Migrationsverket oo sheegtay in sharciga laga ceshanayo cidii u safarta Somalia

Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa ii xaqiijisay in ay wax ka badaleen aragtidooda ku aadan safarka dadka qaxootiga wadanka ku jooga ee u safraya dalkoodii hooyo. Inkastoo sharci ahaan ay horay mamnuuc u ahayd in qof uu ku laabto wadankii uu ka soo cararay ayaysan hadana Laanta Socdaalka sidaas isugu hawli jirin arimahaas balse hadda ayay u soo jeesteen dadka u safraya wadankii hooyo.

Gacanyaraasha Laanta Socdaalka ayaa ii sheegay in ay hadda adkeeyeen sharciga oo qofkii u safra wadanka Somalia isaga oo qaxooti ku jooga Sweden sharciga lagala laaban doono. Waxay intaas ku dareen in baasaboorka yar ee loo yaqaan (Främlingspass) hadda la siiyo Somalida oo keliya oo aan qaxootiga kale la siin, iyadoo Soomaalida baasaboorkaas haysata iyo midka Geneva ay mamnuuc ka tahay in ay Somalia booqdaan.

Intaas waxay ku dareen in guud ahaan Somalia aysan kala sooc la hayn oo koonfurta iyo waqooyiga labadaba uu sharcigaan qabanayo. Arintaan ayaa culeys weyn ku ah Soomaalida doonsaysa in ay booqato qaraabadooda ku nool Somalia. Qofka doonaya in uu Somalia booqdo ayaa ku qasban in uu maro wadamada dariska ah si uu isaga ilaaliyo wax dhibaato ah. Qofka haysta baasaboorka weyn ama dhalashada Sweden ayaan isaga wax dhibaato ah la kulmeyn.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

27 Responses

  1. Ahmed says:

    As wr jimcale hawshan ma dadka imika u dhoofaya ayay qabanaysaa mise xataa dadkii hore ugu dhoofay se ayaad la xidhiidhay?

    Fikrad lala dhacay Thumb up 17 Thumb down 7

  2. huda says:

    jomcaale bal si fiican noogu balbalaadhi arinkaa

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 2

  3. Som says:

    Ii sheegeen ama shegeen?!!!!

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 5

  4. Abdalla caadle says:

    Link malaha miyaaa Adi miyaa warestay laanta socdaalka sxb link inoo keen cadeenaayo ama la laabo

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 10 Thumb down 12

  5. Ahmed says:

    kkkk Ii

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 5

  6. Omaraani says:

    Asc aniga waxan la yaaba ninka dhahayo cadeyn keen ama lalaabo adiga in taasba keen hadii kale umada haloo faaiideye iskaga carar meesha

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 5

  7. cali says:

    funny

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  8. Cabdi ILEEY says:

    Somalida waxaan usheegayaa in xiitaa haday wadamada dariska ah ka degaan oo ay Somalia tagaan la ogaan Karo sababtoo ah Passporrku wuxuu leeyahay GP lagula socon Karo meesha uu joogo qofka haysta pasporka .

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  9. nur says:

    Midka qaxootika iyo midka bini aadanimada labada ma mamnuucbaa mise waaa mid uun

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 5

  10. Bevis says:

    Jimcaale adigoo mahadsan hadalkaas meshaa kasoo xigatay soo qor ama link so dhik si dadkana u booqdaan tack

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 8 Thumb down 5

  11. Mohamud says:

    Damcan waxan qaba inaysan surto gal ahayn fekerkaasi sababa jira awgood oo ah qofka magan gelyada la siiyey inuu isbedel samaun doono ee uusan mar walba taagnan doonin halkii hore

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  12. Mohamed says:

    Waa arrin aan ku farxin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  13. madaxweynaha dadka soo dhalan doon says:

    jimcaal war ayaad meesha soo dhigtey, markaa waxaa loo bahan yahay in aad ka jawaabto suaalaha la gaa weydiiyey warkaaga. hadii kale waxay taasi cadeyneysa in aad waxan aad adigu iska sameysatey. lama kala xanaaqaan

