Nidaamka Soomaalidu sharciga ku helaan oo la baaray.

6

Dowlada Sweden ayaa bilihii la soo dhaafay baaritaan ku samaysay nidaamka Soomaalida intooda badan sharciga ku helaan marka ay iska dhiibaan Sweden ee loo yaqaan “synnerligen ömmande omständigheter” ama Qof ay haysato xaalad aad looga tiiraanyoodo. Xaaladaan ayaa lagu sifeeyaa in Soomaaliya ay ka jirto taasoo ay dadka badankooda sharciga ku helaan balse dowlada ayaa dib u eegtay arintaan iyadoo hada warbixin laga soo saaray.

Baaritaanka ayaa lagu sheegay in Laanta Socdaalka (Migrationsverket) ay sidii loogu tala galay sharcigaas u raacday balse kiisas qaas ah ay sharciga ku bixiyeen si fudud. Waxaa ka mid ah kiisaska sida fudud loo bixiyay sharcigfa marka qof xanuunkiisa dartiis lagu siiyay sharciga iyadoon la eegin in qofkaas uu daryeel caafimaad ka heli karo wadankiisa.

“Arintaan waxay ahayd mid dood culus ka taagneyd, waa arin wanaagsan in hada dib loo eegay. Waa muhiim in xaalada aan sidaan ku sii wadno” ayuu yiri agaasamiha Laanta Socdaalka Dan Eliasson.

Si kastaba ha ahaatee, guud ahaan baaritaanka ayaan wax ka badaleyn nidaamka Soomaalida intooda badan sharciga ku helaan, sharcigaan ayaa la soo saaray sanadkii 2006 isagoo lagu badalay sharci hore oo lagu magacaabi Jiray  “humanitära skäl”.

Migrationsverket.se

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here