Muslimiinta Borås oo qorshaynaya in ay Masaajid dhistaan

1

Muslimiinta ku nool magaalada Borås ee galbeedka Sweden ayaa doonaya in ay dhistaan masaajid weyn. Muslimiinta oo hada Borasdhibaato ka haysata ciriiri ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay dhistaan masaajid ku filan. Jaaliyada Muslimiinta Borås oo lagu magacaabo (Islamska kulturföreningen i Borås) ayaa soo diyaarisay qorshihii lagu heli lahaa ogolaanshaha.

Jaaliyada ayaa hada qorsheynaysa in ay siyaasiyiinta Kamuunka Borås u bandhigaan qorshaha ay ku doonayaan in ay masaajid ku dhistaan. Muslimiinta ayaa u baahan dhulkii ay masaajidka ka dhisan lahaayeen iyo ogolaanshaha. Waxay sheegeen in ay isku diyaariyeen mashruucaan oo ay doonayaan in haddii ogolaanshaha la helo uu masaajidka diyaar noqon doono sanadka 2016.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here