Sida aad isbuucaan ku aragteen xayeysiinta kor ku xusan Muslimiinta Flen ayaa iibsaday Kaniisad iyagoo ku badalaya Masaajid lagu magaacabo Alhouda Masjid. Xiriir ay nala soo sameeyeen maamulka Alhouda ayay ku dalbadeen in fariintooda la gaarsiiyo Muslimiinta ku nool Sweden iyo caalamka si ay uga qeyb qaataan dhameystirka Mashruucaan. Kaniisada Pingstkyrkan ayay Muslimiinta ku iibsadeen 4 milyan oo karoon iyadoo laga doonayo in lacagtaas ay ku bixiyaan mudo 1 sano gudaheed ah, sidaa darteed ayay Muslimiinta flen waxay codsi u dirayaan dhamaan in laga qeyb qaato bixinta lacagtaas. Saxaafada Sweden ayaa u muuqata in arintaan ay dhinac kale ka eegayaan iyadoo isbuucaan lagu soo qaatay arinta kaniisada Masjidka laga dhigayo. Iyadoo warbaahinta cunsuriyiintu ay ka dhigayaan in Muslimiintu ay goobaha Kiristaanka la wareegayaan. Balse marka dhinac laga fiirsho ayay arintaan isugu imaaneysaa hawl ganacsi oo Muslimiinta ay iibsadeen goob la iibinayay. Mar wax laga weydiiyay madaxa Kaniisada la iibiyay ayay u sheegtay warbaahinta. "Wada tashi badan ayaan ka sameynay arinta, qaar naga mid ah ayaa sheegay in aan Muslimiinta laga iibin goobta maadaama wadamada Muslimiinta lagu waxyeeleeyo Kiristaanka" ayay tiri Christina Blomqvist. Waxay intaas ku dartay in kama dambeystii ay go'aansadeen in ay Muslimiinta goobta ka iibiyaan maadaama aysan Muslimiinta Sweden masuul ka ahayn dhibaatada lagu haayo Kiristanaka ku nool bariga dhexe. Si kastaba ha ahaatee, waxaa loogu baaqayaa in Soomaalida Sweden ku nool ay ka qeyb qaataan dhameystirka mashuurcaan , cidii daneynaysa barnaamijkaan waxay kala xiriiri karaan. KALA SOO XIRIIR TEL:TEL:0720317994 --0046720317994 Jamaal. ama 0762241515 --0046762241515 Baliile ama 0767158909 --0046767158909 ama emailka  ziizbaliile@baliile.com ama bismilaah@hotmail.com www.alhoudaflen.com

Muslimiinta Flen oo kaniisad iibsaday [Video]

Sida aad isbuucaan ku aragteen xayeysiinta kor ku xusan Muslimiinta Flen ayaa iibsaday Kaniisad iyagoo ku badalaya Masaajid lagu magaacabo Alhouda Masjid. Xiriir ay nala soo sameeyeen maamulka Alhouda ayay ku dalbadeen in fariintooda la gaarsiiyo Muslimiinta ku nool Sweden iyo caalamka si ay uga qeyb qaataan dhameystirka Mashruucaan.

Kaniisada Pingstkyrkan ayay Muslimiinta ku iibsadeen 4 milyan oo karoon iyadoo laga doonayo in lacagtaas ay ku bixiyaan mudo 1 sano gudaheed ah, sidaa darteed ayay Muslimiinta flen waxay codsi u dirayaan dhamaan in laga qeyb qaato bixinta lacagtaas.

Saxaafada Sweden ayaa u muuqata in arintaan ay dhinac kale ka eegayaan iyadoo isbuucaan lagu soo qaatay arinta kaniisada Masjidka laga dhigayo. Iyadoo warbaahinta cunsuriyiintu ay ka dhigayaan in Muslimiintu ay goobaha Kiristaanka la wareegayaan. Balse marka dhinac laga fiirsho ayay arintaan isugu imaaneysaa hawl ganacsi oo Muslimiinta ay iibsadeen goob la iibinayay.

Mar wax laga weydiiyay madaxa Kaniisada la iibiyay ayay u sheegtay warbaahinta.

“Wada tashi badan ayaan ka sameynay arinta, qaar naga mid ah ayaa sheegay in aan Muslimiinta laga iibin goobta maadaama wadamada Muslimiinta lagu waxyeeleeyo Kiristaanka” ayay tiri Christina Blomqvist.

Waxay intaas ku dartay in kama dambeystii ay go’aansadeen in ay Muslimiinta goobta ka iibiyaan maadaama aysan Muslimiinta Sweden masuul ka ahayn dhibaatada lagu haayo Kiristanaka ku nool bariga dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa loogu baaqayaa in Soomaalida Sweden ku nool ay ka qeyb qaataan dhameystirka mashuurcaan , cidii daneynaysa barnaamijkaan waxay kala xiriiri karaan.

