Home Wararka Maanta Migrationsverket iyo Sharci bixinta

Migrationsverket iyo Sharci bixinta

27

Wargeyska Aftonbladet ayaa maalmahaan waxa uu baaritaan ku haayay qaabka ay u shaqayso Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket). Iyagoo soo bandhigay warbixino qarsoodi ah oo ku saabsan shaqadooda.

Mowduuca ugu xiisaha badan ee laga qoray Migrationsverket ayaa ku saabsan amar ay maamulku siiyeen shaqaalaha oo lagu amray in ay bixiyaan sharciyada ugu badan. Mid ka mid ah shaqaalaha Laanta Socdaalka oo Aftonbladet la hadlay ayaa sheegay in ay doorbidaan bixinta sharciga halkii ay diidmo ka bixin lahaayeen. Sababta ayuu sheegay in 90 maalmood ay haystaan in ay go’aan ka gaaraan qofka taasina aysan macquul ahayn in baaritaan qoto dheer lagu sameeyo.

Waxaa intaas dheer ayuu shaqaalaha sheegay in qoritaanka warqada diidmada ay u baahantahay hawl dheer sida in si qotodheer loo sharaxo sababta loo diiday qofka. Waxa uu sheegay in taasi ay ka fududahay warqadaha ogolaashaha. Warbixinta Aftonbladet ayaa lagu sheegay in xitaa maamulayaasha hoose ee Laanta Socdaalka ay doonayaan in ay madaxda sare u bandhigaan tirooyin wanaagsan oo sharci bixin ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here