Munaasabadda 15ka mey oo lagu xusey Magaalada Gävle

8

Munaasabad aad u balaaran laguna xusayey maalinta dhalinyarada ee 15ka mey ayaa caawey lagu qabtey magaalad Gävle ee dalka Sweden. Xafladaan oo ay si wadajira u soo abaabuleen Ururka isbaheysiga ururada Gävle iyo Uruka isbaheysiga umadda soomaaliyeed ee Sweden ayaa waxaa ka soo qeyb galey dadweyne aad u farabadan iyo mas,uuliyiin ka kala yimid magaalooyinka Stockholm, Borlänge, Bollnäs, Örebro, waxaa ugu horeyn daahfurey munaasaba xoghayaha dalada Ururada Gävle Cartan Dhiblaawe oo sheegey qiimaha weyn ey inoo leedahay munaasabadaan iyo sida loogu baahan yahay in xil la iskaga saaro sidii loo xasuusnaan lahaa maalinta dhalinyaradda soomaaliyeed oo ah maalintii dhidibadda loo taagey Ururka SYL, sidoo kale waxaa isna ka hadley munaasabadda Gudoomiyaha dalada Ururada Gävle Siciid Xeyd oo ku dheeraadey sidii ay dhalinyarada soomaaliyeed u midoobi lahaayeen meelkasta oo ay joogaan iskulana shaqeyn lahaayeen maantey dadka loo baahan yahay in ay wax ka bedelaan xalka soomaaliya waa dhalinyaradda.

Dhanka kale waxaa casher ku saabsan qiimaha waxbarashada iyo doorka looga baahan yahay dhalinyarada fursadaha u heley imaatinka qurbaha iyo sidii ay uga faaideysan karaan kor u qaadida aqoontooda halkaas ka soo jeedisey xoghayaha waxbarashada Ururka isbaheysiga umadda soomaaliyeed Ing, Malyuun Cali Xuseen waxeyna farta ku fiiqdey sida ugu haboon oo looga faaideysan karo fursada waxbarasho ee yaalo dalkan Sweden, waxey kaloo Malyuun ku dheeraatey waxbarashadeedii iyo mar ay noqotey ardeyga sanadka ee Jaamacadda Örebro iyo sidii ay ugu guuleysatey mar billad la siiyey.

Sidoo kale waxaa qudbad qiiro leh aadna u soo jiitey dhamaan dadkii isugu yimid Munaasabada 15ka mey halkaas ka soo jeediyey Claahi Yalaxoow oo ka mid ah Ururka wadaniga Soomaaliyeed wuxuuna si kooban uga warbixiyey sidii lagu Aas aasey ururkii syl iyo halgankii dheeraa oo ay soo mareen aabayaashii gobonimo doonka soomaaliyeed wuxuuna ku nuuxnuuxsadey sida dhalinyarada maantey ay uga jiifaan marxalada taagan ee dalkooda wuxuuna u sheegey dhalinyaradii nasiibka u yeelatey in ay dhageystaan qudbadiisa in looga baahan yahay halgankii syl oo kale oo aysan dalkooda cidkale ku haleynin.

Dadkii ka hadley Munaasabadaas oo aad u tiro badnaa ayaan waxaan ka xusi karnaa Gugoomiyaha Ururka bollnäs C/laahi Cadaani,Gudoomiyaha Ururka Umis ee borlänge xisaabiyaha Ururka Haweenka Gävle Naciimo Ali Xuseen, Shukri Sh Cali oo ah saxafiyad degen magaalada Gävle,Xasan C/lahi (ilkacase) oo ka mid ah dhalinyarada degen magaalada Gävle Dhamaantoodna waxey si waafi ah uga hadleen qiimaha maalintaan ay inoo leedahay iyo in dhalinyaraddu yihiin lafdhabarkii bulshada loogana baahan yahay sidii ay xooga u saari lahaayeen waxbarashada waayo aqoontu waa furaha nolosha Aduunka si ay ula tartamaan dhalinyarada dhigooda ah meelkasta oo ay caalamka ka joogaan iyo sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dadkooda iyo dalkoodaba waa iney muujiyaan isku duubni iyo dadaal dheer.

Dhanka kale waxaa iyana ka marneyn munaasabadda suugaanta nuucyadeeda kala duwan waxaana si hagar,la,aana ugu tumayey kooxda reer Gävleborg oo uu ka dhex muuqdey fanaanka da,da yar ee Max,ed yare ayagoo suugaantoodana ku cabirayey qiimaha weyn oo ay maalintaan u leedahay umadda Soomaaliyeed.Ma ahan markii ugu horeysey oo ay Ururada Gävle xusaan munaasabadaha taariiqiga ah ee uu leeyahay dalkeena.Guud ahaan munaasabadii caawey oo la dhihi karo waxey aheyd mid si aad u heersareysa looga soo shaqeeyey ayaa waxeey ku dhamaatey sidii loogu talo galay.

W/D Fardowsa sha xasan Kuria

Gävle/ Sweden

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here