Mudaharaadyo lagu taageerayo masaajida oo ka dhacay Sweden

Shalay waxaa magaalooyinka waaweyn ee Sweden isugu soo baxay kumanaan qof oo isugu jira Muslimiin iyo dad aan Muslim ahayn kuwaasoo u soo baxay in ay taageero u muujiyaan Masaajida ku yaala Sweden oo isbuucyadii la soo dhaafay lagu qaaday weeraro joogto ah.

Bartamaha magaalada Stockholm ayaa waxaa isugu soo baxay kumanaan qof oo watay fariimo ay ku qoranyihiin “Ha taaban masaajidkayga” iyadoo halkaasi ay qudbado ka jeediyeen qaar ka mid ah dadka ugu firfircoon Muslimiinta Sweden. Waxaa sidoo kale goobta ka halay wasiirka dhaqanka Sweden Alice Bah Kuhne. Sidoo kale maalintii jimcaha ayaa waxaa arimaha masaajida ka halay raysal wasaaraha Sweden Stefan Löfven isagoo cambaareeyay weerarada.

Masaajidka Uppsala oo khamiistii la weeraray ayaa hortiisa waxaa isugu soo baxay boqolaal qof iyagoo albaabada masaajidka ku dhajiyay calaamadaha jacelyka iyo fariimo kale. Sidoo kale waxaa dibad baxyo ka dheceen magaalooyinka Göteborg iyo Malmö.

Bilihii ugu dambeeyay ayaa weeraro joogto ah lagu qaaday masaajida ku yaala wadanka Sweden, iyadoo la gubay masaajidkii Soomaalida ee magaalada Eskilstuna.

Masaajida

moske-sthlm

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

12 Responses

  1. Qadar haji says:

    Ilaahey islaamka ha guuleeyo. kufaarta masaajida gubayana ilaah umada haka qabta ameen ameen.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 18 Thumb down 3

  2. Farhiya says:

    Illaahey musliminta meel kasto eey joogan ha u gargaro xasiidkana ha ka qaabto adaa weeno waxiide Amiin

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 1

  3. wafka abdi says:

    Ya allah ka qabo kufaarta beedkaaga xalashaaa ah

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 1

  4. abukar says:

    Asc wr dhamaan bulshaweynta somaaliyeed ee ku xiran bakaan wad salaamantihiin teedakale waxan u mahad celinaya walakeen jimcaale oo is xilkhaamay dadkiisa somaaliyeedne u soo tabinayo warar ey ka faa iideystan waxan u rajeynayaa dadka banaan baxaya arin farax keliso
    iyo guul insha allah

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  5. Abdulaziz Mohammed Isse(shaaciye) says:

    Hadaan is jeclaano Allaah dartiis, is cafino Allaah dartiis, is caawino Allaah dartiis, u midowno Allaah dartiis, is nabad galino Allaah dartiis, iskaashano Allaah dartiis, isa soo dhaweyno Allaah dartiis, dhaqan wanaagsan yeelano/kudhaqano Allaah dartiis, qalqiga nabadgalino Allaah dartiis, kibirka ka fogaano Allaah dartiis, dulmiga ka fogaano Allaah dartiis, isdilka/dagaalka/qabyaalada/eexda/tuugada/yasida/faanka/islaweynada/xaaraanta/qamriga/sinnada/beenta/qamaarka/aflagaadada/xanta/xatooyada iyo qayaanada aan iska dayno Allaah dartiis naxariista/raxmada Allaah ayaa soo deganaysa dhulkeenuna barwaaquu noqonayaa qoxootinimadana waan ka baxaynaa walaalayaal inshaa Allaah.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 2

  6. abdulkadir says:

    dadka sweden waa inay wada noolaadaanlee oo is jeclaadaan,kuwa sharka wada dawlladda loo sheego,

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  7. farah says:

    asc wll qali codsi miyaan ku waydiin karaa fadlan

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  8. bashka yare says:

    Illahey hanaga qabto dadka wax yabahan lugta ku leh Koley waa dad damac San iney islamka iyo galada isa tusaan

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  9. Abdi says:

    Waa maxay dadka aanan ducada like gareeyn ee dislike dhahaya subhanallah

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  10. Darmaan says:

    Walaalihii banaan baxa ka qaybgalay iyo walaalkeen maqaalka qoray, walaalaha faalo kabixiyay dhamaan allaha ajir iyo xasanaad haydin siiyo Jazakallahu kheyran.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  11. qoslaaye says:

    asc iclada xun ee masaajidad lagu haayo

    ilaah haka ajirsiiiyo inta muslimka ee kadhidhiday fic

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  12. sagal says:

    Ilaahay islaamka haxafido meelkastay joogan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0