Midnimada Muslimiinta, Kiristaanka iyo Yuhuuda Malmö

16

Dhawaan ayaa magaalada Malmö waxaa looga dhawaaqay urur ay ku mideysanyihiin Muslimiinta, Kiristaanka iyo Yuhuuda ku dhaqan magaaladaasi.

Ururkaan oo loogu magacdaray Agora ayaa la sheegay in uu ka shaqeyn doono isku soo dhaweynta bulshada ku dhaqan magaaalada Malmö oo ah goob aad u kala xiran rabshadahana ay ku badanyihiin. Ururka ayaa waxaa ku mideysan xarunta Islaamiga ee Malmö, kaniisada Västra Skrävlinge församling iyo ururada Yuhuuda.

Bejzat Becirov oo ah gudoomiyaha xarunta Islaamiga Malmö ayaa mar uu ka hadlaayay ururka cusub waxa uu yiri “Bulshadu waxay ku dhisantahay diin, midey rabtaba ha ahaatee. haddii qofku uu diinta banaanka ka yahay macnaheedu waa in uu bulshada banaanka ka yahay”.

Ururka ayaa sheegay in ay sidoo kale ka shaqeyn doonaaan ka horta naceybka soo galootiga, dadka laga tirada badanyahay iyo wacyi galinta dhalinyarada Malmö.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here