Mucaaradka oo soo bandhigay misaaniyadooda iyo dowlada Löfven oo laga yaabo in ay dhacdo

6

Xisbiyada mucaaradka Sweden ee ku mideysan xulufada Alliansen ayaa maanta soo bandhigay miisaaniyadooda ay kula tartamayaan tan dowlada Stefan Löfven. Xisbiga SD ayaa sidoo kale soo bandhigay miisaaniyad u gooni ah. Stefan Löfven ayaa sheegay in haddii baarlamaanka uusan ansixin miisaaniyadiisa uusan wadanka ku maamuli doonin miisaaniyada mucaaraadka.

Xisbiga Alliansen ayaa soo bandhigay miisaaniyad ay ku wada midaysan yihiin taasoo baarlamaanka uu u codeyn doono sadexda december, haddii xisbiga SD uu go’aansado in uu taageero miisaaniyada mucaraadka ayay taasi keeni doontaa in dowlada Stefan Löfven ay dhacdo maadaama miisaaniyadiisa laga codbatay. Taasi ayaa keeni doonta in wadanka dib loogu celiyo doorasho cusub.

SD ayaa soo bandhigay miisaaniyad gooni ah, iyagoo sheegay in lacagta inta badan ay ka soo xaraynayaan iyaga oo aad u yaranaysa soo galootiga iyo qarashaadka la xiriira. SD ayaa horey u muujiyay in laga yaabo in ay taageeraan miisaaniyada mucaaradka Alliansen, iyagoo maantana ku celiyay in ay taageeri doonaan miisaaniyada ay u arkaan in ay u fiicantahay Sweden.

Quburada siyaasada ayaa sheegay in SD aysan xiligaan dan ugu jirin in wadanka lagu celiyo doorasho cusub maadaama uu gudoomiyahooda Jimmie Åkesson xanuun uga maqanyahay siyaasada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here