NATIIJADA DOORASHADA YURUB: Xisbiga Miljöpartiet oo si weyn ugu guuleystay doorashada

6

Natiijada doorashada Yurub ayaa soo baxday iyadoo taageerada xisbiga Miljöpartiet ay aad kor ugu kacday. Iyagoo noqday xisbiga 2-aad ee ugu kuraasta badan. Waxaa sidoo kale kuraas ka helay baarlaamanka Yurub xisbiga Dumarka ee FI iyo sidoo kale cunsuriyiinta SD. Xisbiga maamula dowlada Sweden ee Moderaterna (M) ayaa si weyn ugu qasaaray doorashada. Iyadoo Socialka ay xoogaa hoos u dhacday taageeradooda.

Xisbiga Miljöpartiet (MP) ayaa helay 15.2% marka loo barbar dhigo doorashadii 2009 oo ay heleen 11%. Xisbiga dumarka ee Feminist Initiative (FI) ayaa helay 5,3% iyagoo markii ugu horeysay kuraas ka helay baarlamaanka Yurub. Cunsuriyiinta Sverigedemokraterna (SD) ayaa helay 9,9% iyagoo sidoo kale markii ugu horeysay kuraas ka helay baarlamaanka. Xisbiga Moderaterna (M) aya helay 13,5% iyagoo hoos u dhacay -5,4%. Socialdemokraterna (S) ayaa helay 24,6%.

Arinta ugu xiisaha badan ee ka soo baxaysa doorashada ayaa ah cododka ay heleen xisbiyada MP, FI, SD iyo M. Wadanka Sweden ayaa baarlamaanka Yurub ka helaya 20 kursi.

Dhinaca kale ee qaarada Yurub ayaa waxaa aad kor ugu kacay taageerada ay helayaan xisbiyada cunsuriyiinta ah. Mowduuc gaar ah ayaan ku eegi doonaa sida u guuleysteen cunsuriyiinta Yurub.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here