Mooshinka la xiriira mideynta reeraha oo la dhamaystirayo 20 maarso

Dowlada iyo xisbiga Miljöpartiet ayaa qarka u saaran heshiis guud oo ay ka gaaraan mooshinka wax looga badalayo sharciga lagu mideynayo reeraha Soomaalida.

Mooshinka ayaa la sheegay in la dhameystirayo 20 Maarso iyadoo xisbiga Miljöpartiet ay sheegeen in ay doonayaan in la balaariyo fursadaha oo dadka aan wax isku dhalin iyo caruurta la soo korsaday lagu daro barnaamijka.

“Waxaan dooneynaa in dhibaatada jirta lagu xaliyo dheecaanka DNA balse anaga waxaa noo muhiim ah in uusan xalku noqon DNA oo keliya marka laga hadlayo dadka aan caruurta lahayn iyo caruurta la soo korsaday oo aan DNA la isticmaalin xaaladaas” ayay tiri Maria Ferm.

18 bishaan ayay ahayd markii go’aan ka soo baxay Maxkamada Sare ee Socdaalka taasoo irdaha u furay in reeraha caruurta leh lagu mideeyo dheecaanka DNA. Lama sheegi karo sida laysku waafajinayo go’aankii maxkamada iyo mooshinka cusub ee baarlamaanka la hor keeni doono. Maria Ferm ayaa ka gaabsaday in ay faahfaahin ka bixiso arintaas iyadoo hadalkeeda ku soo koobtay in ay baaritaan ku hayaan go’aanka maxkamada.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

30 Responses

  1. Adow mohamed aden says:

    Wa war cusub o raje leh,haday karumayni swidan,ilahay aya mahad iska leh,

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  2. Nastexo says:

    Walalow jimcale dadka aan wax iskudhalin ee jooga s/africa se layeeli?ama see ufudud qofkaas ma inay isku imaadan then safarada wadatagaan baa?mise sponser aya laxaraynkaraa?pls qof kasto oo qoralkayga akhriyo iskudaya inaad iga jwbi kartaan wa iga codsi?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • cadefidow says:

      asc jimcaale hadii aad waxkusiyaadinkarto gabadhaan nastexo ugajawaab suaalaheeda waa codsi waan garan karaa inaadan ushaqeen meelaha suaalaha kuhaboon inlaweeydiiyo hadana iskuday in aad gabadhaan codsatay jawaabta in aad ujaabato bro
      asc

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  3. sahra says:

    ASC MAHAD OODHAN WAXAY USUGATAY ILAAHEN KOR AHAAYE ABOWE JIMCALE AAD BAD UMAHADSANTAHAY RUNTII WAXAD NOOHAYSA SHAQO WANAGSAN ILAHAY HAKULA GARAB QABTO HIMILADADANA HAKU GARSIIYO

    JIMCALE ABOWE WAXAN RABA INAN SU AL KUWEYDIIYO SIDA AY KULA TAHAY HADA WAXA MAQLAY IN SAFARADA ITOPIA LAGA XERAYNAYO FOM CUSUB DADKI HORAY DIIDMADA UHAYSTEY MARKA QOFKII MARKI HORE FOMKA KU XEREYEY CARUUR ANU DHALIN OO KU QORAY WAN DHALAY FOMKA HADA CUSUBNA KU XEREYA INU SOO KORSADAY AMA WALALIHII AY YIHIN OO RUNTA ISKA SHEGA MAXA UGA IMAN KARA MAKII HORA LOO RACAYAA MASE KAN CUSUB BAA LOO TIX GELINAYA

    JAWABTU WAA II MUHIIM ABOWE

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  4. Lil messi. says:

    Asc dhamantin intas kadib. Nastexo walal hadi qofka dacwonaya ama joga halkan sweden u shektay in u leyahay lamaane ama xaas lama rabo qofka in u africa tago qofka isago sweden joga lo kenaya familkisa. Lkn hadi qofka marku is dhiibay ama u tagay sweden usan shekan lamaane ama xaas waxa qasab ah in u imado africa kadib bu ku caawin kara. Waxan filaya in aad si fican u fahantay nastexo thankz.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  5. Nastexo says:

    Thank u brothers lil mesi iyo cade wan fahmay waadna kumahadsantihin ana jogo swidan xajigana waxu joga south africa walalow wa mid masayr igudilay naag kale ayu kuhaysta south africa ayan umalayn,anigana keenistisa aya igu adkaatay,markale wadmahadsantihin,

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  6. Abdiasis says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk Nasteexo iska daa ninka ha iska guursadee ilaah baa u banneeyay inuu dhowr naagood guursado ee . haddii ay xaaladii adkaatay oo dadkii la keeni waayay adigana aadan u tagaynin odayga dee waa gartii inuu guursado haddii kale baddaa ku kacaysa! kkkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  7. hodan says:

    sweden marba sida ay doonto beey u hadashaa alah ayaan talada saranay waayna hagaagi inshaa alah

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  8. una-mahamed says:

