Mehmet Kaplan oo lagu qasbay in uu is-casilo

Wasiirka Guryaha Sweden Mehmet Kaplan oo ah nin Muslim ah ayaa maanta lagu qasbay in uu iska casilo xilkii uu ka yahay dowlada Sweden, ka dib markii isbuucyadii la soo dhaafay ay dabagal ku sameeyeen saxaafada Sweden kuwaasoo abuuray fadeexado been-abuur ah si ay cadaadis u saaraan in uu iscaslio.

Mehmet Kaplan oo ah nin asalkiisa ka soo jeeda Turkey ayaa waxay saxaafada Sweden soo qoreen isbuucii hore in uu ka qeybgalay xaflad casho oo loo sameeyay nin xagjir ah oo ka soo jeeda Turkey. Kaplan ayaa ku dooday in uusan la socon cida ka soo qeybgalaysay xaflada balse uusan ku fikir ahayn ninkaasi.

Shalay ayaa sidoo kale wargeyska SvD waxa uu soo qoray in Kaplan sanadkii 2009 isaga oo ka qeybgalay xaflad ay soo abaabuleen urur Soomaali ah uu halkaasi ka jeediyay hadal uu isku barbar-dhigay dowlada Israel iyo kacdoonkii Naziga ee Germany ka talin jiray. Kaplan ayaa kulankaas ka sheegay in Israel ay hadda ula dhaqanto Falastiiniyiinta sidii Naziyiintu ay ula dhaqmi jireen Yuhuuda.

Hadalkaasi ayaa ka careysiiyay dad badan oo ay ku jidho wasiirka arimaha dibada, taasoo hadda u muuqata in raysal wasaaraha Sweden uu ku raacday dad kale. Saakay ayuu Kaplan isaga iyo Raysal wasaaraha ay war-saxaafadeed qabteen kaasoo uu ku sheegay in uu iscasilay balse waxaa iska cad in lagu qasbay oo uu Stefan Löfven dalbaday in uu iscasilo.

Mehmet Kaplan ayaa ilaa maalintii loo magacaabay xilka waxaa dabagal iyo cadaadis ku haayay dadka Islaamka iyo Muslimiinta neceb maadaama uu yahay nin Muslim ah oo diintiisa ku dhagan.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 24

  2. luul says:

    asc
    warsame maxaa laguu yiri warxume ayaaba tahaye yaad ka soo horjeedaa warkaagu aad ayuu u qalafsan yehee ma diidta ayaad diidantahay mise ururka islaamigaa ayaa cariiri ku geliyey

    Fikrad lala dhacay Thumb up 18 Thumb down 1

  3. Fatima says:

    Inshaallah waxii islaam ah kor galadana hooos yaarabi

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 2

  4. marwo says:

    asc dadka qarkoda waxaa dhiba diinta la shego weyka baxday waqtigi ashunka lagu adimi jiray waa jib in diinta la fafiyo weyka weyntahay wax la qariyo diinta adiga waxaa doonesa in la qariyo miya ma dhaceyso ee alle haku soo hadeyo

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  5. Horta somaliyey nooca uu u hadlay ninkani wata warsame waxba unlike ha siinina waa wax uu ku doonayo inu tuso dadkuu ka hoos qaraabto uuna lacag uga qaato marka kuwano badan baa jira ogaada qiima ayaad u yesheen markaad aqrisan misna ka fal celisan war kuwan yasida ka badan hala yaso wax fal celin yan lo sameyn lala yaaba la siin wax preority ah waa in laga so qaadaa wax aan jirin waan arkey meelaha ay wax ku qpraan daadku falcelnta ka sameyan bey screenshot ku sameystaan si ay isaga dhigan in lagu dilayo fikradahoda marka waxani allaha naga qabte adinkana u gaabiya mamulka webkana waxani iney caadi yihiin fikradahani yaan loo bisleyn oo horey ka delete gareya totally

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  6. Xadiis says:

    Warsame adiga islaamka dadka ah miyaa ku dhibaya afkada waxaa KA dhamaa la muslimiinta aad dacaayada u radinayso marka adiga muslim må dacaayadeyn kartid ee wax iskula har islaamka xag jir maaha soomaalidana xagjiriin maaha islaamka waa diinta kaliya ee xaq ah ee aduunyada jirta

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0