Midsommar soomaalidu maka qeyb gali karaan?

Ciida midsommar waa mid si weyn looga maamuuso dalkaan Sweden oo ku beegan 21 bishaan Juun oo ku aadan sabtida. Soomaalida qaar ayaa ka qeyb qaata dabaaldaga maalintaan iyadoo iskuulada SFIga ay bilaabeen in ay dadku ku baraarujiyaan ka qeyb galna maalintaan. Hadaba warbixintaan waxaan ku eegeynaa taariikhda maalintaan iyo sababaha ka dambeeya.

Midsommar waa caado soo jireen ah oo laga maamuuso wadamo badan oo Yurub ah sida Sweden, Norway, Finland , Denmark iyo wadamo badan. Caadadaan ayaa dhinac waxay xiriir la leedahay diinta Kiristaanka oo lagu maamuuso xasuusta nabi Yaxye. Dhinaca kale caadooyin badan oo la sameeyo ciida midsommar ayaa waxay xiriir la leeyihiin dhaqamadii acraabiga ee ka horeeyay inta aysan diinta Kiristaanka soo gaarin Sweden.

Ka hor 1953 midsommar waxaa loo dabaal dagi jiray 24 bisha Juun balse waqtigaas ka dib waxaa loo wareejiyay jimcaha iyo sabtida u dhaxeeya 19-25 Juni. Galabta jimcaha ee ka horaysa sabtida ayaa waxaa loo yaqaan (Midsommarafton) halka maalinta sabtida ee ku beegan maalinta midsommar loo yaqaan (Midsommardagen). Ciida midsommar ayaa ah ciidaha ugu muhiimsan Sweden oo la dhihi karo waa ciida keliya ee dhaqankeeda Swedishka yahay marka la eego qaabka loo dabaal dago.

Dabaaldaga weyn waxa uu dhacaa galabta jimcaha iyadoo ay isku soo ururaan familka oo dhan halkaasoo ay soo ururiyaan ubaxyo iyagoo dhisa tabeelo ay ku wareegsadaan iyagoo ciyaaraya. Marka ay ku wareegsanayaan tabeelaha loo yaqaan (midsommarstång) ayay hadana waxay dhageystaan heesaha iyagoo madaxa ku xirta ubaxyo. Goobtaas ayaa lagu cunaa baradhada iyo qudaar kale isla markaana aad ayay dadku u cabaan khamriga.

Waqtigaan midsommar ayay Swedishku waxay aaminsanaayeen waayihii hore in uu wanaagsanyahay nasiibka iyo sixirka iyagoo dhalinyaradu qaasatan gabdhaha ay soo ururiyaan ubaxyo kuwaasoo ay hoos dhigaan barkinta ay ku seexanayaan, iyagoo rajeynaya in habeenkaas ay ku riyoon doonaan qofkii guursan lahaa. Waxay kaloo aaminsanyihiin in waqtigaan caafimaad la helo iyo dhaqaale.

Marka laga reebo caadooyinka ayaa maalinta Midsommar waxay ku beegantahay maalinta ugu iftiinka dheer ee aduunka, waqtigaasoo ay qoraxdu joogto dherarka ugu sareeya.

Sawirada aad ku aragtaan mowduuca ayaa ah Soomaali la barayo sida loo dabaaldago midsommarka magaalada Borlänge ee gobolka Dalarna.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

1 Response

  1. Faa,id says:

    wAX QASAB KUGU AH MA JIRTO OO DIINAADA KA HOR IMAANAYAAN. hADAY CIID AMABA DABAAL DEG U TAHAY ANAGA DABAAL DEGEENA IYO CIIDEENA WAXAY GO,AAN SADEEN DADKA WAAWEYN INAY SFI GA KU HAYAAN WAXAAN XUSUUSTAA XILIGII SFI INAAN MACALIMADENA KA DHAMEYSANAY INAAN CIIDNO MAALINKAAS OO ISKOOLKA IMAANO 10.00 SUBAXNIMO ILEYN BEENTANA WAAN U DIIDANEYN MACALIMADEENA DIINTEENANA MA AANAAN QARSANEYN WAANA CIIDNAY ISKOOLKIINA WAAN TAGNAY BEENE MA AANAAN SHEEGIN. WAX BADAN OO QALDANA WAA KAA DHACAYAAN WADANKAAN MAAHAN WADAN DIINTA ISAAMKA KA MUUQATO OO DHAQAN U LEH LAAKIIN NIYADA ADKEYSTA OO DIINTIINA KA RUNSHEEGA. UAMADAANA HADAL MACAAN IYO DHOOLA CADEYNTA U WADA HADAADBA RABTAAN NACEEE. DANTA GUUDNA WAA NAGA DHAXEYSAA KUWA U DHASHAY IYO ANAGABA INAAN KU WADA NOOLAANO SI NABAD AH.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0