Migrationsverket oo shaqaalaynaysa 1000 qof

4

Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa shaacisay in ay shaqaalayn doonaan dad ka badan 1000 qof ka dib markii ay faraha ka bateen qulqulka magan galyo doonka wadanka iska dhiibaya. Shaqaalaha Laanta Socdaalka ayaa hada cabasho weyn ka muujiyay xaalada iyagoo sheegay in aysan xamili karin cadaadiska saaran. Sanadkaan ayaa Sweden waxaa magangalyo ka dalbatay dad gaaraya 80.000 qof, dadkaas ayaa inta badan ka soo gala Sweden magaalada Malmö halkaasoo la filayo in qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha cusub la geyn doono sida uu qoray wargeyska DN.

Culeyska saaran shaqaalaha ayaa sidoo kale keenay in ay waqti dheer qaadato go’aamada laga gaarayo magangalyo doonka iyo xiliga laga qaadayo wareysiga. Shaqaalaynta dadka cusub ayaa bilaaban doonta sanadka soo socda iyadoo socon doontaa ilaa 2016, dadka la shaqaalayn doono ayaa isugu jira qeybaha kala duwan ee hay’ada sida maamulka, baaritaanada iyo go’aamada. Migrationsverket ayaa hada waxaa ka shaqeeya dad gaaraya 5000 qof.

Qarashka uga baxa shaqaalaha Laanta Socdaalka ayaa calaa qof gaaraya 600 000kr sanadkii, iyadoo haddii 1000 qof lagu kordhiyo shaqaalaha ay kor u kici doonta qarashka ku baxa Laanta Socdaalka ilaa 600 milyan oo karoon. Sanadka soo socda ayaa la filayaa in Sweden ay iska dhiibaan dad gaaraya 95 000 qof.

Haddii aad doonayso in aad ogaato shaqooyinka ka banaan Migrationsverket, waxaad ka helaysaa halkaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here