    Fikrad lala dhacay Thumb up 11 Thumb down 3

  14. Geeljire says:

    Waxaan soamalia tagay 8 jeer oo xataa lagu waydiiyay Arlanda visa maxaad u qaadan waysay marka aad wadadto ticket somalia ah waxaan u sheegay inaan taas la,iga rabin oo aan ani isdabaro xataa waxaan waydiiyay waxa dhacaya hadii aan somalia tago migrationen officcerka Arlanda daaqda fadhiya wuxuu ii sheegay in aan passporkan somalia ka shaqayn oo dowlada somalia isoo celin doonto hadii aan visa la,aan ku tago marka ayay iga qaadan lahaayeen sharciga please beenta dadka ka dhaafa jimaccale iyo saaxiibadiis tack.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 1

  15. huda says:

    asc waxan lahadlayaa wiilka commentiga soo qoray ee Geeljire . hal sanno kahor baa laygu qabtay arlanda waxaana layga copy gareeyey ticketkaygi somalia iyo passkaygi , welina cid xaga migrationk kasocota ma aan maqal . waxanku weydiin lahaa adiga goorma ayaa kuugu dambaysay safar aad kabaxdo from arlanda till somalia , tack

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  16. nafisa says:

    asc w

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  17. nafisa says:

    asc walalyaal djibuti mala mari karo miyaa xitaa

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  18. daljir says:

    Dadka aan iska dhiibin sweden oo dacwo lagu keenay, kuwaas xaalkoodu muxuu noqonayaa?sharcigu maqabanayaa!!!!!!!!!!!

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

    • Dhalad-ee muwaadin ma aha says:

      aniga isma dhiibin balse framling-ka aan wato kuma qorna inaanan ku tegi karin Soomaaliya. Laba qof oo ka tirsan shaqaalaha migration-ka ayaan weydiiyey inaan ku tegi karo Soomaaliya, baasaboorka intuu iga qaaday ayuu eegay kumbiyuutarka iina sheegay inaan ku tegi karo. 2014 iyo bilowga 2015 ayey kala ahayd. Talo;intaan ku hayno maxaa la yiri labo talaabo ayuu naga xigaa migrationka ama telefoon. Jimcaalena bidhaaminta aad buu ugu mahadsan yahay oo haddii u qoraal uu kala caddaan waayo yaanan eed uun la taagnine aan eegno dhinaca wanaagsan iyo waqtiga uu u huro oo aanan innaga wax nooga qaadan.

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  19. mohaa says:

    ma ayaga kala tashaniina inaan adno somaliya ayaga la dhahaa waxaas

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. hassan says:

    jimcaale wa wax uu isaga jeebkiisa ka keensaday oo rabo inuu dadka ku baqdin galiyo arigtideeda

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  21. Yuusuf Somali says:

    ASC Dhamaan Jimcaale Warkaan waa inaad si Fiican u soo jilcisaa waayo Främlingspass kaliya Lama siiyo Somalida oo kaliya ee Anaaba garanaayo Wiilal Afghanistan ah oo hestaan si lamid ah somalida Mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. Vi vill ha bevis says:

    Jimcaale wararkaan oo migrationsverket kasoo xiganaayo sal iyo raad malaha aniga booqday webka http://www.migrationsverket.se wax kuqoran majiraan xitaa meel kale lagu sheegay ama media so xigatay majiraan
    Jimcaale beentada kusabsan främlingspass way socon wayday sxb beenkale oo cusub keen ama warka meshaa kaso xigatay soo dhik link si loo wada arko

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  23. Cubayd says:

    Asc jimcaale sxb ka jawaab suaalaha lagu weydiiyay hadii kale raali gelin ka bixi si wararka webka loogu kalsoonaado

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. ahmed says:

    waa wax lalayaabo in dhaman dadka ay su,aal isku mid ah kaawaydiiyeen qoraalkaga oo aad jawaab u wayday raalina aanad ka bixin walibana aad wax sooqorayso! ogoow inay jiraan dad wax fahansan inay kuxidhanyiin webka.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. Ahmed says:

    Sxb sharciga aad keedahay waa soo baxay oo beenta ah maxaa ja helee

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0