Muctamarka, Dabaaldaga iyo Xaafada Rinkeby

1

Xaalada xaafada Rinkeby ee Stockholm ayaa galabta kacday ka dib markii uu saakay ka furmay shirka diiniga ah ee isku imaadkadka Muslimiinta Iskaandaneviya balse arintaan ayaa raacday ka dib markii galabta bandhig faneed la sheegay in loogu dabaaldagayo 1da July lagu qabtay albaabka laga galo Masjidka Rinkeby.

Goobta ayaa la keenay sameecado waaweyn iyo  dad heesayaal ajanabi ah iyo kuwa ciyaara ayadoo arintaan ay dhalisay in dadka ka soo qayb galay muctamarka diiniga iyo kuwii masjidka ku tukanayay ay ka xanaaqaan arintaas. Balse agaasimayaasha muctamarka iyo waxgaradka xaafada ayaa xaalada dejiyay oo ugu nasteexeeyay Muslimiinta in ay ka dheeraadaan in wax foodo ah ay dhacdo.

Way noo suurto gali waysay in aan la hadalno dadka soo abaabulay kooxaha fanaaniinta ee ku qabtay xaflada Masjidka hortiisa, walow ay dadka soomaali ah ka hadleen goobta.

Xaalada ayaa hada si caadi ah ku soo noqotay ayadoo muctamarka diiniga uu si fiican u socdo, waxaan filaynaa in akhristayaasha Somaliska.com ay si wanaagsan uga faaideysteen sida tooska ah ee aan idinkugu soo gudbinayno barnaamijka.

koox ciyaarta oo ajanabi ah

nin ka hadlaya soomaaliya iyo 1da july
AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here