Nin aflagaadeeyey oday Soomaaliyeed oo 6 bilood oo xarig ah lagu xakumay

7

Maxkamad ku taala magaalada Minneapolis ee wadanka Maraykanka ayaa 6 bilood oo xarig ah ku xukuntay George Thompson oo ah 64 jir ka soo shaqeeyey Waaxda Gaadiidka, kadib markii ay ku cadaatay in uu si bareer ah aflagaado iyo weerar ugu geystay oday soomaali ah oo 83 jir ah.

George ayaa la sheegay in odayga Soomaaliga ah uu waydiiyay in uu Soomaali yahay ka dib markii uu ku jawaabay haa, ayuu feer ku dhuftay isaga oo ku qeylinaya dib ugu noqo africa iyo areyo diin iyo isir nacayba ku dheehantahay isla markaana ugu hanjabay in uu dilayo. Odayga waayeelka ah ayaa ka cararay ninka isagoo gabaad ka helay askar booliis ah oo goobta ka dhawayd.

Ninkaan cunsuriga ah ayaa markii dambe laga soo helay isaga oo ku jira baar qamriga laga cabo oo markaas cabsan isla markaana xambaarsan labo qori oo cabeysan.

Eedaysanuhu dawacada loo haysto maba uu san dafirin waxuuna sheegay in doodiisu la toosantahay maadana ninku soomaali muslim ah uu yahay. Waxa uu ku dooday in dhalinyaro Soomaali ah ay ku dhibaateeyeen xaafadiisa.

Ninkaan ayaa ku waayay shaqadiisa iyo xoriyadiisa weerarka uu ku soo qaaday odayga Soomaaliga ah. Waaxda Gaadiidka ayaa isla markiiba shaqada ka cayrisay iyaga oo sheegay in shaqaalahooda laga doonayo in ay yeeshaan dhaqanka ugu wanaagsan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here