    Aamin ayaa la idhahaa walaal waxaan kaa codsanayaa in aad iiga jawaabtit su aasha aan ku waydiinayo adaa mahadsan Jimcaale waxaa laisiiyay diidmo kadib waan ka dacwooday maxkamda ayay iigu maqantahay wali iima soo jawaabin marka ma dacwo kale ayaa bilaabayaa misa waan iska sugaa iisoo jawaab walaal adoo mahadsan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. HASSAN KAAMILL says:

    Asc dhaman walalaha somaliyey &bahda somaliska qasatan mr jimcaale
    plz wax fahma somaliyey war jimcaale waa wiriye safarad&xafis dowladed&mid xisbi&mid maxkamadeed&mid political &mid sucdaal toona kama shaqeyo lkn waxii cusub ayoow no shegaaa&waxey iyagu dhahaan war wax fahma fadlan su,asha badan iska daya waxaad fahantan ku dhaqma plz umada ha warerina yaan cid walbo waxey rab to iska shegin go,aanka goodne hala sugu

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  10. bashi says:

    asc walaalayaal jimcaale isagu lama shaqeeyo migrationsverket.
    markaa waxaan filayaa inaanuu su aalaha aad waydiinaysaan badankooda jawaab idinka siin karin.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  11. xamse says:

    scw jimcaalaw walaal maxaa laga yeelaya dadka swedan jooga ilmana ku dhalay sharcigana loo diiday wadankalana aan faro ku lahayn

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. cadefidow says:

    waxa aad sheeganeeso hada ayaa waxaa kahadlaayay wiilka kaakoreeya iskudaya in aad fahantaan waxa uuyahay jimcaale hadaad diidaan runta kusoo dhowaada beenta aad iska dhaadjiciseen hadaba jimcaale waa kandiidmada idinsiiyay ogolaashadana kasuga maedhow ayuu idiinsoo wadaa isusheega horta jimcaale maxuuyay ma isweeydiiseen?????????????????????

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  13. cadefidow says:

    asc bro jimcaale waxaan kuweeydiinaa sual waxaa idhibay SFI ga ayaa idhibay waana baranwaayay sveniska marka iiweeydaii adaaooawlada maxeey iga yeelee iisoo jawaab kkkkkkkkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  14. warsan says:

    A.S.C. dhammaan bahda Somaliska waa wax lagu farxo hadii ay ka dhabeeyaan iswiidhan hadalka Maria Fem waana soo dhaweynenaa waxaase talada haayo Allaah subxaana watacaalaa ayey arrinta Agtaal Allaa wakiil baga ah waana hagaagrr inshaa Allaah.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  15. kayse says:

    asc

    Dariiqee ayay u marayaan waalidka u dacwoonaya caruurtooda, anigoo ku salaynaya sida jimcalle horay inoogu soo turjumay.

    Hadaad horay u codsatay caruurtada oo laguudiiday hada codso, hadii codsi kuu maqna ana codsigaaga sugo.

    codsigagu meesha uu kuugu maqan yahay haday tahay imagarationsverketka iyo maxakamada sare waxba uma dhexeeyo ee sugo jawaabtada

    kii kuu jawaabtu kuugu maqan tahabba waa kiikale waxayna markii hore kuu cuskanayeen go’aan kii hore ee ahaa somalida in aan laysku kee nin

    hadna waxaa dacwadaada lagu salaynayaa go’aan kan cusube ee dhawaan soo baxay ee xarayso codsigaga .

    MARKA AAN KA HADLAYNO DADKA AAN CARUURTA ISKU DHALIN AMA CARUURTA LASOO KORSADAY

    arintooda wali dadkaas go’aan cad lagama gaarin balse waan waan ayaa socota lagaga wada hadlayo ee u kaadiya ilaa go’aan laga soo saarayo

    jawaab hamse u khaasa

    xamse walal ilamaha dalkan ku dhashaa xaquur ayuu dalkan kulee yahay, hadayna waalidkiii faro wadankale ku lahayn sidaad sheegtayna waxay arintaasi u badan tahay in ilmahaas waalidkii lootix galiyo oo sharciga lasiiyo madaama ayna jirin meel looceliyo waa aduu somali yahay

    hadaan wax qalday jimcalle ayaa iga sixi doona insha allah

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  16. ahmed says:

    salan sare kaysw sxb waxaa aan doonaya in an ku waydiyo suaal muhiim ah waxa an degenahay karlstad marka wadanka waxa an ku dhalay laba caruur ah
    wadan kale faro kula lihi swden un ayan ku leyahay marka diidmo aya laysiyay waxan layga qaday cajal oo wax laygu yidhi putland aya ka so jeda kamana so jedo marka maxay kula tahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  17. Yasin says:

    Sc jimcale,aad iyo aad u mahadsantahay sxb sida fiican wararka nooga ha qabtiraysid. Walal su’al ayan ku waydinaya.walalkay ayaa noo dodaya anaga afar ciyala iyo hooyadod. Marka ma dadka waalidinta ah ayun baa dacwadoda la aqbalaya,mise qofkuna waalidki wuu u doodikara. I soo jawab sxb.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. Garyaqaan says:

    ASC Dhamaan !

