Mursal: Baarlamaanka ayaan u gudbinay mooshin ku saabsan baasaboorka

8

Mursal Isa oo ah barasaabka gobolka Dalarna (Landstingsråd) isla markaana ka tirsan golaha fulinta ee xisbiga Miljöpartiet (MP) ayaa iiga waramay mooshin uu xisbiga Miljöartpet horay ugu gudbiyay baarlamaanka oo ku saabsan in Soomaalida waqtiga baasaboorka looga dhigo 5 sano. Mooshinkaas oo aan ku guuleysan codka baarlamaanka xiligii la soo bandhigay ayuu ii sheegay Mursal in hada la soo cusboonaysiinayo.

Mooshinkaan oo ay qoreen afar xubnood oo ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka ugu jira xisbiga Miljöpartiet (MP) oo ay hormood ahayd gabadha lagu magacaabo Maria Ferm ayaa la soo daabacay sanadkii 2013, iyadoo dowladii xiligaa jidhay ee ay hogaaminayeen xisbiga Moderaterna (M) ay diideen.

Mursal ayaa ii sheegay in hada uu kala hadlay xubnaha baarlamaanka ugu jira xisbigiisa oo arintaan la dardar galin doono balse loo baahanyahay taageerada xisbiyada kale. Oo Soomaalida looga baahanyahay in ay taageeraaan mooshinka. Mursal ayaa qaasatan soo dhaweeyay talaabadii uu qaaday Mubarak Abdirahman isagoo sheegay in loo baahanyahay talaabooyin badan oo nuucaas ah. Dhagaysi wacan!

Halkaan ayaad ka akhrisan kartaa mooshinka.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here