Maxkamadaha socdaalka oo go’aanada si kala duwan u gaara

Ka dib go’aankii maxkamada sare ee soo baxay bishii Januari 2012 ayay Laanta Socdaalku ku dhawaaqday in la fududeeyay mideynta qoysaska Soomaalida. Balse hada ayaa waxaa soo baxday in maxkamadaha Socdaalku aysan isku fikrad ahayn.

Tusaale ahaan maxkamada Socdaalka ee ku taala Stockholm iyo mida ku taala Malmö ayaa si kala duwan go’aan uga gaara kiisaska. Maxkamada Malmö ayaa la sheegay in aysan shuruud ku xirin dadka oo marba haddii arintu ku saabsantahay caruur iyo waalid Soomaaliyeed ay toos ugu soo celiso Laanta Socdaalka. Dhinaca kale, Maxkamada Stockholm ayaa si kale u fasiratay arinta oo qofka marka horeba ka doonaysa in uu cadeeyo in uu waalidka dhabta ah yahay ee caruurta, taasoo keentay in dadka inta badan ay diidmo siiso.

Xaakimyada ka hawl gala maxkamada Stockholm ayaa la sheegay in 3 meelood labo meel ay diidmo bixiyaan haddii uusan qofku cadeyn karin in uu caruurta masuul ka yahay, Malmö ayaa 3 meelood labo meel waxay bixiyaan ogolaasho. Arintaan ayaa ka yaabisay dadka maadaama go’aankii maxkamada sare uu ahaa mid iska cad isla markaana Laanta Socdaalka ay soo saartay dhaqan galin. Dadka arintaan haysato ayaa ah dadkii racfaanka ka qaatay go’aamadii hore ee kiisaskoodu ay yaalaan Maxkamada.

Muhiimada ayaa ah in qofka ku nool agagaarka Malmö ee racfaanka xareystay ay uga fududahay in la aqbalo kan Stockholm ku nool. Kala qeyb sanaanta Maxkamadaha ayaa cadeyn u ah baahida loo qabo in la helo sharci guud oo uu soo saaro baarlamaanka balse taas waa midii la joojiyay.

Dadka xareystay dacwada cusub ka dib go’aankii Maxkamada Sare ayaan iyagu u baahneyn in ay ka walwalaan arintaan balse haddii ay dhacdo in Maxkamad loo diro ayaa rajadu ku xirantahay halka aad ku nooshahay agagaarka Stockholm ama Malmö.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

44 Responses

  1. juun says:

    asc dhamaan gaar ahaan bahda wabseedka salaan kadi waxaan ilaah kabar yayaa in uu arimaheena kala fuddeeyo waab ku wareeray sxb jimcaale aniga waxaan ku noo lahay vänersborg ee labada magaalo keebaan raac sanahay jimcaale adigaan kaa sugayaa jawaabtaa qeer ayaan idiin dhaafay dhamaan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      3 maxkamadood ayaa qaabilsan arimaha Socdaalka oo kala ah

      Förvaltningsrätten i Stockholm
      Förvaltningsrätten i Malmö
      Förvaltningsrätten i Göteborg

      Waxaan filayaa magaaladaada in ay qaabilsantahay Göteborg.

      U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  2. maxamed says:

    asc
    walal jimcale waad salamantahay sln kadib
    walal waxa nagu maqal ah in safaarada sweden ee nairobi kenya la fure walal maxaa war ah oo kahaysaa
    wana mahadsantahay
    walalkis

    wcs

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  3. hani says:

    Asc walaal jimcaale kiiskeyga waxooyaalaa maxkamada göteborg anagana ma sida stockholm ayaa nahay bro iisoo jawaab

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  4. hooyo says:

    wanku salaamay jimcaale hoyo waxaad igaso jawabtaa anigu waxaan haystaa basboor itobiyaana waxanan jogaa malmö ilmahayjuna waxuu ku dhashay somaliya waxaanay igu idhaah deen qoxonti lama mid aha imahagu walina jawaab hagaagsan imaysiin maxaan yelaa iso jawaab khayirbaan ku dhafay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Abdirahaman sheikh dahir (wasiirka) says:

