Mubarik: Waxaan mooshin ka diyaariyay in soomaalida baasaboorka lagu siiyo 5 sano

1

Mubarik Abdirahman oo ah xubin ka tirsan maamulka degmada Malmö isla markaana ka mid ah xisbiga Socialdemokraterna (S) ayaa sanadkii hore balan qaaday in uu ku dadaalayo sidii wax looga qaban lahaa rinta waqtiga dheer ee Soomaalidu ay sugaan in baasaboorka lagu siiyo. Mubarak oo xiligaas ahaa musharax baarlamaanka iyo gobolka ayaa mowduuc uu ku qoray bogga telefishinka SVT ugu baaqay dowlada Sweden in ay wax ka badasho sharcigaan oo uu ku tilmaamay mid cunsuriyad ku ah dadka Soomaalida.

Inkastoo Mubarak uusan soo galin baarlamaanka ayuu hadana soo galay maamulka degmada Malmö, isagoo wareysi aan la yeeshay ii sheegay in uu hada mooshin u diray golaha xisbigiisa ee Malmö isla markaana laga aqbalay mooshinkiisa. Talaabada labaad ayaa noqon doonta in golaha xisbiga ee gobolka Skåne ay aqbalaan mooshinka, isagoo Mubarak aaminsan in taasi ay dhici doonto, iyadoo ka dib loo gudbin doono kala fadhiga xisbiga Socialdemokraterna (S) oo bisha May lagu qaban doono magaalada Västerås. Haddii markaas xisbiga uu aqbalo mooshinka ayay u badantahay in dowlada Sweden ay dhaqan galin doonto balse Mubarak ayaa sheegay in si taasi ay u dhacdo loo baahanyahay in Soomaalidu ay sameeyaan olole balaaran.

Mubarak ayaa ugu baaqaya dhamaan Soomaalida ku nool Sweden iyo qaasatan siyaasiyiinta ka tirsan xisbiga Socialdemorkaterna (S) ee Soomaalida ah in ay ka qayb taan ololaha, oo ay bilaabaan in ay ka dhaadhiciyaan degmooyinkooda iyo gobolada in ay taageeraan mooshinkaan. Muhiimadu waa in dhamaan xisbiga laga dhaadhiciyo oo la fahan siiyo dhibaatada jidha.

AD

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here