Moderatka: Hala xiro xuduudaha wadanka, dadkana degdeg ha loo musaafuriyo

9

Xisbiga Moderaterna (M) ayaa shalay soo bandhigay dhowr qodob oo ay doonayaan in dowladu ay dhaqan-galiso kuwaasoo la xiriira sidii loo xakamayn lahaa qulqulka qaxootiga iska dhiibaya wadanka. Gudoomiyaha xisbiga haweenayda lagu magacaabo Anna Kinberg Batra ayaa dowlada ka dalbatay in ay xidho xuduudaha wadanka isla markaana dadka lagu baaro inta aysan soo galin wadanka, oo dadka soo dhaafay wadamada kale ee Yurub sida Germany dib loo celiyo.

Waxay kale oo ku baaqeen in booliska ay dardar galiyaan musaafurinta dadka wadanka loo diiday in ay sharci ka helaan. Hada yaa 10-kii qof ee sharci loo diiday waxaa wadanka iskiis uga taga 1 qof oo keliya, iyadoo inta kale ay dhuumaalaysi wadanka ku joogaan.

Moderaterna (M) ayaa lagu eedeeyay in ay ku socdaan raadka xisbiga SD oo sanadkii hore kala wareegay taageerayaal badan. Xisbiga ayaa bilihii u dambeeyay waxa uu soo bandhigay mooshino kala duwan oo la xiriira soo galootiga iyo qaxootiga kuwaasoo la dhihi karo waxay ku dhowyihiin aragtida SD.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa Sweden waxaa soo galay dadkii ugu badnaa abid, iyadoo maalmaha qaar ay 2000 qof ka badan iska dhiibeen wadanka.

Dhinaca kale, wadanka Germany ayaa sheegay in ay dib u bilaabayaan dhaqan galinta sharciga Dublin taasoo keeni karta in Sweden ay ka yaraato cadaadiska saaran , iyadoo hada dadka qaxootiga ah inta badan ay ka soo galaan Germany iyo Denmark.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here