Mudaharaad ka dhacay Katrineholm [Video]

5

Ku dhawaaad boqol Soomaali ah ayaa mudaharaad ka dhigay magaalada Katrineholm maalintii isniinta. Soomaalidaan ayaa ka dibad baxayay ka dib markii reer Soomaaliyeed oo magaaladaas ku nool si sabab la’aan ah lagu amray in gurigooda ay ka baxaan.

Abdikadir Ali Ahmed ayaa lagu amray in reerkiisa uu kala baxo guriga shirkada KFAB kama dambeys 31 -ka bisha, iyadoon wax sabab ah loo sheegin. Ninkaan ayaa ah nin shaqeysta oo aan dhibaato ka haysan bixinta kirada, isla markaana aysan ka soo dacwoon dariska sida lagu qoray wargeyska Kkuriren ee ka soo baxa Katrineholm.

Reerka ayaa guriga ku deganaa kontrakti ay la saxiixdeen kamuunka iyagoo la sheegay in waqtigii kontrantiga uu dhameeday balse aan loo cusbooneysiin.

Mudaharaadayaasha ayaa isugu soo baxay xafiiska shirkada KFAB iyagoo ka dibna u dhaqaaqay dhinaca Xafiiska soshalka. Waxay ku qeylinayeen “rättvisa Ã¥t alla” ama  cadaalad siman.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here