Naqshada cusub ee Somaliska.com

Salaan qaali ah iga gudooma dhamaan akhristayaasha ku xiran Somaliska.com. Marka hore Alle ayaa mahad iska leh marka xiga horumarka Somaliska waxaa qeyb weyn ka ah taageerada aan hagarta lahayn ee bulshada Soomaaliyeed ee Sweden ay noo fidiyaan hadday ahaan lahayd soo tabinta wararka iyo faafinta bogga.

Somaliska hada waxaa la soo booqdaa 22,000 jeer bishii ayadoo nagala soo booqdo in ka badan 87 wadan. 76% dadka soo booqdo Somaliska waxay ku nool yihiin dalka Sweden ayagoo kala jooga 241 Kamuun.

Maanta waxaan bogga saaray naqshad cusub taasoo noo suurto galineysa in aan la socono isbedelka degdega ah ee uu sameynayo internetka. Naqshada cusub waxaan kaga faaideysan doonaa in aan adeegyo cusub ku soo darno bogga oo ay ka midyihiin Sawirada ay noo soo diraan bulshada, goob bulshadu ay doodaha isku waydaarsato iyo haddii ale idmo Suuq u qaasa bulshada Sweden si ay wax u kala iibsadaan.

Hadaba waxaan idin leeyahay wixii fikir  iyo talo ah fadlan inoogu soo hagaajiya emailka info@somaliska.com ama hoos ku qora.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

3 Responses

  1. anisa bella says:

    asc, dhamaan akhiyaarta soomalis.com ku xiran, aad iyo aad ayaand u mahadsan tihiin waana wax laku farxo inaad no so godbisaan dhamaan wararka ka dhacay wadankaan aan ku nool nahay, oo faaido badana leh madaama oo ku qoran yahay afkeena hooyo, waxaana rajeynaaya inaan gaarno guud intaanka weyn, wadmahadsan tihiin dhaman, asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. Massago says:

    Waa soo dhaweeynaa naqshada quruxda badan ee lasoo saray Somaliska.com waxaana u rajeeynaa guul iyo ineey somalida aad uga heli doonaan wararka iwm, wariyaasha sida aadka uga hawl galo sida Jimcale, Saciid iwm waxaan idiin leehay shaqa wanaagsan mvh Massago

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. nasriina says:

    a s c maasha allaah naqshadan quruxda badan ee lasoo saaray somaaliska maka hoer waxay mahadi u sugnaatay eebe maka xiga waxaan salaan qaali ah iyo bogaadin u dirayaa walaalkeena qaaligaa jimcaale iyo dhamaan saxaafiyiinta la shaqaysa sideey waqtigooda ugu hureen walaalahooda somaali waxan leeyahay allaha idin caawiyee da daalka sii wada hadaa nahay bulshada somaliyeed oo ku nool swedan waxan idin leenahay guulaysta

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0