.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. xuseen axmed cigal says:

    Asc dhamaan waan salamayaa umada somaliyeed garahn tafa tirayasha somaliska sxb waxan doonaya in laygu cawiyo talo inta laydhamo anigu waxan soomaray dhoowr wadan hadana iswidan ayan kacodsaday magan gelyo dabadeed amgareeshinku diidmuu isiiyay markaa waxaa laygu yidhi maxkamada kadacwood maxkamadiina waxay kusoo racday amgareeshika diid madii uu isiiyay hadana cadsi kale sooqoro ayay igu yidhi maxkamadii iminka jawab ayan kasugayaa maxkamada mid ayaa jirta ilaa hada layma odhan waa lugu celinayaa iska bax oo isdabdr ayaa laygu yidhi kiskayguna hadamaxkamaduu ku jiraa 1yer ayan joogaa intarfayuuna ma marin markaa sxbbayaal waxan donayaa in aad iga siisan wax kusabsan qoxoontiga asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. caqli says:

    WAAYO ARAG KAAS LA BAXAY, MARKAAD KA FAKARAYSO DALKAAGA IYO DADKAAGA, ADIGU MA MADAXWAYNE AYAAD TAHAY, ADEER DANTAADA FIIRSO HADII DANTA AAD LEEDAHAY AAD GAADHAYNA HAKUSOO DHEX HUNQAACIN DADKA DANTOODA KA FAKARAY IYO MUSTAQBALKOODA EE AAN WALI GAADHIN HADAFKOODA, MARKAAN LEENAHAY AAN DANTEENA KA FAKARO UGU HORAYN WAA IN AYNU HORTA TEENA GAADHNAA OO NAFTEENA BAD BAADINAA HORAA LOOGU (MAAH MAAHAY TIISABA DARYEELAA TUKALE KU DARA) MARKAAS MALAHA TAADII AYAAD DARYEESHAYDEE.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. shukri says:

    Asc, walal dhibane ah, walalayaal waxan ahay hooyo kunool wadanka swedan muda 4 sano ah waxaan ku dhalay wadanka labo cunug , waxaan faro kulahaa wadanka taliyaniga waxayna isiyen sharci ay ku shegan genevaha oo qaxotiga waxaan ku nolaa mudo sanad ah wana ku nolan wayay markan imid wadankaa anoo kaligay ah waxan ka helay soo dhawayn iyo nolol aan ku nolado balse imaysan siin sharci markan jogay lix bilod waxay isiyen cafis markii ay taliyaniga wax jawab ah ka wayeen kadibna waxay isiiyen interfiyuugii markan maray ayuu taliyanigii ka soo jawabay codsigii ay u tirtay swedean oo uu iri halasoo celiyo qofkan waxan siyay sharciga qaxitiga kan ugu fican kadi waxaan helay negativ meshan ka sugayay sharci mudo sanad ah ayay igu siyeen sadex diidmo kadib waxaan noqday hooyo cunigaygii kowad markan dhalay ayay i dhaheen waxad ku soo noqotay dablin taliyaniga ayan kuu celinaynaa markan dhahay soo adinkii i cafiyay oo idhahay dablin waad ka baxday ayay igu dhahen qofka sharcigan haysato haysto dablin kamabo baxo cml hadana waxan maqlay in uu sharci kale soo baxay ee walalayaal maxuu arintayda kabadali karaa mahadsanidiin walalaha somaliyeed

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  21. jamaal taher says:

    Asc jimcaalow waxaan ka imid somalia waliba diinsoor adis ababa ilaa iyo sweden toos ayaan u imid waxaan somalia kagasoo tagay xaaskayga oo uur 5bilood ah sanad ayaan sweden joogaa oo diidmo ayay isiisay oo ay leeyihiin sonalia waa nabad xaaskaygaayaa soo tahriibty oo italia lambeduza ku dhashy wiil ayada oo sharci itali wadata ayay sweden iigu timid waan issheeganay markii horeba kaam ayay nadajiyen oo bil kadib waxay isiiyeen didmadii sadexaad xaaskana waxay dheheen wa dublin adigana somalia nabad waaye cunug yarn oo halsano jir ah waan haysanaa maxaan sameeyaa bal ila taliya

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. hassan says:

    Asc bro wan ku salamay waxan ahay inan italy so maray faro bes ayey iga so qaden sharcina kama an so qadan gadib germany ayan imid wan ku celineyna ayey I dhahen wan kaso tagay wadan kala so maray sido kale hadda sedex bil ka hor an imid sweden jawab na ma I sin lkn immigration marka information weydiyay waxey I dhahen codsigada germany ayan u dirnay asigana jawab ka sugeyna ee naga war sug marka ma laga yaba hadey germany iso dido hadana italy la I weydiyo codsi

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. abdirahmaan says:

    Waan idin salaamey dhamaan asxaabta inta dublinka ah iyo onta diidmada qabta xarfaaney aan iska dulqaadano wey nagu dhacdey taneee

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  24. cabdala says:

    asc wr wb jimacle wan kusalamay bro marka hore waxan ahay wiil kunol wadanka denmark waxana faro igaso qaaday wadanka austria denmark waxay idhehen waxan baareyna da,daada wayo mahaysan warqad hadayn ah waxan isku dhiibay 16 jir da,da markay baren waxay idhehen 18 ayad jirta wana ku celineyna marka hada waxan heysta warqad dhalasho o cadeyneysa in an 16 sano jiro lkn madhiibi karo wayo waqtigey ubahnayen man hayn lkn kwrn hadan sweden imaado aana runta ushego in ay denmark iyo austria igaso qaadeen fro aana kunolan wayey warqad cadeyneysa in an 16 jirana wan wata marka may iso celinayan wll tas iga jahil bixi

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. sawda says:

    Asc walaalayal dadka wepkan ku xidhan waxaan idin waydiiyay faro ayaan lahaa wadan kalo yuruba halkan Sweden waxaan iska dhiibay labo jeer markaa marka waan iska fadhiyaa yacni 18 bilod ayaan sugaya hadaba ma markii horaan ka tirsada mise kolkii dambe fadlan igu caawiya waxaad ka warhaysaan jazakallahu qayr

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0