Mursal Isa oo loo doortay gudoonka gobolka Dalarna

Shalay ayaa waxaa magaaalada Falun lagu doortay gudoonka cusub ee maamulka gobolka Dalarna (landstingsråd) iyadoo uu markii ugu horeysay taariikhda Sweden uu qof Soomaali ah ka mid noqdo xubnaha gudiga ee gobolada Sweden. Mursal Isa ayaa xisbiga Miljöpartiet u fariisan doona kursiga gudoomiyaha gobolka, isagoo ay ku wehliyaan labo xubnood oo ka tirsan xisbiga Socialdemorkaterna (S) iyo xubin ka tirsan xisbiga Vänsterpartiet (V).

Maamulka cusub ee gobolka Dalarna oo Mursal Isa uu xubin ka yahay ayaan haysan aqlabiyad balse waxay sheegeen in wada shaqayn la samayn doonaan xisbiyada kale ee ka tirsan xulufadii dowladii hore ee Alliansen. Mursal ayaa telefishinka Svt u sheegay in ay ka shaqayn doonaan horumarinta caafimaadka gobolka.

Maamulka gobolka ayaa hawshooda ugu weyn ay tahay caafimaadka iyo gaadiidka dadweynaha. Mursal iyo xulufadiisa ayaa shaqada maamulka hayn doona ilaa doorashada soo socota ee sanadka 2018. Shaqada Mursal ayaa noqon doonta mid 60% ah isagoo qaadan doona mushaar gaaraya 32 940 kr/bishii.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. m says:

    Waa wax lagu farxo taariikhda uu sameeyay Mursal

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  2. dulli says:

    halagaa naxo dheh wax laga yaabo waye aduunka sidaanne ma la arkay ha ii hool la aan ”
    Maskiin muro qarre

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  3. Bashka says:

    MAHADSANID JIMCAALE lkn waa laga quraan yahay qofka mushaarkiisa inaa si toosa u caarifto mushaar roon ayuu qaataa lee ku gaabso

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 1

    • Jimcale says:

      Waa mahadsantahay Bashka. Waxaa macluumaadkaas qoray DT. Waana muhiim in la ogaado macluumaadkasta oo ku saabsan siyaasiyiinta.

      U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  4. mandeeq says:

    Ilahay ha kadhigo mid xilkisa sii dacad ah uqabto inkasto uu qalmo oo amntay nin uga fican jagadaan usan jogin dalarna

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  5. Johanna omstrlöv says:

    MASHALAH MASHALAH WAA WAX LUGU FARXO IN QOF SOMALIYEED OO ADUUNKE HEERKAAS KAGAARAY EE ILAAHEY HAKADHIGO KII SUMCAD WANAAGSAN IYO TUSAALE FIICAN U NOQDO GUD AHAAN MÜSLIN GAAR AHAAN SOMALIDE .. MUSHAARKAAS WAXAA KAMUHIMSAN SHAQADOODE IYO KALSONIDE UU HELA Y

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0