Mudaharaad ka dhacay magaalada Uddevalla [Sawirada]

19

Magaalada Uddevalla ee galbeedka Sweden ayaa waxaa shalay ka dhacay mudaharaad looga soo horjeedo diidmada lagu haayo mideynta reeraha Soomaalida. Mudaharaadkaan ayaa fikradiisa waxaa la ahaa hooyo Soomaaliyeed oo dadaal dheer u gashay sidii uu u qabsoomi lahaa.

Mudaharaadka ayaa waxaa ka soo qeyb galay waalidiin loo diiday caruurtooda, xubno ka socday jaaliyada Somaalida ee Bohuslän iyo masaajidka.

Waxaa lagu balamay in axada soo socda la qabto mudaharaad midkaan ka weyn oo loogu yeeray dhamaan Soomaalida ku dhaqan agagaarka Uddevala in ay ka soo qeyb galaan. Dibad baxaas ayaa ka dhici doona goobta loo yaqaan Dalaberg Centrum ee Magaalada Uddevalla taariikhdu markay tahay 11-09-2011 saacada 12:00

WD: Abshir Macoow

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here