KALA SOO XIRIIR TEL:TEL:0720317994 –0046720317994 Jamaal. ama 0762241515 –0046762241515 Baliile ama 0767158909 –0046767158909 ama emailka  ziizbaliile@baliile.com ama bismilaah@hotmail.com www.alhoudaflen.com

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

9 Responses

  1. Abdinasir says:

    Maashaa allaah maashaa allaah maashaa alalah ilaahoow adaa mahad leh ilaahoow adaa mahad leh ilaahoow adaa mahad leh ilaahoow adaa mahad alle ilaahoow intii hooshaas ka shqeesay u danbi dhaaf oo janadii firdowso gee waxaan ka mid ahay dhalinta dagan sweden gaar ahaan gatabori mel u dhow alla waa wax lagu daysado walaahi ilaahee idin barakeee aamiin aamiin aamiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. najma says:

    Asc dhamaantina masha alaah waad ku mahadsan tihiin dhismada masajiidka aniga waa jeclahaay ina wax ku darsado ille aduunyada macaankeda kaliya wax matarayo waa in aqirana la tacbada ille waa ina wax hormarsano walaaleheyga muslimkana waxaan dhihi lahaay walaalayal inta xayiga tihiin maanta fursadina ka fa ideysta lacaagtan wey dhamaneysa ee wax dhiibta ile nafkaasta meel lo soo jiro ma oge hadale caruurtina ino alle idiinkeno uu barya waxna uu sadaqeya anigana insha alaah diyaar ayaan ahaan masha alaah figradeydana ASc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. xaliimo says:

    asc walaalayaa dhamaan intii kaqebqaadatay hirgelinta kaniisad masjidlagubedelanaayo waaguulnoosoohoyatay
    marka waxaanaloogabaahanyahay inloo istaago sidii lacagteedaloobixinlahay afkoolagasheego waxnomasateyso dadkalagasugaayo bixinteeda waa anaga qofwalbo oomuslin ah waajib baakasaaran hadana qasan maahan hadii aad dhegahakaxirato walaalayaal sheeydanka ma ogolaqeerkoolodegdego waxa horeloyiri aadoonol dhiiwo hakuuhormartee ama iska heeyso dadaa u heraayo awaalnakaagaheen.waxan ulajeedaa hadii waxaaga aadan sadaqesan markaad dhimato dadkii cuno awaalmeeykaaga haayaan waa maya wixiiqeerka noogujiro alahnawaafajiyo aamiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. somali says:

    Asc
    Waa arin aad iyo aad loogu farxo una baahan (hoo) aanan u baahnayn (hee) horay ayay soomaalida u tiri -meel howl u baahan hadal waxba kama taro- markii aan videogaan daawano waxa kaliya oo aan ka fikirnaa waa in uu noqdaa imisa ayaan bixiyaa iyo goormaan bixiyaa iyo sidee baan ku bixiyaa.waa in aan ogaadaa in ay jiraan dad badan oo qayrka jecel sidaa darteed inta aanan la iibin masjidka aan bixiyaa waxaan sadaqaysanayo. Haddii kale hadalkayga ha joogo maanta oo dhan arinkaan inta ku dadaashay way fiican yihiin iwm. aynu qabsano teleefoonka oo aynu sadaqada la baxno isla hadda anigaba aan iska bilaabee. Illaah hana garadsiiyo AAAAAAAAMIIIIIIIIIN.ASc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. zakariye yusuf omar says:

    mashallah ad ayaan usoo dhawenenaa arintaan allaha fududeeyo qeerka haloo dagdago

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. hibo says:

    mansha allah mansha allah waa arin farxad leh ,waxaan walaheyga muslimiinta ah qasatan somalida aan ku boogaadin lahaa in aan asxaabta ama dadka aan naqaano oo aanba ka warqabin loo sheego ,sida uu shegay walal Zakariye .iyo inbadan eey laqabto waa in kanisataan aan la wareegno wsc.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. yasin says:

    Asc

    Aduunka waxaa la arkaynin malaha Kaniisad baa Masjid u badalaynaa baa la nla yiri meeshaan ku soo diri lahayna waa la´inoo sheegay maxaa inoo harsan saaxiibyaal quraanjo uruurtay bulac way jiidaa ee yaanan yaraysanin lacagaha aan bixinayno 1000kr 2000kr 3000kr dahab waxaan awoodna aan bixino waxyaabo kaleba waan ku bixinaaye masjidkaa oo lagu tukado ajarkiisa waligaa wuu kuu socanaya xataa hadii aad dhimitid aan qabano telefoonka ee wacno isla hada ama toos aan ugu shubno accounka.hadii kale sida caadada inoo ahayd waa wax fiican lee aan joogno asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Salman says:

    Walaal ilahay khayr haydin siiye waxaan idiin soo diray 2000 Kr oo aan ku soo hagaajiyay account-ka meesha aad ku soo qorteena hadii uu idin soo gaadhay i soo sheega email-kaygu waa khadar2@hotmail.com halkaana hawsha ka sii wada ilahay haydinla garab galee

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Aadan deeq says:

    Asc dhaman walalaha musliminta ah bacda salaan waa arin kheer ah in meel kanisad ah oo yurub gudaheda ay surtagaltahay in inta laga iibsado hadana masjid laga dhigo waa ilhaano usugnaatay cadawga alle iyo cizi ama sharaf u sugnaatay musliminta sidaa darteed waa in si caadifad leh loogu dagdagaa kheerkan insha’allah wuu libanaya qofki fursadan oo kale ka faideysta bi’idnilaah kheran idin dhaafay walalaha towxidaka naga dhexeyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0