Maxkamada Yurub oo sheegtay in Soomaalida lagu celin karo Talyaaniga

Maxkamada sare ee xuquuqul insaanka ee Yurub (European court of human rights) ayaa go’aan cusub oo ay soo saartay maxkamada-europesheegtay in aysan dhibaato la kulmayn magangalyo doonka faraha ku leh Talyaaniga ee wadankaas lagu celiyo. Go’aanka maxkamada oo ka dambeeyay dacwo ay gudbisay gabar Soomaali ah ayaa culeys ku noqonaya dadka faraha Talyaaniga ku leh ee iska dhiibay wadamada kale ee Yurub qaasatan Sweden.

Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa soo dhaweeyay go’aanka maxkamada iyagoo bogooda ku qoray in ay sii wadi doonaan musaafurinta dadka faraha ku leh Talyaaniga ee iska dhiibay Sweden.

Go’aanka maxkamada Yurub ayaa yimid ka dib markii sanadkii 2010 ay gabar Soomaali ah oo fara ku leh Talyaaniga iska dhiibtay wadanka Holland. Ka dib markii la diiday ayay racfaan u gudbisay Maxkamada Yurub oo bishii April 2013 go’aan ku sheegtay in xaalada dadka Magangalyo doonka ah ee iska dhiibay Talyaaniga aysan ahayn mid adag. Maxkamada ayaa sheegtay in gabadhaan ay talyaaniga ku leedahay sharci degenaansho kaasoo xaq u siinaya in ay hesho adeegyada bulshada ee ay helaan dadka kale ee ku nool Talyaaniga.

Maxkamada ayaa sheegtay in ay baaritaan ku sameeyeen xaalada isla markaana aysan helin dhibaatooyin qaas ah oo talyaaniga ay kala kulmaan dadka magangalyo doonka ah. Si kastaba ha ahaatee, Soomaalida faraha ku leh Talyaaniga ee aan la kulmay ayaa sheeganaya dhibaatooyin balaraan iyo daryeel la’aan ay kala kulmaan talyaaniga.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

11 Responses

  1. sumayo says:

    asc jimcaale walaal ninba mel ayaa udarane baryahan arinti 2da sano waad ka aamustaye wax faah faahin ah maxaad kahaysaa walaal. adoo mahadsan jawaabtaada waa ii muhiim.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

    • Abdi says:

      Dhamaanteyn Ilaajhey ha’inoo wada kaalmeyo, ee asxaabta labada sano qof aqbaar cusub haayo majiraa. Idinkoo aad u mahadsan jawaab inosoo gudbiya qofkii warbixin cusub haayo. Aad ayaad u mahadsantihiin dhamaantiin.

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

      • hanad says:

        abdi anba wax cusub kama hayo arinti 2sano kawaran howlihi hada xage kumarayan maxkmada hadi kuso diiday xage kucelisay apilki bal arintaada kaso waran aniga apilki waa xareyay jawaabta sugayaa isha allaah war khyr qaba rajenaynaa

        U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

        • Abdi22 says:

          Hanad bro abdi kale ayaa igu khaldeysaa sidaas darteed abdi22 ayaanka dhigtay aniga weli maxkamad ayaan jawaabka sugayaa bro. Ilaahey arimaha hanoo wada saqiro dhamaanteyn.

          U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

        • Real Abdi says:

          Hanad wa ku salamaya sxb, Magacii Abdi waaba leegu heeystaa balsi hadaan ka hadlo arinkeeyga maxkamada goteborg ayaa diidmo i soo dirtay ka dibna appeal ayaan kaa qaatay waxaana u gudbiyay maxkamada uugu sareeysa laanta socdaalka ee migrationsoverdomstolen ku taalo stockholm. hada 2 bil ayaan ka sugayaa jawaab welina wax aqbaar kama haayo. kheer allah ka keeno. Yaa wax ka haya akhbaar ah maxkamada stockholm yaasa u gudbay heerkaas. waxaana ka mid ah asxaabta 2 sano . waad mahadsantihiin.

          U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. xuseen says:

    sxb sheekadaan maxkamada ma samaynaysaa 18bilood ama sanadkii iyo barkii mise waa dadka aan sanadka iyo barka aan tirsanin sxb fadlan taas iga so jawaab

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. xuseen says:

    sxb jimcaale adiga ayaan jawaabta kaa sugaynaa 18bilood iyo maxkamada inay shaqo isku leeyahiin iyo inkale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. saxar diid says:

    jiimcale walla jabba ka rabba dadaka 18 biletka oo ka dhitay ma sameyana shiiarakan yurab dubalan ama shaqo kumalho jabba walla adiago mahsan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. saxar says:

    jiimcale walla jabba ka rabba dadaka 18 biletka oo ka dhitay ma sameyana shiiarakan yurab dubalan ama shaqo kumalho jabba walla adiago mahsan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Real Abdi says:

      Hanad wa ku salamaya sxb, Magacii Abdi waaba leegu heeystaa balsi hadaan ka hadlo arinkeeyga maxkamada goteborg ayaa diidmo i soo dirtay ka dibna appeal ayaan kaa qaatay waxaana u gudbiyay maxkamada uugu sareeysa laanta socdaalka ee migrationsoverdomstolen ku taalo stockholm. hada 2 bil ayaan ka sugayaa jawaab welina wax aqbaar kama haayo. kheer allah ka keeno. Yaa wax ka haya akhbaar ah maxkamada stockholm yaasa u gudbay heerkaas. waxaana ka mid ah asxaabta 2 sano . waad mahadsantihiin.

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. awdheere says:

    asc salaan kadib walaal jumcaale arinkii 18ka biloos wax kama jiraan miyaa maadaama go,aankaan maxkamada yurub ay soo saartey go,aankaan cusub mise tii 18ka bilood meesheedi ayay ka socota?.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0