Nässjö: goob hilibka xalaasha lagu qalo oo la xiray

Maamulka gobolka (Jönköpings län) ayaa xiray goob lagu qalo hilibka xalaasha oo ku taala magaalada Nässjö ka dib markii la sheegay in xayawaanka la qalo iyaga oo aan la suuxin. Maamulka gobolka ayaa sheegay in mudo sanad ah ay goobtaas isha ku hayeen isla markaana amaradii ay bixiyeen aan waxba laga qaban.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in diinta laga hormariyay waxkasta, iyada oo aan la qaadan shaqaalaha tababaran maadaama aysan Muslim ahayn.

Maamulka gobolka ayaa sheegay in si dib loogu furo goobtaas waa in ay shaqaaleeyaan dad xirfad u leh qaliinka xoolaha. Waxay intaas ku dareen in la doonayo in la soo bandhigo liis cadeynaya dadka xoolaha qalaya iyo in markasta qalabka lagu sameeyo baaritaan.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. nurani says:

    maaha in ay dhahan xolaha suuxiya waa inay ixtiraamaan qof walbodiintiisa sida uu wax u qalanayo taa waa cunsirinmo

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 1

  2. Khadija says:

    Waxan ka yaabaa markay noocaan u hadlaan aawey xoriyadii diinta ee ay sheegayeen mise waa la jiifiyaana banaan. Lagu lahaa hala suuxiyo ma waxay rabaan iney hilib neef baqtiyay na siiyaan Allow dhulalkii aan ka nimid noo nabadee aan dib ugu noqonee ileyn dhulalkeena diinta ayaa wax walba nooga sareysay halkan dimoqraadiyada ayaa wax walba ka sareysa. Ilaahow na xafid adigaa awood badane.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  3. fiiro gaara u yeesha talada la bixiyay says:

    ACWW walaaliyaalow waad salaamantihiin marka xigana diintan aan waardiye ka noqono ee laakiin talada nala siiyay maxay ku saabsantahay baal aan fiiro u yeelano,sida ku cad qoraalkan walaalkeena soo galiyay wakaaladan waxaa sharuud lagu xiray shaqaale xirfadeysan in la qaato ama la qorto taana mahan arin diin quseysa ee waa arin shaqo ku saabsan haddii ayagii oo gaalo ah mudo sanad ah baaritaan sameeyeen una kuur galeen sanad kaddibna go’aan ku gaareen iney xiraan goobtaa waxaan hubaa iney hubsadeen wax kastaa sideey u socdeen marka waay hubaan ayay sameeyeen wayna ku saxsanyihiin,walaalkeey muslimka ahow iyo walaasheey muslimada ahow malaga yaabaa goobtan muslimiintu xoolaha ku qalanaayeen in dad aan xirfad u lahyn wax ku qalaan taasoo dhib ku ah xoolaha la qalaayo.
    diinteena islaamka waxay fareysaa qofka wax qalaya inuu mididiisa afeeyo,qaliinkiina shalo oo ka dhigo mid sahlan una raaxeeyo noolaha la qalaayo mabo Maxamed aya laga wariyay xadiiskan SCW(LIYUXID AXADUKUM SHAFRATAHU WALIYURIX DABIIXATAHU) oo micnaheedu thaay axadkiina mididiisa ha afeesto oo gowriciisana u raaxeeyo yacni ha fududeeyo dhaqso hakala tuuro marka walaaliyaalow bal anaga aan dulqaad sameeno oo aan u kuur galno goobtaas iyo kuwa lamidka ah ee muslimiinta wax ku qalaan sharuudan nabiga sheegay iney oofiyaan tusaale ahaan waddankan aan ku noolahay oo kale muslin iyo gaalba waxay leeyihiin hal goob oo qura cilmbaaris dheer kaddib gaaladu waxay go’aan ku gaareen in qaliinka islaamku yahay kan saxda ah sidasna loo amray in muslimiinta wada qalaan dhammaan xoolaha cidkastana cunto A/c w w

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  4. farah says:

    WALAAL A/C DHAMAANTIIN

    WALAAL MESHA WAXAA AY KA WADAAN WAA CUNSURINIMO XITAA WAA AY DHAAFEEN DIIN NACAYB KULAHAA LIS AYAAN KEENAYNAA

    MIDA KALE QOLADAAN WAA LABO WAJIILAYAAL MARKA AY RABAAN WAXAY KU DHAHAYAAN DIINTU WAA XOR MARKA AY DANTOODA KA WAYAANA WAXAY DHAHAYAAN WAA XADGUDUB
    \MIDA KALE MEEDAY DEMOCRACY YADII AY KU FAANIJIREEN ?

    WAxay diidan yahiin meshaas muslimka xalaashoooda ka helayaa waxaay rabaan marka la waayo meel xalaal ah in laga adeegto tooda xaraanta ah

    walaalaha muslimiinta ah waxaan leeyahay hala feejignaado

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1