Midka mid ah ragii lagu xiray denmark oo xiriir la lahaa rag Somali ah

0

Mid ka mid ah ragii isbuucaan lagu xiray denmark ka dib markii la sheegay in ay qorsheynayeen weerar ay ku qaadaan wargeyska lagu magacaabo Jyllands-Posten ee soo daabacay kartoomo aflagaado ku ah nabi Muxammed (scs) ayaa la sheegay in uu xiriir la lahaa 2 wiil oo Soomaali ah kuwaasoo bishii la soo dhaafay maxkamadi ku xukuntay min 4 sano oo xarig ah ka dib markii lagu eedeeyay in ay qorsheynayeen weeraro argagixiso oo ay ka geystaan Soomaaliya.

Muniir Awad oo 29-jir ah kana mid ah ragii lagu xiray Denmark ayaa la sheegay in ay isku qol deganaan jireen magaalada Stockholm labada wiil ee lagu kala magacaabo Ilyaas Bile Maxamed iyo Maxamud Jamac oo hada xabsi ku jira.

Dhinaca kale, mid ka mid ah ragii lagu xiray denmark oo ah nin ciraaqi ah oo sharci ka sugaya denmark ayaa la siidaayay ka dib markii lagu waayay wax cadeyn ah, asagoo sheegay in uusan wax dambi ah lug ku lahayn.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here