    Salaan Ka Dib , Asxaabta Sharafta Leh Jimcaale Ma Aha Advokat Lowyar Sharciyaqaan Ah Ma Aha Maqaalka Kaliya Ayuu Soo Qoray , .

    Walaaha Qaar Suaalo Adag ayee doonayaa in looga jawaabo. Maxuma

    Waa in la helo Qof Khabiir ku Ah Sharciyaqaan Aqoon U Leh Arima Socdaalka . Aniga Waxan Xiriir La Leeyahay Lowyaro Badan oo Dagan Sweden Wax Badana Aan Uga Tarjumay Soomaalida Macaamiisha La ah Si Shaqo Ah Xarumahooda . Su aalaha Walaaha Ey Doonayaa In Looga Jawaabo Wey Adagyihiin Qaarkood Waxaan Ku Talinayaa in La Helo Qof Sharciyaqaan ah Mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  19. karlstad boy says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk naxteexo maseer la suux
    eedo odayga ha kaa niikiyo iska dhaaf bahalki intaa kala fadhisaa
    ani wax maseer badan aduunka u necbahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. Wlh waaruntiis nastexo kagaleey odayga hakaabashalee aduunga waa lawabiri k.k.kk.k.k.k.k.k.k.by says:

    Waa sahal wlh waaruntiis kaqaleey odayga hakabashalo aduunka waa lawabiri k.k.k.k.k. By

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. Run sheeg says:

    Waan salamayaa bahda somaliska qasatan pro.jim’aale. .intaa kadib walaalayal waxan idin dhihilahaa. umada web ayaa ufurteen bini adankana su’aal way idin waydiinkaraa no probl.tankale jimcaale dadna waxmasiinkaro dadna wax uma diidi karo .halays fahmo aqyaaray?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. Ciltire says:

    Asc all aqayaarta ku tixan websteka yagi somaliska.com waa wax lagu farxo hadalka mr fem waan so dhawenenaa inta aan akhrinaayay somaliska waa hadalki igu ficna lkn waxaa ka sifcn isago la diwaan galiyo insha allah waala diwan gali donaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. Iniin says:

    Asc horta jimcaale waxaan ku weydiiyey arimahan xageed ka keentay xalay ayaan gabar la hadlay kadib waxaan iri dacwooyinka ma furmeen wexeey i tiri aniga ninkeyga u dacwoonayo shalay ayaan waxaan la kulmay naag ii ah looyarad waxaana ka rabey dacwada ninkeyga aan u dacwoonayo in ay iga caawido markaas ayey ii wacday qeebta qaabilsan dacwooyinka wexeey ku dheheen ma jiraan wax dacwo soomaalida ah oo la ogolaaday dadka la ogolaaday waa dad ciraaq ka soo jeeda. Marka anoo gabadha ka mas’uul ah xageey ka dalbanka dheecaanka d.n.a waa muhiim jwb

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. amiino says:

    asc Jimcale iyo bahda smaliska. jimcale walaal waxan rab in aan ogado .dada aan shalay u qoray welkeyga madama uu buxinaya 1 oktober. maka medeli karaa markan soo qareynayo. waxaana heysana sedax diidmo ah. walall iga so jaweb

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. nafta u roon says:

    ilahoow noo gar gar oo arimahenaa noo hagjii waa noo jedahee

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  26. najma says:

    asc masha allaah hadiiba ciyaalka ay keenayaan waa qayr alle ayeey mahadi u sugnaantay xumana ka nastahane mida kalesoomalidu waxay tiraahdaa majo dhooqo midba mar ayaa la siibaa nasteexo sengal ne waa ku xigtaa way furi doonaan insha allaah iska sug raxmada alle lagama quustee mida kale kkkkkkk south afrika maxay uga duwan tahay meelaha kaloo ay somaalidu kasoo dacwooto sis adoo rali iga ah jimcaale ma afsoomaliga ayaan hadana waydiinaa inuu noo turjumo mase isagaa wasiirkii socdaalka ah waa maya wan idin salaamayaa walaalaha dhamaa qaasatan bahda wargaysaka somaaliska oo u heelan danta iyo shaqada somaalida ku nool sweden tack

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. Abshir says:

    @ Jimcaale walaal waxaa ay Somalidi beryahaan isla dhex marayaan in dadka haysta diidmada ama negative, ha ahaado hal mar ama ka badan,inay qasab tahay inay dacwad cusub furtaan oo ay tii hore xirmayso,warkaasi ma sax baa?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  28. falis says:

    ASc jimcaale walaal iiga jawaab fadlan halka su aal walaal haldiidmo ayaa la i siiyay maxkamed ayan sugayay hada ma waxaa layga rabaa foomam cusub inaan xareeyo waxyar walaal iiga sheeg wabilaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  29. farta hajjji says:

    ASc jimcaale waan kusalaamay salaan ka dib walaal waxaan ka codsanyaa hal suaal inaad iiga jawaabto walaal lay siiyay hal diidmo marka waxaan sugayay maxkamad walina iima soo jawaabin marka aniga ma waxaa layga rabaa foom cusub inaan fimilkayga u xareeyo mise tan maxkamada ayaan sugayaa wabilahi toqfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0