Muslimiinta Flen oo bixiyay lacagtii ay kula wareegi lahaayeen kaniisada masjidka loo badalayo

“Waxaa inoo suurtagashay in aan Masjidkii ugu horeeyey ka furno magaalada Flen ee wadanka Sweden waxaana u mahad celinaynaa dadkii ka qaybqaatay islamarkaana inagu caawiyey bixinta maalaayiin Karoonka Sweeshka ah” sidaa waxaa jariidada Eskilstuna Kuriren u sheegay Eskender Zekic oo ah gudoomiyaha ururka Romska.Svenska ee magaalada Flen.

Waxaa ka soo wareegatay sanad markii Muslimiinta Flen qaasatan ururka Alhudda ay saxiixeen iibsashada Kaniisada la yiraahdo Pingstkyrkan ee ku taala isla magaalada Flen, heshiiska ayaa waxa uu ahaa in ay lacagta oo gaaraysay 4 milyan ku bixiyaan muddada sanadka gudaheeda ah, nasiib wanaagse waxa ay noqotay in waqtigii oo la gaarin lacagtii soo wada xarooto welina ay ina soo gaarayaan lacago kale ayuu yiri Eskender Zekic.

Arrinkaan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa goor ay Sanad kahor heshiis wada galeen labada Kaniisadood ee Pingstkyrkan iyo Andrea si ay u wada yeeshaan xarun dhexe oo kawada dhaxaysa, waxayna isugu tageen o ay ka dhigteen xarun dhexe Kaniisada Andrea.

Skender Zekic ayaa waxaa kale uu sheegay 13-01-2012 furaha la soo wareegi doonaan kadibna ay qabanayaan xaflad furitaan oo ay dadka muslimka ah iyo kuwa aan ahaynba ka soo qaybgeli karaan.

Faafi mowduucaan

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

15 Responses

  1. mohamed says:

    mashalah wax wanagsan waaye ilahay ha inagu anfaco

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  2. yasin says:

    sc manshalah waxa la bixiyo waxaa ugu wanagsan ilahay darti wax u bixi waliba qofka masjid wax ku darsadaa ayuu ugu nasiib wanagsan waxana i farxada manta in aan ka qayb qaatay

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  3. Abu Salaaxudiin says:

    Allaahu Akbar, Allaahu Akbar , Allaahu Akbar .

    Alxamdulillaah , Alloow adaa Gallad walba noo galay ,
    Rabiyoow sabab nooga dhig in Masaajid badan ka dhisno Sweden. Amin.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  4. Shiiq Adam says:

    Masha allaaah waa in aan sida iskugu xirnana meel kasta aduunka ka joogno Dadkeena Muslimiinta Ah
    Alhamdulilaah
    Asc

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  5. Samsam says:

    Mashallah.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. Aadan deeq says:

    Allahu akbar ilaah baa weyn suura galiya wax kasta alow intii jebkoda ka sosaray shilimadka iyo intii dhabarka u xiratay howshisa sidi logu guleysan lahaa badal uga dhig guri janada ah yaa rabi

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. mandeq says:

    masha alaha ilahay ayaa mahad iska leh ilahay habadiyo hana barakeeyo masaajidada

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. Najmo says:

    asc masha alah wax wanagsan aye qabten swedan qasatan rer Flen masha alah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. abshir cade says:

    allahu akbar allahu akbar allahu akbar
    waa arin aad logu farxo waa guul muslimiinta oo dhan u soo hooyatay

    ku: jimcaale

    walaal waan ku salaamay jimaace salaan ka dib waxaan ku sheegayaa in aan inaga aan iibsaney kaniisad oo rabno hada in aan dayac tirno aan masaajid ka dhingo marka information buuxa iyo sawirkeeda ayaan ku sii lahaa in aad u ogeysiisid dhamaan muslimaanta aduunka hadii aad igala soo xarirto emailkaan waxaana ay ku taalaa sweden

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  10. maria mahomud says:

    as waa arin aad lagu farxo allaahna loogu mahad naqo masaajidku waa meelaha ay dacwadu ka bilaabto dhalinyaraduna diintooda ku bartaan kuna ilaashadaan.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. geele says:

    allaahu akbar maansha alaah waaxa mahad oo dhan iska leh rabiga inoo fududeeyay inaan meeshii loogu shariik yeeli jiray rabi aan u badalo meel alle keligiis lagu caabudo

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  12. Mahad Omar says:

    Maasha allaah muslimiinta Flen waa dadaaleen waa farxad taabanaysa qof walba muslin ah meel uu joogo asxaabteena reer Afrika waxaan leenahay allaha idin ka abaal mariyo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. abdiasis says:

    ALLAAHU AKBAR Mansha allaah ilaah jannatul fardowsa ha ku abaal mariyo itii wax ka geysatay kaniisad loo baddalo baydkii alle . qof walba oo dhisa baydka alle waxaad ogaataa in aad helayso abaal marinta alle ilaah baan uga baryaynaa inuu ka abaal mariyo intii qowl iyo ficil ka geysatay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  14. um-ibraahiim says:

    masha allah tabaraka laah ilaahow umadada muslimiinta isku xir.aad ayaan uugu mahad celinayaa umadii ka geysatay masjidkan ee aad maanta noo iibiseen waa mahad allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Ali says:

    asc.. dhamaan wad mahadsantihiin, hadaba rer FLEN wax wanaagsan wey qabteen, waxa laga codsanaya dadka ku nool sweden dhacaleda inay kaso qeeb galaan furitaanka masjidka xafladda loo dhigi doono all soo dhawaada midasina waxay u noqonaysa galadu niyad jab waxayna dareemayaa isku xirnashaha musliminta mel kastaba joogaan gaalado xitaa waa laso cazumayaa iyaga xita lakin idinka soo dadaala he, lacag leekamarabe wax cun kaliya wcs

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0