Mid ka mid ah boqortooyada Sacuudiga oo ka goostay qoyskiisa

Mid ka mid ah qoyska boqortooyada Sacuudiga oo lagu magacaabo Khalid Bin Farhan al-Saud ayaa sheegay in uu ka baxsaday Saudi prince announces defection from royal familySacuudiga iyo qoyskiisa isagoo sheegay in uu u adkaysan waayay dhibaatada ay reer Sacuud ku hayaan shacabka iyo diinta ay beenta ka sheegayaan.

“Waxaan si sharaf leh ugu dhawaaqayaa in aan isaga baxay qoyska reer Sacuud, maamulka ka jira Sacuudiga Carabiya ma ahan mid ku dhaqma diinta Ilaahay iyo sharciga wadanka ee waxay raacaan danaha shaqsiyaadka. Waxyaabaha ay ka sheegayaan diinta waa been waxayna isku muujinayaan in ay sharciga Islaamka raacaan” ayuu ku yiri warsaxaafadeed uu soo saaray Khalid Bin Farhan al-Saud.

Waxa uu ugu baaqay shacabka sacuudiga in ay ku kacaan dowladooda isagoo sheegay in ay ka mid noqdaan mucaaradka. Waxa uu sheegay in isaga shaqsi ahaantiisa xitaa dhibaatooyin loo geystay isla markaana ay jiraan dhibaatooyin waaweyn oo qarsoon oo reer Sacuud ay u geystaan wadanka.

Warbixinta waxaa qoray qaar ka mid ah warbaahinta caalamka sida kuwa Turkiga.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

3 Responses

  1. Amina says:

    Asc yaa dhaha casirkina ha iska cidaynin kacdoon haku qusta suriya iyo anag oo 23 kujirney fowda waa hakii sheekh Mohamed idiris dawlad dacif ah
    waxay dhantaa dawlad la, aan waxay donto hawshaqayso waxan dhihilahaa iska daya inta tan ilaah ka imanayso

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  2. abdulaziz says:

    kacdoon kulahaa danahiise markuu kawaayi ayuu kacdoon leeyahay fawdo iyo qas waa la arkay waxey kudanbeysay dunida carabta qax iyo bur bur ..hadii kacdoon kadhaco meeshaas UMADA XAJKA IYO CIMRADA SIDEE UGUDANAAYAAN

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. Ciida ciise says:

    Sucuudi Carabia in maamul aan cadaalad Ahayn ka jiro shaki kama taagna in uu kacdoon shacab ubaahan yahayna waa sax laakiin intaan la sameyn waa in cidii maamulka qaban lahayd laga sii fekeraa hadey noqdaan Kuwa kuwan ka liita waa khasaaro hadiise maamulka tabliiq la wareegi dooonaan waa guul

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0