Maxkamada Yurub oo xukuntay in aan Soomaalida la celin

16

Maxkamada xaquuqda aadanaha u qaabilsan midowga Yurub ayaa xukuntay in haddii Soomaalida lagu celiyo Soomaaliya ay jabineyso xeerarka Yurub, ka dib markii labo nin oo Soomaali ah oo Ingiriiska laga tarxiili rabay ay u dacwoodeen maxkamada. Ingiriiska ayaa qorsheynaya in 214 qof oo Soomaali uu dalkiisa ka saaro. 

Labada nin ee kala ah Abdisamad Adow Sufi iyo Abdiaziz Ibahim Ilmi ayaa labadu waxay ku jiraan xabsi ku yaala Ingiriiska iyagoo sugaya in la tarxiilo, ragaan ayaa mid soo galay Ingiriiska 2003 halka kan kale uu yimid 1988. Abdisamad ayaa sharciga loo diiday ilaa 2003 halka ninka kale uu leeyahay sharci.

Labadaan nin ayaa lagu eedeeyay in ay dambiyo kala duwan ka galeen Ingiriiska sida dhac, hanjabaad, daroogo iwm ayaa dowlada Ingiriiska amartay in dalka laga saaro. Maxkamada Yurub ayaa amartay in si ku meel gaar ah aan ragaas loogu celin karin Soomaaliya.

Maxkamada ayaa go’aankeeda ku sheegtay in haddii ragaas lagu celiyo Soomaaaliya qaasatan Muqdisho ay nafsadooda halis gali karto ama xaalad bani,aadanimo oo xun ay gali karaan. Maxkamada ayaa sheegtay si kastoo ay dambiileyaal u yihiin ragaan in aysan hadana sax ahayn in lagu celiyo goob ay nafsadooda qatar gali karto.

Maxkamada ayaa ugu dambeyntii ganaaxday dowlada Ingiriiska 22,000Euro taasoo iska magac u yaal maadaama aysan ragaan codsan wax lacag ah. Kiiskaan ayaa tusaale u noqonaya guud ahaan wadamada Midowga Yurub oo ay ku jirto Sweden oo tarxiil ku sameysa dadka dambiilayaasha ah ee wadamada kale ka soo jeeda balse ilaa hada aan Soomaalida celin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here