    Asc dhamaantiina Marba wax baa so baxaayo marka wan ku wareernay waxii kheer ah allaah na soo aadiyo

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. KHAYR SHEEGE. says:

    dhamaanteen ilahay hanoo soo fududeeyo bro.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Daadaa says:

    Asc walal jimcale ma jeclen inan su’al ku weydiyo wayo waxad so qorta wixi fikrad kala bixi jiray bal su’ashan wan ka marmi wayay magalada göteborg xage lagu tirina ama maxkada qabilsan go’an keda ugoniya la suga fadlan wa imuhim walale jawab ayan ka suga jimcale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. boqorka says:

    jimcaale walaal dadkan usoo jawaab intaadku dhanto

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  9. dhabo says:

    jimcaale waxaa soo baxday arin muhiim ah in migrationkii dadkii isku diro waxa dhawaan yimi nin xaaskiisi keenta oo qarabadayda ah ka dibna markuu sidaas u yimidba migrationkii ayaa u yeedhay labadoodiiba waxayna ku yidhaahdeen gabadhii ninka lacag 10.000§ ah ayaad ka qadatay kumana qabo waanan kala noqonaynaa sharciga waxaana no sheegay qof cadawgaaga ah markaa waxay waydiiyeen suaalo yaryar siduu u yimid iyo waxaas markaaa anaga na sugay ydihaahdeen wixi jawaab ah ilaa laba usbuuc waana wax ay iyagu samaysan yaaan oo ay hor degayaan dadka is dhiiba ninkuna waa xaaska ninkeedi haba yaraatee wax been ahi kuma jirto kiiskooda walaal gefkaas somalida loo geystay ,maxaad talo naga siin maxkamada ma u dirna xita haday yidhaahdeen wan idin daynay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  10. dhabo says:

    daaadaa jawaabtaadu walaal waa basiid adiga gotebarg waxay leedahay maxkamad la awood ah ta malmo iyo stockholm indkay aya ka dacwoon jirey iyada awood u leh hawlaheeda laakiin waa meesha ugu adag dad keenista afar sano ayey wiiilkaas dhiabayeen oo u keni waayeen ilaa hadana may keenin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. hasan dheere says:

    kkkkk waa ciyaarteey wadeen ilaa laba sano waligoodna waa wadayaan ilaa umadu ka fahanto ujeedada dhabtaa aay dadka umawelinayaan malinba wax kale ugu kenayaan waayo waaxay rabaanba waa in wax hagaaginba asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. ramla says:

    waad salamantihin dhamaan somaliweyn and webka HASAN walal waa macqul hadane ma waxaay keneen maxkamadaha ayaa kala go. aan ah alah dadka waxii u qeer ah ha waafajiyo

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  13. Raaqia says:

    asc wall jimcale iga gudoon salan qaalia oo walltinimo
    wall aniga caruuraydu waxay jogan adis markaa waxaa laga qaday( D N A)
    HOLOW MARKA ARINTODU WAXAY OQONKARTA WAX FIKIRA MAKA HAYSA JZKLH

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. dhabo says:

    waxa fiican wax muhiim ah in la waydiiyo ninka jimcale la yidhaahdo wixii kalena dadku fekerka is dhaafsadaan waxa jirta waxyaabo badan oo inagu aynu iska qancin karno markaa arintan ah in dadkii la hor dego oo la yidhaahdo qof cadwgaaga ah ayaa sheegay inaan qofkad keentay ninkaagii ahayn inuu ka jawaabo qofkii feker haya ayaa fiican waa arin anfacaysa dadka somaliyeed hadaan lais dhego tirin anaguw ana dhafi karnaa laakiin dad badan oo kala lagu deyaya hadaynaan ka wada tashan arinkan wabilaahi towfiiq wasalama calayku rayi danbena idinma waydiin doono walaa jimcaale walaa dadka kale ee meesha ku jira bye all

