Muslimiinta Sweden oo taageeray Yuhuuda

Ka dib markii habeen hore telefishinka Sweden laga soo daayay naceybka iyo weerada lagu haayo qowmiyada Yuhuuda ee ku dhaqan Sweden ayaa qaar ka mid ah wax garadka iyo culumada Muslimiinta ku nool Sweden ay taageero u muujiyeen Yuhuuda, iyagoo qaarkood ay booqasho ugu tageen goobaha ay ku cibaadaystaan oo ay u geeyeen ubaxyo iyo fariimio nabadeed.

Barnaamijka “Uppdrag granskning” oo ka baxa telefishinka SVT ayaa habeen hore soo bandhigay cunsuriyada, weerada iyo dhibaatada lagu haayo Yuhuuda, iyadoo qaar badan oo ka mid ah dhibaatooyinkaas la sheegay in ay ka dambeeyaan dhalinyaro Muslimiin ah oo ka careysan dhibaatada ay Israel ku hayso Falastiin.

Dadkii u tagay kaniisada Yuhuuda ee ku taala magaalada Malmö ayaa waxaa ka mid ah Salahuddin Barakat iyo Ibrahim Gicvan oo ka socday jaaliyada Muslimiinta Malmö. Salahuddin Baraka ayaa wargeyska Expressen u sheegay in uu dareemi karo dhibaatada lagu haayo yuhuuda maadaama isaga xitaa la dhibaateeyo oo diintiisa lagu bartilmaameedsado.

Gudoomiyaha jaaliyada Yuhuuda ee Malmö oo lagu magacaabo Jehoshua Kaufman ayaa sheegay in uu aad ugu farxay taageerada Muslimiinta, isla markaana ay go’aansadeen in ay qaataan kulamo kale mustaqbalka.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

14 Responses

  1. Muslim Ibnu muslim says:

    Aniga waxaa ila fiicnaa leheed inaadan CINWAAN uga dhigin.muslimiinta Sweden ee aad ka dhigto hebel iyo hebel ayaa taageeray yahuuda waayoo muslimiintu hal goaan iyo hal mad-hab kuma midoobaan saas darteed guudka haka qabanin ee shakhsiyaatka sameeyay ku koob

    Fikrad lala dhacay Thumb up 12 Thumb down 1

  2. abukar says:

    Asc dhamaan wan idiin salaamaya bahda ku xiran somaliska.com cid loo sheegayo ma jirto cadowtinimada yahuuda wana bani aadam kuwa ugu sharbadan dhankasto ey islaamka kala dirireen lkn islaamka waa diin sabar iyo dul qaad ku dhisan. kuley culumada waa saxanyihiin ayan dhihi karaa anaga dhulkaan malihin hadii falasdiin la difaacayo hala tago dhulka ey joogan ee halala dagaalamo maxaay hees daalin yurub inaad yahuud ku dhibto muslimow kuu suurta geli meyso iyaga aa tageero yahuuda iney ku tumato masaakiinta gaza yahuuda ineyna tabar leheen wan ognahay marka aan lafeheyna ilaasho bro jimcaale aad baa u,mahadsanthay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. mohamed says:

    jaamac sxb mida kaliya ee aan kuu sheegaayo waxeey tahay ciwaankaan badal maxaa yeelay shaqsi waaye waxa booqday ee haka dhigin muslimiinta dhan ineey taageereen ee sweden kunool anaga dhan muslimiin ayaan nahay sweden waan kuwada noolnahay mana taageersani yahuuda marka shaqsiga magaciisa lee soo qaado ee ciwaan ha ugu dhigin muslimiinta sweden kunool oo dhan ayaa taageeray yahuuda kwr tusaale ahaan qof sweden katagay oo muslim ah wadamo kale oo muslimiinta aaday ayaa laqabtay oo ladhahay sweden ayaad katimid waana ladilay isagoo loo aaneeynaayo inuu yahuud taageeray maadaama uu sweden kayimid marka dhibkaas yaa keenay waa adiga marka ciwaankaan wuu ila qaldanyahay qof walbana fikirkiisa waa muhim.. asc

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. daade says:

    Ciwanka wa qaladan yahay carab nin yahuda utagay ima matelo fadlan xuquuqda dad weynaha hala dhowro mahad sanit marlabaad pls Ciwan kan jimcale ado mahadsan wan karahnay Badel mahadsanid

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

    • Abdirahman Siyad says:

      Daade, jaahilnimo ayaa ku haysa. kala qaro, Yahuuda ma’aha kuliqood dad naceb muslimiinta, Yahuuda oo dhan ma taqeeraan Israel iyo falalka ay ku kacaan. Sida aan jecleen in aan noo la araq dad argagaxiso oo aan na loo takoorin waa in aan anaga dadka kala uxushmeenaa.

