Muslimiinta Sweden oo culeys ka haysto waqtiga Ramadaanka

9

Sanadkaan ayaa Ramadaanku waxa uu ku soo aaday bartamaha xagaaga Sweden taasoo keentay in Muslimiinta ku nool Sweden qaasatan waqooyiga wadanka ay cabasho weyn ka muujiyaan sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda. Magaalooyinka ku yaala waqooyiga Sweden sida Kiruna ayaysan qoraxdu ka dhicin xiligaan taasoo aad u adkaynaysa soonka Muslimiinta.

Culumada Muslimiinta ee ku nool Sweden iyo caalamka ayaa isku qilaafsan qaabka loo xalin karo dhibaatada goobaha aysan qoraxdu ka dhicin ama uu waqtiga soonka aad u dheeryahay. Culumaa qaar ayaa ku taliya in Muslimiinta ku nool goobahaas ay la soomi karaan saacada Maka ama Medinah ama wadanka Muslimka ah ee ugu dhow. Qaar kale ayaa ku taliya in ay la soomaan magaalooyinka Sweden ee ku dhow, halka qaar kale ay leeyihiin in aan la jabin karin shuruuda soonka oo ay waajibtahay in la afaro xiliga qaraxdu dhacdo oo keliya.

Fikradaas kala duwan ayaa jahwareer ku abuuray Muslimiinta. Gudoomiyaha Ururka Muslimiinta Sweden Cumar Mustafa ayaa ku taliyay in shaqsi kasta uu qaato go’aanka ku haboon maadaama arintaan laysku qilaafsanyahay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here