Migrationsverket: “Labo sano waa in aad wada noolaydeen”

93

Ka dib markii la furay mideynta qoysaska caruurta leh ee Soomaalida ah bilowgii sanadkaan ayaa dad badan waxaa farxad galiyay arintaas balse hada ayaa waxaa soo baxaya in qaar badan oo ka mid ah dadkii dacwada xaraystay diidmo la siiyay.

Arinta ugu qatarsan ee ka hoos baxday dad badan ayaa ah shuruud la socotay dadka la midaynayo oo ah in qoysku uu yahay mid horay u dhisnaa. Arintaan ayaa lagala jeedaa in xaaska iyo sayga isdalbanaya ay horay u wada noolaayeen ugu yaraan 2 sano. Xitaa haddii ay caruur leeyihiin ayaa shuruudaan ay tahay mid aan la dhaafi karin.

Sidee ku ogaanayaan Laanta Socdaalku mudada aad Somaliya ku wada noolaydeen? Jawaabta waxay ka helayaan hadalkii adigu aad sheegatay, haddii aad sheegtay in saygaaga ama xaaskaaga aad labo sano ka yar wada noolaydeen hadalkaaga ayay kuu raacayaan. Haddii aad Afrika aaday oo aad soo guursatay oo caruur laguu dhalay iyaduna waa la mid.

Hadaba haddii aad qoratay in adiga iyo xaaskaaga/saygaaga aad Somaliya ku wada noolaydeen mudo ka yar 2 sano ayaa taasi macnaheeda yahay in Laanta Socdaalka ay diidmo siinayso qofka nuucaas ah, xitaa haddii DNA laga qaado oo ay caruur leeyihiin. Arintaan ayaa ka yaabisay Soomaali badan oo maalmihii la soo dhaafay ila soo xiriiray.

Si aan u raadiyo xog dheeri ah iyo haddii uu jiro xal ayaan la xiriiray Laanta Socdaalka balse waxay ka gaabsadeen in ay ii sheegeen wax ka dheeri ah faahfaahin shuruuda. Waxaa sidoo kale i saaciday Lena Rösell oo ka tirsan ururka lagu magacaabo Sociala Missionen ee u dooda arimaha qaxootiga.

Lena ayaa xiriir la samaysay Laanta/maxkamada Socdaaalka bal si ay wax uga waydiiso haddii ay jiraan wax laga qabanayo arintaan. Asxaabteeda ka shaqaysa maxkamada ayaa sheegay in aysan hada jirin wax dacwad ama go’aan ah oo ku saabsan arintaan oo maxkamadu ay hawsheeda hayso.

Dadka qaar ayaa qortay in hal sano iyo bar ay wada noolaayeen, iyagoo ay 6 bilood oo keliya ka dhimantahay in ay labo sano buuxiyaan. Arintaas ayaan waydiiyay Lena in ay macquultahay haddii xaaska ama sayga ay u safarto Afrika oo ay 6 bilood la noolaato saygeeda labo sano ma u buuxsami kartaa? Xiriirkii ay la samaysay Laanta Socdaalka iyo Maxkamada Socdaalka ayaa loo sheegay in aysan sheekadu sidaa ahayn ee loo baahanyahay in reerku ay 2 sano oo aan kala go’lahayn ay wadankoodii ku wada noolaayeen.

Shuruudaas ayaa meesha ka saaraysa wax xal ah oo loo heli karo arintaan. Waa macquul in mustaqbalka ay Laanta Socdaalka iyo Maxkamadaha Socdaalku wax ka badalaan shuruudaan adag oo meesha ka saaraysa qoysas badan oo caruur leh oo la midayn lahaa.

Dadka shuruudaan ay haysato ayaa wadada keliya ee u furan ay tahay in ay racfaan ka qaataan haddii diidmo la siiyo. Ugu dambeyn arintu waxay gaari doontaa Maxkamada sare ee Socdaalka (Migrationsöverdomstolen) oo laga yaabo in ay go’aan rasmi ah ka soo saadho arintaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here