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  5. gabaldaye says:

    ciid kaa hadasha oo so badha sida oo kaleh masajida marwalba (bishi labo masjid) lagu gubo maxa loga hadli wayey , xaqayagi kuma hayno dalkan , dhakhtarka aya nalaga celiyad , dhimasho dhakhtar la aan darti aya jirta , shaqo la aan ino gar ah , somalay aaynu fadhiga kaa kacno , wargays dalka kaa miid aad haa la sameyo , dhamaan dadku haa isku taago oo dhibtan aynu qarsanayno aan shacino

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. nacala Tulaaha yuhuud wa nasaara says:

    Mawduucan qofka soo qoray waxaan kula talin lahaa in uusan shakhsiyaad Gooniya waxay sameeyeen dusha uga saarin Muslimiinta ku dhaqan deegaan dhan , ee uu ka faaloodo cida falkaa suubisay ee cageheed Yuhuuda ugu baashaal tagatay, taasna Danbi ayaa kaaga iman Kara sxb, Take Care man.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. Darmaan says:

    Acww ninkii yahuud maslaxo ka raadinaayow falastiin ku quus qaado. Waxaan layaabay Sheekh caan ka ahaa soomaaliya oo Charli-Hebdo u tacsiyeenaya iyadoo muslimiinta daafaha dunida kunool eey banaan baxyo kusoomuujiyeen difaaca NBI MAXAMED SCW. 2 nin yaa huba iney yihiin muslimiin hadeyse yihiin masaajidadii markii lagubaayay xagey jireen? War kolee waaladhiman ee runta iyo xaqa halacadeeyo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Nafisa says:

    Jimcaale ereyga (jirto) maxaad Horta uugu qortaa (jidho) ??!!
    Fadlan hadaad igu aqoon dhaamtaan qoraal ka farsoomaaliga hala ii sharaxo.
    Ma farsoomaaliga hore baa ee dalka maadama an halkan anigu kubarty qoralka. (Kuma jirto warkan lkn marar badan ayan iswaydiyay)

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Nafisa erayada ma kala duwana ee waxaa kala duwan isticmaalka, waqooyiga iyo koonfurta Soomaalia. Inta badan koonfurta iyo gobolada dhexe waxaa la isticmaalaa “R” sida eryga gabar. Halka waqooyiga laga isticmaalo “DH” sida gabadh.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. shirin says:

    Ma erayga (jirto) ayaad rabta inlagu sharaxo mise eraygaan af somali ku jirin ujeeddaad bayami nafisa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Abdinasir says:

    Asc asxaabeey maxaa loo eedayaa Jimcaale warka uu soo qorayna waa war sax ah ilaaheey nama dhihin dadka hala caayo hala dilo waa in aan ogaanaa horta yahuud iyo islam iyo kristen in ee intaba yihiin diimo alle soo dajiyay hase ahaatee wee kala danbeeyeen hakala dambeeyaanee alle inama oran qofki aan muslim ahayn hala caayo hala dilo yahuuda sweden ku nool iyo yahuuda ku nool israel maxaa isugu dareesaan ka wrn maanta nin muslim ku nool sweden hadii la dhaho muslim tahay alqaacidaa tahay oo lagu caayo soo xanuun maahan yahuud iyo waxuu doono ha ahaado qof aanan kugu xad gudbin in aad si bareer u maagto waa dambi waana taageersanahay in dhalin yarada yahuuda sweden kunool ee aan waxba ka galabsan caayaya dhagaxeenayaan in xabsi lagu guro gabigooda waayo qof aan waxba ka haleen ayuu maagayaa ninki isra’el la dagaalamaya ha u dhoofo faruumaha dagaalka sweden dagaal loogama baahna asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  11. shiiqa says:

    si wax loo qoro ma taqaanid ee ciwaanka badal kana dhig muslimiintata maalmo oo naxariis tusay dadka yahuuda asxan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  12. adoon ALLE says:

    Yaa u cilmi leh ma adoon yar oo aduunyo iyo magac radinaya mise ALLE SW akhri aayada WALANTARDAA CANKAL YAHUUDA WALANNASARAA…..ilaa aakhiri aayah kadib maceheedana iskuday in aad fahanto yaa miskin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0