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. sucaad says:

    asc waad salamantihiin dhaman tiin inta komentiga iyo jimcaalaba hadaan arinta dahabo uga waramo way dhacadaa arintaasi dahabo aniga shikhsi ahaan bay igu dhacaday arin tani qofbaana u tagay migration oo u sheegay waana arin dhaca

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Saredo says:

    War maanaa waalaan mise cadan baalaga heesayaa kkkk maxaa layidhi

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. shukri ugaaso says:

    jimcaale waad mahadsan tahay ilaahayna qeyr haku siiyo Aamiiiiiiiiiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. Marwaan ahmed . says:

    adis ayaan joga qaasatan [haayaaraa ] ogolaasho ayaa leysiiyay . Aniga lee farxad inaan biibo lee iidhiman-

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. deeqa says:

    marwaan walaal dadlka hawaalin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. Run Sheeg says:

    waa salaaman tihiin dhamaan oo jimcaale madax ka yahay teeda kale aniga ayaa war idin haayo oo sugan walaahi waxaan joogaa magaalo u dhow stockholm Västerås waxaa jornalada lagu soo qoray arbacadi in 400 oo somali ah iney soo socoto iyo waxaa lagu sooo qoray inta tuulooyin u dhow somalida tirada saxda ah ey imaaneeso tan kale wiil kale oo aan qaraabo nahay oo aniga u turjamay ayaa balan shalay uu lahaa arbetsförmedling ayuu balan kulahaa kadib waxaa lagu yiri caruurtaada wey imaanaayaan iyo kuli waxii caruur kamaqan laakinse walaahi waxaa lagu yiri wax walbo wey dhamaadeen laakin dhibka jira ayaa waxuu yahay dowlada weli lacakta ma soo shubin miizaaniyada intaas ayaa loo xeyiranyahay waxba yaalees kuma shquulin bisha 7aad ayaa mizaaniyada lasoo shubaa oo lacakta weyna bilaawaneysaa isla markii wabilaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. ramla says:

    RUN SHEEGE qeer baad sheegtaye jizaaka allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. bushra xaaji says:

    a slaamu caleykum .dhaam maxkamadaha miyesan ku shaqeen hal sistem maxaa mise qof walba si ayuu u shaqeyaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. maida says:

    asc wr wb walal marka hore wanku salamay mar ka xigta walal waxan qabaa hal su.aal adigo raali ah waxan ku noolahay agagaar ka stockholm waxa dacwaday du jirta maxkamada ugu sareysa ee socdaalka ayaduna maku jirta mise waa tan marka hore loo qaato racfaanka jwb fadlan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. faisal best says:

    waa idin salaamay dhamantiina walal ani waxaa joogaa ethiopia gaar ahaan booley walal safaarada wee bilowday lkn wali dad lama siinin ogaasho waxee qaadoosa DNA waxaa week ga hore baxay yar aa sxbo nahay waxoona ku xareestay passapor ethiopian marka qofka heesato passapor ethiopian wee ufududahay walal marka gaal waxoo diidi karo ama dhiibi karo malahan kasoo qaadka allaa leh ilaah hanoo wada fududeeyo dhamaanteena aamiiin aaaaaaaamiiiiiiiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. shiiqunnaa says:

    sxb waa salaamantahay koping xaggee ka tirsantahay [shaping]

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. Abdirisakh says:

    Asc dhaman walalaheyga qaliga su:aal ayan qaba mr jimcale waxan maqlay safarada sweden e kutala addis ababa iney bilaben bixinta basaborada walal arinta naga xaqiji maxa kajira ado ralli ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  27. zahro says:

    asc dhamantiin wan idin salaamay waxaan qabaa sual waxay maxkamada iisoo dirtay warqad warqadii waxaan ugeeyay naanktakashaqeysa kaamuunka waxey ii sheektay iney dacwada nin keyka xirantay oo an hadasoo bilaabayo warqadana markii dib leyku aqriyayna waxaa kuqornaa iney dacwada furantahay 3 isbuuc oo ninkeyka kusoo dacwoonkaro hadana waxaa kasoo wareegtay 3bilood qaladkaas walaal jimcaale maxaan kayeelaa ila sootali waxaad ika xaladaas ookale kaoktahay waxaan jeclahay sida iku dhaqsaha badan inaad iku soo jawabto macsalamo,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  28. Abdulkadir says:

    Asc dhaman waxan joga adis xafada adi safar safadu waxay u shaqeynaysaa si xowli ah DNA ,passpor bixin iyo form xareynba waa ka soco, waxaan la hormarinay carurta qaan gaari raba iyo kuwa walidkood la socon marka halkan shaqadaas ayaa ka socota

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  29. Kaftan says:

    A/s/c/ dhamantin walalaha musliminta ah wan idin salmay ? Wax yar ayaa idin shegayaa swedan iyo gaalo yaa lagu mashquulin ee alle hana waafajiyo tubta toosan haduu qeyr idinku jiro alle hadiin fududeyo aaamin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  30. jimcale ma ahan says:

    Arimaha alaha fududeyo waxa nixaqijin karaa safarada adis ababa in basaboro bixis bilowday dadna kasobexen

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  31. beyzaaaani says:

    asc
    jimcaale ebow dadka koriska ah oo safaarada intee xirneed ku dhaxqaan gaaray maxad nooga haysaa taas waan ku wareernay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  32. maida says:

    asc walalayaal dhamantiin iyo jimcale walal waxan ku wareray hal arin marka fadlan iiga sojawaba waxa lay siiye diidmo labo jeer waxa hada kiis kaygu jira kammaret marka miyan xareynaya hada foom cusub mise ayaga ayan ka war sugaya walal kammaret ku muxu yahay ma maxkamada ugu sareysa lanta socdaalka fadlan qofka iiga jawabo wan u mahad celin lahaa wsc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  33. naana says:

    walal maida aniga xataa sidas oo kale ayaa ii heysato marka dacwada markan wacay foom cusub maan soo xareyane waxey igu dhaheen looma bahno’

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  34. maida says:

    asc walal naana aniguba wan wacay waxay na i dhaheen wali go.aan ka ma gaarin ee waan ku sojawabayna sida ugu dhaw waqti kuma qaban karno marka walal waxan ka baqay in ay waxba tareyn waqtiga iga dhumiyan fadlan fikrad ii sodira

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  35. fatima says:

    maida walaal hadaan fikrad ku siiyo waxaan ku oran lahaa ha deg degin ee ka war sug aniguba waan ka war sugaayaa koleey hooshu waa bisha 7

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  36. naana says:

    TO maida aniga waxe i dhaheen intaan fasax lagelin bisha 6aad ayaan kusoo jababeyna marka ilaah hano fududeyo walaashis

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  37. maida says:

    fatima wala wad ku mahadsantahay fikradada wanagsan walal adigu ma kammaret aya dacwadadu jirta macanto wan sugaya ialahay hanoga sooqado dhamanteen walal jawab

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  38. maida says:

    naana walal anigu waxay iyirahdeen bishii 3 aad dhiig diyar ma utahay waxana iri haa waxay igu sojawaben maxkamada ayaa go.aan ka garayso in dhiig laga qado kadib waxan wacay bishan waxay iyirahden wali go.an kama garin sida ugu dhaw ayan kugu sojawabayna

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  39. naana says:

    insha alaah walashis ha dag dagin ilaah sida wanaagsan hana wa fajiyo ilaah oow ladena aanago cafimad qabno iyo ayago cafimaad qaban ha isku keen keeno

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  40. fatima says:

    naana majoogtaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  41. tanabalaa says:

    Walaal waa fikrad laakiin yaa waxwara kahaya safaaradii nairobi in lafuray iyo inkale seese wax uuga bilaabmi doonaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  42. korowrooga says:

    asc sewdhan maraba mela hano rato maraka xiagane waxa la qariayo quaran ba kujiara e warka iska cadeso waxaba melo hano soo marin goablada sewidhan waa isku mid midne gonka sax kam dhigto midne qalada kam dhigto ee warkina cadesata

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0